Muqdisho ayaa bishan Febraayo, martigelinaysa shir ay yeelanayaan xoogagga mucaaradka siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo kulankoodii ugu horreeyey oo midaysan isugu imaanaya bartamaha Bishan si aanu ka helnay ilo xog ogaal ah.
Shirka ayaa qorshaysnaa inuu qabsoomaa asbuucan, waxaase dib u dhigay kaddib markii heerka ka qaybgalka iyo ajandihiisaba wax laga baddalay. Wuxuu noqonayaa isu-imaatinkii ugu muga waynaa ee lagaga tashanayo qaabka loo wajahayo doorashada aan loo dhammeyn ee uu doonayo Madaxweynaha Soomaaliya.
Ujeedka Shirka iyo Ajandihiisa
Tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, majirin mucaarad abaabulan oo isku hadaf ah, waxaana xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynuhu ay heshay saaxaad siyaasadeed oo bannaan oo ay keligeed ku tahay, waxaana dadweynaha iyo daneeyayaasha siyaasadeed isku raaceen maqnaanta dhaliisha iyo toosinta xukuumaddu ay keentay in dalkii uu sii kala tago, amnigii aan wax laga qaban, laga shaqayn dastuur la isla ogol yahay, dowladii oo shacabkii ku dul iibsanaysa dhulkii ay daganaayeen iyadoo aan sharci loo cuskan, musuq uu xaragaha goosto, lagana gaabiyey in dalka laga hirgeliyo siyaasad xasilan oo horseed u noqota in dalka loo jiheeyo doorasho dadweyne.
Taas waxaa barbar socda in Dowlad Goboleedyadii dalka ay noqdeen kuwa muddo dhaaf ah, sidaas si lamid ahna aan la aqoon goorta ay qabsoomayaan doorashooyinkoodu.
Ujeedka shirkan ayaa lagu soo koobay seddex qodob oo iska kabaya kuwaas oo albaabka u furaya hirgelinta madal mucaarad oo dowladda ka joojisa damacyada lidka ku ah wadajirka dalka.
Jihaynta Mucaaradka:
Inta badan saamileyda siyaasadeed oo ay ugu horreeyaan siyaasiyiintii xilalka sare ee dalka soo qabatay ayaa ka maqnaa fagaaraha siyaasadda iyo gudaha dalkaba. Inkasta oo ay jireen culays qayb ka noqon kara inay dibad joog noqdaan oo ay kamid yihiin dhaqaalaha io amniga Caasimaadda, haddana taasi cudur-daar uma noqon karin saamayn la’aantoodu siisay fursadda Madaxweyne Xasan si ugu dhaqaaqo hirgelinta damaciisa.
Daneeyayaasha Siyaasaadda ayaa isku raacsan in hoggaanka mucaaradka ay noqdeen kuwa aan saamayn togan lahayn ay keentay midnimo la’aanta dhexdooda ah iyo inaysan jirin jiho mucaarid oo la isku raacsan yahay.
Shirka Muqdisho lagu qabanayo dhawaan ayaa loo dejiyey in lagaga shaqeeyo jihaynta iyo aragtida mucaaridka, waxaana imaanaya xubno ergo ah oo ka socda kaamamka Saamilayda quudaranaysa inay u tartamaan xafiiska dalka ugu sarreeya.
Mid kamid ah qaban-qaabiyayaasha shirka oo lahadlay SomaliStream ayaa u xaqiijiyey in ajandaha shirka markii horre uu ahaa inay kasoo qayb galaan murashaxiinta madaxtinimada. Hase ahaate waqti danbe loo beddelay inay soo dirsadaan min 2 xubnood oo metala dhankooda kuwaas oo ka shaqayn doona argti keeni karta in la mideeyo xooga iyo aragti mucaaradka.
Siyaasiga ay la hadashay SomaliStream waxaa uu ka gaabsaday in shirka looga hadlayo in murashaxiinta dhexdooda ay is-laab-xaartaan iyo inkale, waxaase uu ku gaabsaday in shirku uusan khusayn dhacdooyin, ashkhaas iyo wax gaar ah toona. Taas beddelkeeda uu xoogga saari doono sawirka guud ee midaynta ra’ayiga saamilayda Siyaasadda.
Taakaynta Tareenka Madaxweynaha
Is-abaabulka ay xilligan galayaan siyaasiyiinta xildoonka ah ayaa kusoo beegmaya sanadkii ugu dambeeyey ee xilhaynta Madaxweynaha, waxaana loo arkaa inay tahay waqti dambe. Hase ahaatee qabashada shirkii ugu horreeyey ee Mucaaradka yeeshaan ayaa ah mid looga dan leeyahay in lagu joojiyo doonista Madaxweynaha ee ah in muddo kordhin cusub uu siiyo Madaxda Dowlad Goboleedyada taas oo ay ku lammaan tahay in xukuumadiisu qaadato waqti dheeraad ah.
SomaliStream waxay dhinacyada ka qayb gelaya kulanka bishan ka ogaatay in ujeedka Mucaaradku isugu imaanayaan ay tahay in la culaysiyo Xukuumadda, si rasmi ahna meesha looga saaro doonis kasta oo aan la isku raacsanayn, isla markaasna horseedi karta qalalaase ka dhasha xukunka oo xeer la’aan lagu joogo.
Eed iska reebid
Qodobka ugu dambeeya ee mucaaradka isugu imaanayaan ayaa lagu sheegay inay muujiyaan inaysan gabin kaalintoodii, sidoo kalana ay dadweynaha Soomaaliyeed tusaan in khaladaadka ay ku kacayso Dowladda Madaxweyne Xasan aysan raalli ka ahayn si ay suuqa siyaasadda wax ugaga tarto marka la gaaro tartanka soo aaddan ee madaxtinimada.
Marka laga tago o Xukuumadda xilka joogta, waxaa jira dhinacyo kale oo isha ku haya waxa kasoo baxa shirkan, waxaana ugu horreeya Ergada Beesha Caalamka ee ka hawlgala Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada ayaa kamid ah darafyada sida goonida ah ula socda qabsoomidda kulanka oo la rumaysan yahay in uu geed-fadhi u yahay Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
Si kastaba ha ahaatee, kulanka ay isugu imaanayaa Mucaaridku ayaa laga filayaa inuu kiciyo isbeddel siyaasadeed, xoojiyo doonista qayb kamid ah mudanayaasha Baarlamaanku inay ku hor istaagaan ka tallaabidda Madaxtooyada xayndaabka sharciga iyo in uu dhaqaajiyo awoodda diidmada ee dadka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah falalka gurracan ee xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh.
1 Comment
Waa markii iigu horeysey ee aan eego wararka aad soo qortaan.waan soo dhoweynayaa.