Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Kahor iyo keddibba, waxaa loo aqoon san yahay ninkii ugu saamaynta badnaa ee soomara, hoggaamiya ama wax ku biiraya Hay‘adda Sirdoonka ee Soomaaliya. Geeridiisa oo ahayd mid aad looga dareemay dalka ayaa dadweynaha dib u xasuusay shaqsiyada iyo shaqadii raadka waynayd ee sarreeyo Guuto Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle).

Soomaalida maanta iyo si guud Qaranka Soomaaliyeed ayaa la tiiraanyaysan geerida  Taliyihii hore ee Ciidanka Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NSS), Sarreeye Guuto Axmed Dafle. Jeneraalka ayaa geeriyooday kaddib muddo dheer oo uu u huray u adeegidda dalkiisa, isagoo dhigaal ciidan oo aan la isku diidanayn ku reebay taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Waa kuma Axmed Sulaymaan?

Jenaraal Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer sanadkii 1937-kii. Wuxuu hooyadii Ardo Xuseen waayey isagoo 13 jir ah, aabbihiina wuxuu geeriyooday sanadkii 1974. Waxbarashadiisii hore ayuu ka bilaabay magaalada Burco halkaas oo uu ku bartay Qur’aanka Kariimka ah, keddibna sanadkii 1949-kii ayuu u wareegay magaalada Hargeysa si uu u sii wato waxbarashadiisa.

Sanadkii 1955, wuxuu ku biiray Machadka Farsamada ee ku yaallay magaalada Cadan ee dalka Yemen, wuxuuna markii dambe fursad u helay inuu wax ka barto Akademiyadda Ciidamada ee Boqortooyada Ingiriiska (Royal Military Academy), halkaas oo uu ku takhasusay dagaalka ciidanka lugta. Markii uu kusoo laabtay Soomaaliya, wuxuu noqday macallin ka tirsan Dugsiga Saraakiisha Ciidanka ee Muqdisho.

Sanadkii 1965, Axmed Sulaymaan waxaa loo dallacsiiyay darajada Captain wuxuuna noqday Taliyaha cutub ciidan oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo. Laba sano keddib, 1967-kii, wuxuu noqday Taliyaha cutub ciidan oo kale oo fadhigiisu ahaa Degmada Saylac. Bishii Sebtembar ee isla sanadkaa, wuxuu noqday Madaxa Xafiiska Sirdoonka Milatari ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, sidoo kalena wuxuu noqday Xoghayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee xilligaas, Sarreeye Guuto Maxamed Siyaad Barre.

Sanadkii 1968, waxaa loo dallacsiiyay darajada Mijir, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ugu muhiimsanaa ee doorka weyn ka qaatay afgambigii aan dhiigga ku daadan ee dhacay sanadkii 1969-kii, kaasoo xukunka uu kula wareegay Janaraal Maxamed Siyaad Barre. Intii u dhexeysay 1970-71-kii, wuxuu u isaga gudbay darajooyinka is xig-xiga ee Gaashaanle.

8-dii Janaayo 1971-kii, Jenaraal Axmed waxaa loo magacaabay madaxa cusub ee hay’addii la mideeyay ee Sirdoonka Qaranka (NSS), taasoo ka koobaneyd Laanta Gaarka ah (Special Branch) iyo Sirdoonka Milatari. Intii uu xilka hayay, NSS waxaa la ballaariyay si heer sare ah, waxayna ka mid noqotay hay’adaha sirdoon ee ugu horreeya Qaaradda Afrika, iyadoo door muhiim ah ka ciyaartay xasilinta gudaha dalka.

Jenaraal Dafle wuxuu hoggaamiyey Soomaaliya doorkeedii taageeridda halganka xorriyadda Afrika. Sanadkii 1974-kii, wuxuu kamid ahaa wafdi Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya u dirtay  dalka Mozambique si ay u garab istaagaan dhaqdhaqaaqa xoreynta FRELIMO, taasoo ka tarjumaysay kaalintii Soomaaliya ee geedi socodka xoreynta Afrika.

Keddib burburkii xukunkii Siyaad Barre sanadkii 1991-kii, Jenaraal Dafle wuxu ka fogaaday dagaalladii sokeeye ee dalka ku baahay, muddo badanna wuxuu ku noolaa dibadda.

Geeridiisa waxaa ka tacsiyeeyay hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo dhowr ah oo ay ku jiraan Agaasimayaashii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka sida Danjire Axmed Macallin Fiqi, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Mahad Maxamed Salaad, iyo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo dhamaantood qoray tacsi xusuus ah oo ay ku muujinayaan taariikhda iyo kaalintii Jeneraal Dafle ee qaranka Soomaaliyeed.

Naxariistii Janno Eebbe Weyne ha siiyo, Axmed Sulayman Cabdalla (Dafle).

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More