Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sannadkii 2022 noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee xukunka mar labaad dib ugu soo laabta, isagoo horay u soo noqday Madaxweynaha dalka intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017.

Dib ugu soo laabashadiisa Villa Soomaaliya ayaa lala xiriiriyay khibradda uu u leeyahay hoggaaminta iyo siyaasadda dalka.

In kasta oo uusan ahayn murashaxa ama dookha kaliya ee xilka Madaxweynaha u tartamayay, maadaama ay jireen in ka badan 30 murashax oo xilkaas u hanqal taagayay, haddana codbixinta xildhibaannada Baarlamaanka ayaa keentay inuu noqdo Madaxweynaha dalka.

Si kastaba ha ahaatee, markii uu xafiiska la wareegay, Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu eedeeyey inuu magacaabista mas’uuliyiinta dowladda ku saleeyay saaxiibtinimo, taasoo keentay in xulasho kale oo aqoon iyo khibrad u leh hay’adaha dowliga ah aan la tixgelin.

Arrintan waxaa si cad looga dheehan karaa magacyada mas’uuliyiinta uu xilka ka qaaday iyo kuwa uu u magacaabay xilalkaas oo badankood ah magacyo ama shaqsiyaad isku mid ah. Tusaale ahaan, Mahad Maxamed Salaad oo mar kale loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka (NISA), ayaa muujinaysa sida Madaxweyne Xasan Sheekh ugu dheggan yahay xulashooyin kooban oo saaxiibtinnimo ku saleysan.

Magacaabista Mahad Salaad waxay fursad cusub u abuurtay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin horey xilalka looga qaaday oo uu ugu horreeyo Janaraal Sulub Firin, kuwaasoo hadda rajeynaya inay dib ugu soo laabtaan xilalkii ay hore u hayeen. Warar xog ogaal ah oo ay heshay Somali Stream ayaa tilmaamaya in saaxiibadii Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ee hore xilalka looga qaaday, ay hadda qabaan rajo xooggan oo ku saabsan in markale ay qeyb ka noqdaan maamulka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha kaliya ee laba jeer hoggaamiyey Soomaaliya, sidoo kalana ah Madaxweynaha soo celiyey Cumar Cabdirashiid oo ah shaqsiga keliya ee laba mar Soomaaliya Raysal Wasaare ka noqday, ayaa xilhayntiisa labaad magacaabay tiro badan oo mas’uuliyiin ah kuwaasoo horey xilal uga soo qabtay dowladdiisii hore iyo tan hadda.

Liiskan waxaa ugu dambeeyey Mahad Salaad, halka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Muungaab uu kusii xigo. Yuusuf Madaale, iyo Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa kamid ah magacyada mar kale ku soo baxay qalinka Madaxweynaha, inkasta oo aysan waqtigan xil rasmi ah haynin.

Sidoo kale, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Asluubta, oo horey xilalka uga tagay, ayaa mar kale lagu soo daray wareegtooyinka Madaxtooyada. Wasiirkii hore ee Shidaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Taliyihii hore ee Booliska Sulub Axmed Firin ayaa sidoo kale ka mid ah shaqsiyaadka doonaya inay dib ugu soo laabtaan xilalkoodii hore.

Inkasta oo isbeddelka iyo magacaabista mas’uuliyiintani ay yihiin kuwo ka tarjumaya rabitaanka Madaxweynaha, haddana waxaa muuqata in Raysal Wasaaraha uu isna dadaal ugu jiro sidii uu saaxiibadiis dib ugu soo celin lahaa Xukuumadda.

Si guud, waxaa isa soo taraya dhaqanka ah in shaqsiyaad xilalkii looga qaaday eedeymo la xiriira xil gudasho la’aan ay mar kale dib ugu soo laabanayaan xafiisyada dowladda, inkasta oo aan dhaqankan loo hayn fasiraad, haddana falanqeeyayaasha ayaa ku cabbiray in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doorbidayo inuusan noqon shaqsiga keliya ee mar labaad xil dib u qabta.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More