Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku tagaya caasimada Itoobiya, Addis Ababa.

Safarka Madaxweynaha SL ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee uu ku tago Itoobiya, tan iyo markii uu qabtay xilka Madaxweynaha Somaliland, Diiseember, 2024.

Socdaalka Madaxweyne Cirro ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka Somaliland iyo Itoobiya, sida ay baahisay Warbaahinta Somaliland, waxaana uu Addis Ababa ku sugnaan doonaa labo ilaa saddax maalmood.

Madaxweyne Cirro, waxaa safarkiisa ku wehelin doono qayb kamid ah Wasiirada xukuumaddiisa oo ay kamid yihiin, Wasiirada Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Maalgashiga iyo Lataliyayaal Madaxweyne.

Safarka Cabdiraxmaan Cirro, Wafdigiisa, iyo xogaha ka soo baxaya, marka la eego lagama arkin callaamad muujinaysa inay Hargaysa iyo Addis Ababa ka wadahadlayaan wax ku saabsan heshiiskii MoU-ga ahaa ee labada dhinac hore u gaareen.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa 1-dii Janaayo, 2024, wadagalay heshiis is-afgarad oo ku saabsanaa in Itoobiyo ay dhul badeedka Somaliland 20KM isku wareeg ah ka hesho, taas baddalkeedana ay Itoobiya aqoonsato Somaliland. Heshiiskaas ayaa noqon mid fula kaddib markii ay Dowladda Soomaaliya iyo dhinacyo kala duwan ay si wayn uga horyimaadeen.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More