Soomaaliya waxa ay muddo dheer la tacaalaysay wax ka qabashada xaaladaha caafimaad darro ee cuduradda guud ahaan si gaar ah kuwa ku saabsan cudurrada kelyaha.
Tan iyo burburkii Dowladdii Milatariga ee Soomaaliya, waxaa meesha ka baxay daryeelka guud ee caafimaadka dadwaynaha, taas oo khasabtay in dad isxilqaamayaal ah ay u istaagaan gacan ka geysashada xaaladaha caafimaad daro ee guud ahaan dalka.
Inkasta oo dedaal badan la sameeyay, haddana Soomaaliya ma joogto heer ku filan daawaynta dadkeeda, waxaana maalin kasta soo baxo bukaanno cusub oo u baahaan daryeel iyo daawayn. Cuduradda sida wayn ay bulshada Soomaaliyeed ula dhibaatoonaysa kuwooda ugu daran waxaa kamid ah cudurada ku dhaca kelyaha iyo habdhisyada la xiriira.
Sida qiyaaso kala duwan oo ay sameeyeen haý’adaha Dowladda iyo xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahaay waxaa kumannaan bukaan ah oo sannad walba u baahan adeegga kelyo-dhaqista (dialysis). Hase yeeshee, tirada xarumaha iyo qalabka la heli karo ayaa aad uga yar marka loo eego baahida. Qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ay kooban tahay wax hayntoodu ayaa ku khasbanaada safarro dhaadheer oo deegaankooda kabaxsan ama dalka dibbadiisaba kuwaas oo ay ku baxaan kharash badan si ay u helaan adeeggan, halka qaar kalena aan helin fursad ay ku badbaadaan.
Si loo joojiyo xaaladdan halista ah, shirkadda Tayo Biomed Solutions ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah, iyadoo dalka keenaysa mashiinnada casriga ah ee Nipro Dialysis oo ay soo saarto shirkadda caalamiga ah ee Nipro Corporation ee laga leeyahay Japan.
Muhiimadda Qalabka Kelya-dhaqista
Qalabka kelya-dhaqista waa adeeg caafimaad oo kushaqeeya koronto kuwaas oo dhiiga looga sifeeyo wasakhda kaddib marka ay shaqada gabaan labada kelyood, waxaana uu waqtigan muhiim u yahay badbaadada nafta aadanaha.
Soomaaliya oo kamid ah dalalka ugu hooseeya ee caalamka ee bixinta adeegga caafimaadka dadwaynaha, waxaa dadkeeda kaga baxay kharash badan si ay u helaan adeeggan. Shirkadda Tayo Biomed ayaa noqotay shirkaddii koowaad ee dalka keentay qalabka casriga ah ee kelya-dhaqista oo ay soo saarto shirkadda caanka ku ah mashiinnada kelya-dhaqista ee reer Japan, ee Nirp Corporation oo la asaasay sannadkii 1954.
Tenaye, Maareeyaha Nipro ee Geeska Afrika, ayaa sharaxay taariikhda iyo waayo-aragnimada shirkadda oo ka howl gasha in ka badan 60 dal. Wuxuu tilmaamay in mashiinnada Nipro Dialysis ay yihiin kuwo caalami ahaan la isku halleyn karo, isla markaana ay yihiin “tallaabo naf-badbaadin ah” oo u baahan bulsho sida Soomaaliya oo ay baahi weyn ka jirto.
Daahfurka koowaad ee dalka ka qabsoomay
14-kii bishan Ogoost0, waxaa magaalada Muqdisho ka qabsoontay xaflad heer sare ah oo lagu soo bandhigay qalabkan caafimaad ee muhiimka ah kaas oo ay dalka keentay shirkadda Tayo Biomed oo wakiil rasmiya uga ah dalka shirkadda kale ee caalamiga ah ee Nipro.
Munaasibadda shaacinta oo ka qabsoonta Hoteel Afrik ee Muqdisho waxaa ka soo qaybgalay maamulka Shirkadda Tayo Biomed, hoggaamiyeyaal caafimaad, wakiillo hay’ado caalami ah, iyo ururo samafal oo ballanqaaday inay garab istaagi doonaan dadaalka cusub.
Eng. Cabdiqani Axmed, Madaxa Guud ee shirkadda Tayo Biomed Solutions, ayaa furay xafladda isagoo muujiyay sida shirkaddiisu ugu hanweyn tahay inay dalka keenaan qalab caafimaad oo tayo sare leh. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in himilada shirkaddu tahay in bulshada Soomaaliyeed loo helo xalal casri ah oo naf-badbaadiye ah, ayna diyaar u yihiin inay sii wadaan maalgelinta qalabka caafimaadka ee muhiimka ah.
Hadalladdii ugu muhiimsanaa ee goobta laga jeediyo waxaa kamid ah tii uu jeediyay Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, Agaasimaha Cusbitaalka Martiini ee Muqdisho, kaas oo horray mid kamid ah kelyihiisa ugu deeqay, ayaa si gaar ah u ammaanay qalabkan cusub. Wuxuu ku tilmaamay “fursad nolosha lagu badbaadin karo”. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka hadlay wakiillo ka socday Hormuud Salaam Foundation, Qatar Charity, iyo International Medical Corps (IMC). Dhamaantood waxay ballanqaadeen inay taageeri doonaan ballaarinta adeegyada kelyo dhaqista, kuwaas oo lagu xoojinayo dadaalka Tayo Biomed Solutions.
Sidoo kale, Mr. Cabdirashid Bulbul oo ka socday Xarunta kelyo-dhaqista ee Daarulsalaam oo ah xarunta ugu weyn ee dalka oo si bilaash ah u bixisa adeegan ayaa adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo qalabkan. Wuxuu ku booriyay isbitaallada kale inay qayb ka qaataan dedaalka naf-badbaadinta ah.
Inkasta oo ay mas’uuliyiin badan hadal ka jeediyeen madasha daahfurka ee qalab-kan cusub ee dalka kusoo kordhisay shirka Tayo Biomed, haddana Dr. Maxamed Caddow, Xoghayaha Guud ee Golaha Qaranka ee Mihnadlayaasha Caafimaadka, ayaa xusay in la ilaaliyo halbeegyada tayada iyo adeegsiga qalab la isku halleyn karo, si loo daboolo baahida sii kordheysa ee bulshada.
Si guud madasha daahfurka ayaa ku soo idlaatay is-afgarad iyo rajo wadaag ah oo ku saabsan in Soomaaliya laga horumariyo adeegyada kelyaha, iyadoo dhammaan ka qeybgalayaashu isku raaceen in mashiinnada Nipro Dialysis ay kaalin weyn ka qaadan doonaan beddelidda xaaladda caafimaad ee dalka.