Faaduma Ladan Cabdillaahi
Si guud dunidu waxay ay xilligan wajahaysaa aafada isbedelka cimilada oo si xawlli ah u kordhaysa, taas oo ka dhalatay sababo dabeeci ah iyo kuwo dad samee ah labadaba. Soomaaliya waxa ay kaalimaha hore kaga jirtaa jaantuska waddamada ugu nugul isbeddelka cimilada, iyada oo ay u dheer tahay inaaney wax diyaar garoow ah ka gelin musiibadan caalamiga ah.
Meelaha saamaynta is beddelku xilli horeba kasoo if baxay waxaa ka mid ah xaalufka degaanka, sare u kaca heer kulka oo xawli u kordhaya, biyo yari, carro guur, iyo fatahaado soo noqnoqda kuwaas oo sababay xaaluf iyo inay jiin guuraan badi dhirtii xooluhu ku dhacaran jireen xilliyada jiilaalka.
Geelu waa mudanka xoolaha ay Soomaalidu dhaqato kaas oo ku soohnaan jirey jiraalka iyo haybta qofka Soomaaliga ah, kuna lamaana sharafta iyo qiimaha qof ama qoys lahaanayo. Inta badan suugaanta iyo sheekooyinka Soomaalida waxa la gu arkaa iyaga oo ku tookhaya, is waydaarsanaya, kala dhacaya, isku maamuusaya ama siyaabo kala duwan u gu macaamilaya geela taas oo muujineysa kaalinta muga leh ee uu ka ga jirey nolosha Soomaalida.
Marka la ga imaado in uu geelu yahay hanti sharafeed, Soomaalida waxa uu u gu jiraa kaalmo badan oo nololeed sida in uu yahay il cunto oo cadkiisa iyo caanihiisa si weyn loo gu tiirsan yahay, inay u adeegsadaan nabadda oo magta ku kala qaataan, gaadiid ahaan in loo isticmaalo oo qoysasku ku guuraan ama adeegyo kale lagu qaato masaafo dheer, ama yaradka laga bixiyo oo hablaha lagu guursado oo ninka aan geel soo tubi karin ay adkayd inuu guur ku hammiyo.
Geelu waa meesiga ugu adkaysiga badan gaajada iyo harraadkaba marka loo eego xoolaha kale ee ay Soomaalidu dhaqdaan, iyo kan ugu riiq dambeeya marka abaar laysku bahardaadsho, sidoo kalena waxa uu ahaa mid la wada manaafacaadsado oo marti iyo mudaneba laga haqab tiro cadka iyo caanihiisa.
Qarni ka hor raas kasta waxaa u foofi jirey kadimmo geel ah oo isugu jira Gaano, Galoof, Rimay, Irmaan iyo Awr tabaadi ah oo doobta tuuraya, muuqaalkaasu wuxuu ahaa waxa ugu weyn ee farxad iyo qanaaco geliya laabta geeleyda isagoo ku dareemi jirey sarrayn iyo milge uu dadka kale dheeryahay, halka midka aan haysanina uu tamanniyi jiray inuu mar uun heerkaas gaadho. Haddaba, abaarihii soo noqnoqday 10kii sano ee u dambaysey waxa ay sababeen in badi xoolihii Soomaalidu yaraadaan, gaar ahaan geela oo qarka u saaran inuu dabar go’o.
Waxaa aad hoos ugu dhacay hab dhaqashadii geela Soomaalida ee ab ogaaga ahayd, iyadoo sannadihii dambe ay bilaabatay hab dhaqasho casri ah taas oo aad uga duwan middii hore, waana habka loo yaqaan Xerayska ama Barqa-maalka oo ah in geela aan la foofin, 24 saacna uu xeraysnaado iyadoo biyo iyo raashin lagu siinayo galaha dhexdiisa.
Sida caadiga ah bini aadamka oo keliya ayaa ku dhergi kara raashin weel loogu shubay balse xoolo waa ay ka duwan yihiin, marka ay geel noqotana waa arrin aan suurta gal ahayn inuu ku baahi baxo ama sabarkiisa ay buuxiso cunto weel loogu shubay.
Si kasta oo ay ahaydba, haatan Isbedelka cimilada wuxuu si ba’an u saameeyay deegaanka Soomaalida, gaar ahaan geela oo ahaa xoolaha ugu adkaysiga badan abaaraha. Kulaylka sii kordhaya, biyo la’aanta, iyo xaalufka dhirta ayaa sabab u noqday dhimasho iyo hoos u dhac ku yimid tirada iyo tayada geela. Waxaa meesha ka baxay dooggii dabiiciga ahaa ee uu ku noolaan jiray, taasoo si toos ah u dhaawacday tarantiisa iyo xooggiisa adkeysi.
Si looga falceliyo xaaladdaas, waxaa si tartiib ah u soo ifbaxay hab cusub oo lagu dhaqdo geela — xareynta joogtada ah, ama “xerays”, kaas oo lagu hayo gudaha xero 24 saac iyadoo lagu quudiyo raashin iyo biyo la keeno. Hase yeeshee, habkan wuxuu jebiyay xidhiidhkii dabiiciga ahaa ee geelu la lahaa deegaanka, wuxuuna curyaamiyay dhaqdhaqaaqiisii, tamartiisii, iyo tarankiisii dabiiciga ahayd.
Sidaas darteed, haddii aan si qoto dheer dib u eegis loogu sameyn habka cusub ee dhaqashada, laguna xirin xalal deegaanka lagu soo nooleynayo, geelu wuxuu wajahayaa halis ah in uu noqdo xoolo sii libdhaya dhawaana kaliya la ga helo sheekooyinkeena