Qaar kamid ah Safaaradaha reer Galbeedka ee deggan xayndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa bilaabay qorshe lagu abaabulayo Shirwayne Qaran oo la isugu keenayo hay’adaha dowladda iyo kooxaha mucaaradka ah.
Qorshahan ayaa ku yimid soojeedinta Dowladda Mareykanka oo haatan kasii xarig furanaysa Villa Soomaaliya, waxaana jira saluug xooggan oo uu maamulka Donald Trump ka qabo habka ay Dowladda Federaalka u maareynayso dagaalka argagixisada iyo arrimaha siyaasadda loo dhan yahay oo ay doorashooyinka iyo dastuur beddelidda ugu muhiimsan yihiin.
Shirkan oo kulmin doona qeyb kamid ah Golaha Wadatashiga Qaranka (Madaxtooyada, Xafiiska Raysal Wasaaraha, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal, Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug Hirshabeelle, Gobolka Banaadir iyo SSC-Khaatumo oo dhinac ah), Puntland iyo Jubaland oo dhinac kale ah iyo Madaxweyneyaashii iyo Raysal Wasaarayashii hore ayaa sida qorshuhu yahay la doonayaa in lagu qabto Xalane, waxaana martiqaadka iyo isku dubaridka laga fikirayaa inuu yeesho Xafiiska Qaramada Midoobay.
Shirkan oo haatan maraya heer qorsheyn ah ayaa la diyaariyay qabyo qoraalkiisa koowaad, waxaana lala wadaagay labo kamid ah saaxiibada Soomaaliya ee ku mideysa C6+. Beesha Caalamka ayaa guddoonsatay qabashada shirkan haddii ay Dowladdu ka dhabayn waydo gogoshii ay ballan qaaday inay noqoto madal lagu xalliyo tabashooyinka laga qabo Dowladda Federaalka ee ka imaanaysa laba Dowlad Goboleed iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Xamar ku shirsan.
Dhanka kale sida aan xaqiijinnay Dowladda Uganda ayaa u xusul duubaysa inay martigaliso shir lagu heshiisiinayo dhinacyada isku haya doorashooyinka Soomaaliya, haddii ay Villa Soomaaliya xal u waydo ilaa horraanta bisha Luuliyo.
Lama oga sida ay uga falcelin doonto Dowladda Federaalka, hase ahaatee qorshaha haatan karkaraya ee Beesha Caalamku hormuudka ka tahay ayaa noqon Kara ibo-fur xalka is-maandhaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka..
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyeyaashii hore Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo dhawr Raysal Wasaare hore oo ay kamid yihiin Cumar Cabdirashiid, Cabdi faarax Shirdoon, Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirwayne mucaarid uga socdaa magaalada Muqdisho si midnimo loogu wajaho doorashada halka dhinac ah ee ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya.
Siyaasiyiinta mucaaridka ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay la kulmayey Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo qaybo kamid ah Safiirada dalalka arrimaha Soomaaliya daneeya.
Waxaa kale oo jira in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Nairobi, Kenya iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo isla Nairobi kusoo wajahan Sabtida inay iyaguna wadaan kulamo lagu dardargelinayo sidii loo ballaarin lahaa Golaha Wadatashiga, looguna soo dari lahaa siyaasiyiinta ku shirsan Muqdisho iyo Afhayeennada Labada Aqal.
Khilaafka siyaasadeed ee hadda dalka ka jira ayaa hoos u dhigay dagaalkii argagixisada, waxaana meesha ka baxay Golihii Wadatashiga Qaran, kaddib markii ay qayb kamid ah xubnihii golahaas ay ku biireen Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Midnimada ee uu Hoggaamiyaha iyo Muarashaxaba u yahay Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud.