Indonesia oo ah dalka Muslimiinta ugu badan ay ku noolyihiin waxaa maalmihii la soo dhaafay gilgilay bannaanbaxyo waaweyn oo Dawladda looga soo hojeedo, kuwaas oo sababay dhimashada ugu yaraan toddobo qof, dhaawaca boqolaal kale iyo burbur hantiyeed oo lagu qiyaasay in ka badan 3.3 milyan dollar. Mudaharaadyada ayaa markii hore ka bilaabmay caasimadda Jakarta, balse si degdeg ah ayey ugu fideen magaalooyin kale sida Bandung, Yogyakarta, Makassar iyo Palembang.
Sababta ugu weyn ee kacdoonka ayaa ahayd kadib markii la kordhiyay gunnada guryaha ee xildhibaanada, sidoo kalena la dhimay miisaaniyadda waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada dadweynaha ee ay Dawladdu bixin jirtay
Rabshaduhu waxay horseedeen gubashada dhismayaal dowladeed, xarumo boolis iyo guryo siyaasiyiin ay leeyihiin, iyadoo in ka badan 1,240 qof la xiray.
Madaxweyne Prabowo ayaa amray booliska iyo militariga inay si adag uga hortagaan rabshadaha, balse wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in la dhimayo gunnada iyo safarada dibadda ee xildhibaanada. Waxa uu ballan qaaday in sidoo kale la sameynayo baaritaan degdeg ah oo ku saabsan kiiska darawal dhintay oo qayb weyn ka ahaa sababaha banaanbaxyadaan.
Caalamka ayaa si dhow ula socday xaaladda, iyadoo Qaramada Midoobay ku baaqday baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan adeegsiga xoog xad-dhaaf ah, halka Human Rights Watch ku eedeeysay dowladda Indonesia in ay mudaharaadyada ula dhaqantay sidii argagixiso. Sidoo kale, dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Australia iyo Faransiiska ayaa soo saaray digniino safar, iyagoo muwaadiniintooda uga digay in ay ka fogaadaan goobaha mudaharaadyada.