Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

In ka badan 61 mayd oo muhaajiriin/tahriibayaal ah ayaa laga soo saaray labadii toddobaad ee la soo dhaafay xeebta galbeed ee caasimadda Liibiya, Tripoli, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay Sabtidii soo saartey xarunta caafimaadka degdegga ah ee dalkaasi.

Xaruntan oo hoos timaadda wasaaradda caafimaadka Liibiya ayaa sheegtay in maydadka laga helay degaannada u dhexeeya magaalooyinka Zuwara iyo Ras Ijdir, meel u dhow xadka ay Liibiya la wadaagto waddanka Tuunis.
Warbixinta hay’adaha caalamiga ah ayaa tilmaamaysa in waddankaas ay ku sugan yihiin 894,890 muhaajiriin oo ka kala yimid 45 dal, kuwaas oo ay ku jiraan Soomaali badan oo isku dayey inay ka talaabaan badda Mediterranean si ay u gaadhaan Yurub. Inta badan muhaajiriintan ayaa wajahaya xaalado nololeed oo adag, halka qaar kalena ay ku naf waayeen safarka halista ah.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More