Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada iyo taliska ciidamada Puntland oo la hadlay Somali Stream ayaa faahfaahin naga siiyay dagaal qaraar oo ka dhacay bariga magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan meel 5 km u jirta magaalada oo ka dambaysa garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf. Dagaalkan ayaa dhaliyay dhimasho, dhaawac, iyo qabashada maxaabiis.

Sida ay ilahan katirsan Puntland u sheegeen Somali Stream, ciidamada Puntland ayaa weerar burburin ah ku qaaday xerada ciidamada PSF, iyagoo adeegsanaya madaafiicda goobta, hoobiyayaal, iyo hubka culus sida kaarayaasha. Weerarkaas keddib, ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay inay gudaha u galaan xeradaas.

Xogta ay saraakiishu u xaqiijiyeen Somali Stream ayaa tilmaamaysa in ay ugu tageen xerada PSF maydka 16 qof, iyo 40 askari oo kale dhaawaca ah. Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay 138 maxaabiis ah oo ka tirsan PSF, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar-sare oo uu ka mid yahay taliyihii ciidamada PSF Korneel Giijaale iyo labada sarkaal ee ka hooseeyay Baariyow Mahad Mowliid.

Dhanka kale, saraakiisha Puntland waxay sheegeen in dhankooda ay ka dhaawacmeen 4 askari oo kaliya, iyadoo uu dagaalka ku dhintay hal qof oo shacab ah, balse aysan jirin wax dhimasho ah oo soo gaadhay ciidamada dowladda.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Taliska PSF ama hay’ado madax-bannaan oo ku saabsan xogtan ay Somali Stream ka heshay saraakiisha Puntland.

Wixii faahfaahin ah kala soco Somali Stream.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More