Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Hargeysa (26ka Jannaayo 2025): Madaxweynaha Soomaalilaand Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka, halkaas oo ku tegayo booqasho rasmi ah kaddib markii uu martiqaad ka helay madaxda dalkaas sida lagu sheegay war ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibbadda ee Soomaalilaand.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhawaan loo doortay Madaxweynaha Soomaalilaand markii uu helay cododkii ugu badnaa ee doorashadii 13ka Noofeembar qabsoontay, oo ah dowlad aan haysan aqoonsi caalami, inkastoo ay maamul ahaan ka go’aday Soomaaliya, haddana weli mahelin aqoonsi dowladnimo oo rasmi ah.

Imaaraadka Carabta ayaa ah dalka ugu muhiimsan oo ay Soomaalilaand saaxiib istaraatiiji ah la tahay, waxayna Abuu-Dhabi ka samaysay gudaha maamulkaas maal-gelin aad u ballaadhan marka loo eego qaybaha kale ee dalka Soomaaliya. 

Mashaariicda lacagta badan ku baxday ee Imaaraadku maalgeliyeen waxaa kamid ah dekedda Berbera iyo jidka isku xidha Wajaale iyo Berbera oo dib u dhis lagu sameeyey.

Inkasta oo aan la shaacin ajandaha rasmiga ah ee Cirro kala hadlayo madaxda Imaaraadka, haddana waxaa la fahamsan yahay inay ugu muhiimsan tahay sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka labada dhinac, meeshana looga saari lahaa shaki ay Xisbiga Wadani ee Madaxweyne Cirro ka qaadeen wada shaqayntii ay Imaaraadku la lahaayeen hoggaankii Xisbiga Kulmiye oo ay doorashada ugu adkaadeen. 

Marka laga tago xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo is-laab xaadhashada, waxaa jira warar ay saxaafadda gudaha Soomaalilaand tebinayso oo sheegaya in wax la iska waydiin doono Saldhig uu Imaaraadka ka hirgelin doono Berbera kaas oo loo isticmaali karo dano ciidan, waxaana arrintan xoojinaya in xilligan Berbera uu ka socdo dhisme aan si rasmi loo aqoon ujeedkiisa iyo cidda dhab ahaantii leh.

Soomaalilaand ayaa ku taal gacanka Cadmeed oo ah marin istaraatiiji ah, muhiimna u ah isu-socodka gaadiidka iyo badeecadaha ee ku safra Badda Cas, halka ay Soomaalilaand dhacdo ayaana keentay inay dalal badan oo caalamka ahi ay siiyaan muhiimad gaar ah oo la xidhiidha danahooda fog.

Safarka uu Madaxweyne cirro ku tagay Abuu Dhabi ayaa ah midkiisii kowaad oo uu Soomaaliland uga baxo tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaana ku wehelinaya wafdi sare oo katirsan xukuumadiisa ayna ku jiraan labada Wasiir ee Arrimaha Dibbadda iyo Madaxtooyada.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More