Jimcaha ina dhaafay, waxay Dowladda Kenya daahfurtay qorshe aasaasi ah kaas oo wax looga qabanayo nolosha qalafsan ee qaxootiga dalka Kenya ku sugan haysata.
Qorshahan oo ah mid bilow ah waxaa Madaxtooyada dalkaas kaga dhawaaqay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku Xigeenkiisa, qayb kamid ah Golayaasha Xukuumadda iyo labada Gudoomiye Maamul ee Gaarisa iyo Turkanaa oo ah labada deegaan ee ugu weyn ee Caalamka oo idil martigeliya qaxootiga ugu badan.
Kulanka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Hay’adda UNHCR Filippo Gandi, ee Qaramada Midoobay u qaablisan qaxootiga, taas oo gacanta ku haysa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma, kuwaas oo kala dhaca Gaarisa iyo Turkaana sida ay uu kala horeeyaan.
Waa Maxay Qorshaha Shirika?
Qorshaha Shiriki ayaa ah hab la doonayo in qaxootiga dalka Kenya ku sugan noloshooda wax looga qabto. Shirika oo ah erey Swahili ah oo macna ahaan noqonaya Iskaashi ayaa loo xushay in magac ahaan loo siiyo qorshaha Kenya ku doonayso inay qaxootiga dalkeedu ku sugan ay helaan isdhexgal bulsho.
Filippo Gandi oo madasha furitaanka qorsha ka hadlay ayaa ku ammaanay Kenya qorshaha Shiriki, waxaana hadalkiisa kamid ahaa “Kenya keliya nama tusin sida is-dhexgalka, rajo samaynta iyo isku-dhafidda bulshadu ay suuragal u tahay. Hase ahaate, waxay caalamka tusaysaa sida ay muhiim u tahay in wax la wada qabsado oo la kala faa’iidaysto.”
Qorshahan oo ahaa mid muddo soo socday ayaa ugu danbayn waxaa ku dhaqaaqay in uu fuliyo Madaxweynaha waqtigan ee Kenya William Ruto, kaas oo 28kii bishii Maarso ee tagtay kaga dhawaaqay Madaxtooyada dalkaas.
“Qorshahani waxaa uu kor u qaadayaa maamulkeenna qaxootiga, iyadoo nolosha ku tiirsanaanta gargaarka loo rogayo mid is-dhexgal bulsho ah iyo horumar ah, taas oo ku dhisan falsafadda guud ee ah dhibka Afrika, waa in lagu xalliyaa go’aan Afrika leedahay.” Ayuu Madaxweynaha Kenya ka sheegay furitaanka qorshaha Shiriki.
Shiriki ayaa la qorsheenayaa inuu wax ka qabto nolosha in kabadan siddeed boqol oo kun (800,000) oo qaxooti ah kuwaas oo ku nool dalka Kenya. Soddonkii sanno ee lasoo dhaafay waxay Kenya ahayd dalka ugu weyn ee Geeska iyo Bariga Afrika ee soo dhawaysay qaxootiyaasha kasoo cararay colaadaha dalalka la jaarka ah si gaar ah Koonfur Suudaan, Soomaaliya iyo Burundi.
Saamaynta uu ku leeyahay qorshahani qaxootiga Soomaaliyeed
Dhadhaab, waa xerada ugu weyn ee caalamka ee martigelisa dad qaxooti ah, dadka ugu badan ee xeradan ku nool ay ah Soomaali ka soo cararay dagaallada iyo abaaraha dabo-dheeraaday ee Soomaaliya.
Qiyaas ahaan waxaa lagu sheegaa Soomaalida ku xeraysan xeryaha isa-saaran ee Dhadhaab ku yaal in kabadan 400 kun oo qof oo halkaas ku noolaa tan iyo markii irridaha loo furay xeryahan bilowgoo sagaashamaadkii wax yar uun kaddib burburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaliya.
Soomaalida ku nool xeryaha ayaa Dhadhaab soo magan-galay, waxaana gacanta ku haysay Ha’yadda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, waxaana xeryaha lo furay inay martigeliyaan dadka Soomaaliyeed tan iyo inta dalkoodu uu xasillooni ka helayo ay dib ugu noqonayaan.
