Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo soo noqday Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland ayaa qabanaya Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan dalka Suudaanta Koonfureed(South Sudan), kaddib marka la dhamaystiro habraacyada magacaabistiisa oo haatan meel fiican maraya.

Sida aan ogaannay Soomaaliya ayaa Midowga Afrika kala shaqaynaysa arrimaha dalka South Sudan, maadaama Soomaaliya oo Suudaanta Koonfureed ay ku wadajiraan IGAD loo arko inay noqon karto dal ay ku kalsoonaan karaan dhinacyada siyaasadda ee dalkaas.

Midowga Afrika maleh ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika sida qaybaha kale ee qaaradda, waxaana magacaabista Dr. Gaas ka dhigan tahay in markan ahmiyad la siinayo.

Urur Goboleedka IGAD ayaa sanadihii u dambeeyay isu xilsaartay arrimaha Sudan, South Sudan iyo dagaalkii Tigray taasoo Midowga Afrika uu korjoogtayn kulahaa oo kaliya.

Dr. Cabdiwali ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay ka maqnaa saaxadda siyaasadda, wuxuuna dhawr toddobaad kahor ku sugnaa Jabuuti, halkaas oo la rumeysan yahay inuu ka bilaabay ololihiisa uu ku noqonayo Ergayga Gaarka ah.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More