Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Laascaanood, waxaa caawa si wayn uga socda loollanka loogu jiro Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari oo maanta oo sabtida ee 23-ka bishan ka qabsoomaya halkaas.

Laba murashax oo kala ah Cabdiqafaar Maxamud Dheeliye iyo Dr Aadam Aw-Xasan ayaa ku tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Labadan Xildhibaan ayaa si wayn u tartamaya; Dr Aadan oo ay dhisayso Dowladda Federaalka ah iyo xulafadeeda oo u horreeyo Hoggaamiyihii kumeelgaarka ahaa ee SSC Khaatumo ayaa loollan adag kala kulmay Cabdiqafaar Dheeliye oo ay mucaaridku riixayaan, kaas oo saacadihii ugu danbeeyay si wayn kor ugu soo kacay.

Waqtigan oo ku dhow waabariga xilliga magaalada waxa si wayn u socda kala jiidashada Mudanayaasha Baarlamaanka Waqooyi Bari. Xildhibaannada kala taageersan labada dhinac ayaa ku kala sugan goobaha ololaha ee labada Musharax.

Ilo madax banaan oo kusugan magaalada ayaa inoo sheegay in marka la eego sida wax u socdaan ay macquul tahay labada kursi  ee kala ah Afhayeenka iyo Kuxigeenkiisa ay dhan wada mari karaan, waxkastana ayaa ku xidhan sida dhinacyada ay u kala shaqaystaan saacadaha kooban ee ka haray codaynta.

Ilaa hadda waxaa la hubaa in kursiga Guddoomiye Xigeenka labaad aan tartan ka jirin, xilkaasna uu si dhibyar ku qaadan karo Xildhibaan Cabdirisaaq Jaamac warsame oo keligiis booskaas isku diiwaangeliyay.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More