Dowladda Masar ayaa si adag ugu eedeysay Itoobiya in ay masโuul ka tahay kororka biyaha Webiga Nile iyo fatahaado culus oo toddobaadkan ku dhuftay waqooyiga dalka, gaar ahaan gobollada Beheira iyo Menoufia. Masar ayaa sheegtay in xaaladdan ay ka dhalatay โmaamul-xumo iyo qorshe laโaan ka jirta biyo-xireenka weyn ee Itoobiya dhisatay ee Grand Renaissance Dam,โ kaas oo muddo dheer muran ka dhex dhaliyay labada dal.
Fatahaaddu waxay sababtay in beerihii iyo guryihii ay biyuhu ku fatahaan, iyadoo meelihii ay dadku degganaayeen noqdeen kuwo aan la mari karin. Guryaha intooda badan waxaa laga dhisay meelaha hoose ee carro-biyoodka ah, taasoo keentay in ay si fudud u galaan biyaha markii webigu fatahay. Dad badan oo deegaanka ah ayaa lagu arkay iyagoo dhex socda biyaha oo gaaraya meel sare, halka qaar kale ay guryahoodii gebi ahaanba ku hoos galeen.
Illaa hadda lama oga heerka dhabta ah ee ay fatahaaduhu gaarsiisay khasaaraha, waxaana masโuuliyiinta Menoufia laga waayay faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada dadka ama hantida ay dhibaatadu saameysay.
Dhanka kale, fatahaado kale ayaa laga soo sheegay Suudaan oo deris la ah Itoobiya iyo Masar, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ku dhowaad boqol qoys ay guryahooda ka barakaceen kadib markii biyuhu ku fataheen. Magaalada Khartoum, dad badan ayaa la sheegay in ay ku khasbanaadeen in ay ka guuraan deegaannadooda si ay uga baxsadaan biyaha sii kordhaya ee ka imaanaya webiga.
Masar ayaa sheegtay in ay khasab ku noqotay in ay biyo ka sii dayso biyo-xireenka weyn ee High Aswan Dam ee ku yaalla koonfurta dalka, si looga hortago in uu ka buuxsamo biyaha kororka daran leh ee kasoo qulqulaya dhanka Itoobiya.
Eedeynta cusub ee Masar ayaa markale iftiiminaysa khilaafka sii xumaaday ee u dhexeeya labada dal, kaas oo salka ku haya biyo-xireenka Itoobiya dhisatay ee GERD. Masar ayaa ku doodda in biyo xireenkaas uu halis ku yahay ammaankeeda biyaha, halka Itoobiya ay difaacdo mashruuca iyadoo sheegaysa in uu muhiim u yahay korontada iyo horumarka dalka.
Xaaladda fatahaadaha iyo eedeymahan is-daba joogga ah ayaa markale soo nooleeyay cabsi ku saabsan in muranka biyaha Nile uu isu beddelo xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhex qaraxda gobolka Geeska Afrika.