Nasiib darro dalka Soomaaliya ayaan weli kasoo kaban degenaansho la’aantii horseeday inay dadkiisu kasoo gudbaan xadka iyaga oo raadinaya badbaado iyo nolol, duruufaha qalafsan ee dalkooda ka jira ayaana keentay inaysan ku laaban Soomaaliya.
Dadka xeryaha qaxootiga ku nool ayaa si iskood ah u bilaabay inay nolol ka samaystaan xeryaha, waxayna la qabsi iyo isdhexgal la sameeyaan bulshada deegaanka Dhadhaab ee Gaarisa oo ah halka martigelisay.
Inkasta oo dadka Gaarisa ay yihiin Soomaali, marka la eegana ayna ay isku isir yihiin qaxootiga Soomaliyeed, haddana shuruucda Kenya iyo duruufaha nololeed ee qaxootiga ku sugan yahay ayaa keentay inaysan horumar ka samayn dhexgalkooda bulshada.
Kenya oo xal u aragta inaan qaxootiga dalkeeda ku nool aysan kusii tiirsanaan karin kaalmada aduunku bixiyo, tabarucaadka hay’adaha ayaa qaaday qorshaha Shiriki ay is-dhexgalka dadka deegaanka iyo qaxootiga, waxaana ay fursaddani nolol dhaanta middooda u abuuraysaa qaxootiga oo ay kamid yihiin dadka Soomaaliyeed.
Qaxootiga ayaa heli doona marka uu dhaqan galo qorshani in loo fududeeyo inay helaan guriyeyn, inay shaqaysan karaan iyo inay u safri karaan dalka gudihiisa iyaga oo aan la kulmayn xannibaado sharci.
Caqabadaha haysta qorshahan Shirika
Qorshaha Shiriki oo ah mid bilow ah oo aan hore noociisa oo kale aan loo tijaabin, ayaa la kulmaya caqabado ku hor gudban dhaqaajintiisa, waxaana markiiba ka horyimid qaar kamid ah Baarlamaanka dalka Kenya oo soo jeediyey inaan weli la gaarin waqtigii la isku dhafi lahaa qaxootiga iyo dadka deegaanka.
Saalax Yacquub oo kamid ah Xildhibaannada Deegaanka Faafi ku matala Baarlamaanka dalka Kenya ayaa cinwaannadiisa baraha bulshada ku faafiyey qoraal uu kaga soo horjeedo qorshaha Shiriki.
“Waxaan aaminsanahay in daah-furka iyo hir-gelinta qorshaha Shiriki lagu bilaabay si degdeg ah iyadoo aan tixgelin la siinin doonista dadka deegaanka ee martigeliyey qaxootiga.” Ayuu yiri Xildhibaan Saalax.
Dadka qaba doodda ka dhanka ah qorshaha Shiriki oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada metala deegaannada ay ku nool yihiin qaxootigu ayaa ku dhaleecaynaya madaxda Kenya inaysan wax door ah la siin dadka deegaanka, qodobada ay cuskanayaan ayaana ah inaan la aqoonin saamaynta ka dhalanaysa isdhex-galka, sida loo maamulayo deeqaha caalamka ee loogu talagalay qorshahan, qoondada ay helayaan dadka deegaanka iyo sida laba deegaan oo keliya ay u qaadi karaan culayska dad ku dhow hal malyuun oo qof oo qaxooti.
Sida muuqata, inkasta oo ay cuskanayaan dadka diidan qorshaha Shiriki baahiyaha dadka deegaanka, haddana waxaa laga dhex arkaa inay dano siyaasadeed ay ku dhex jiraan.
Shiriki ayaa si wayn looga hadal-hayaa gudaha dalka kenya dadka ayaana u qaybsan kuwa taageersan iyo kuwa kasoo horjeeda, waxaana macquul ah in qorshuhu la kulmo diidmo deegaanka haddii ay sii socoto qaylo dhaanta haatan socota.