Tan iyo markii uu ku soo laabtay xukunka ka hor in waxyar kabadan hal sano,madaxweyne Donald Trump—oo si iskiis ah isugu magacaabay “madaxweynaha nabadda”—ayaa kordhiyay hawlgallada milatari ee uu ka fuliyo caalamka. In kasta oo uu duqeymo ka geystay dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Iiraan, Ciraaq, iyo Venezuela, haddana ololaha milatari ee ugu ballaaran uguna xooggan wuxuu ka socdaa Soomaaliya.
Xawaaraha Weerarada iyo ogaal la’aanta Soomaalida iyo Caalamka
13-kii bilood ee la soo dhaafay, Maraykanku wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 157 weerar oo isugu jira duqeymo diyaaradeed iyo weeraro dhulka ah. Xawaaraha weeraradan ayaa sare u kacay bilowgii sanadkan 2026, iyadoo duqeyntii u dambeysay ee ka dhacday Buuraha Golis jimcihii dhawaa ay ka dhigan tahayweerarkii 31-aad ee sanadkan oo kaliya. Marka sannadkan la eego waa in wax kayar laba maalmoodba uu mar Soomaaliya Maraykanku duqeeyo.
In kasta oo hawlgalladu weerar ee Maraykanku ka fuliyo dalka kordheen, haddana waxaa jirta walaac laga qabo hufnaanta macluumaadka laga ogyahay duqaymahaas. Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ah halka laga helo xogta duqaymaha, isaga oo soo saara bayaan kooban weerar kasta kaddib, balsearrinta welwelka leh ayaa ah in tan iyo bishii May, aysan jirin sheegid ama xusid tirada dhimashada ay sababaan weeraradaas. Taas oo u baahan in la helo xisaabtan ka baxsan in argagixiso la duqeeyay. Hadalada kulkul ee Trump Soomaaliya ka sheego ayaa loo arkaa inay ka leexiyeen Soomaalida indhaha duqaymaha aan la aqoon ee dalkooda ka dhaca.
“Waa dhibaato weyn oo haysata hufnaanta iyo xisaabtanka,inaan la sheegin waxyeellada ay gaystaan duqaymaha Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya“ ayuu yiri David Sterman oo la hadlay Observer UK, kana tirsan hay’adda New America, taasoo dabagal ku haysay weeraradaas.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo inta badan lagu dhaliilo ka gaabiska amni iyo waxkaqabashada kooxda argagixisada ah ayaa hadda wajahaysa caqabad kale oo ah inay badbaadiso dadka rayidka ah ee ku nool goobaha dagaallada iyo colaadahu ka jiraan ee dalka. Waxaana hadda kusoo biiraysa eedamaha loo jeedinayo inaysan xakamayn Karin ama ogaynba meelaha ay dalalka shisheeye duqaymaha ka gaystaan.
Cadowga lala dagaalamayo iyo Rabitaanka Shacabka
Bartilmaameedyada Maraykanka ayaa ah kooxaha al-Shabaab iyo garabka Soomaaliya ee Daacish (IS). Labadan kooxood ayaa muddo dheer argagax gelinayay shacabka Soomaaliyeed. In kasta oo duqeymaha diyaaraduhu aysan ahayn kuwo laga soo horjeedo gudaha Soomaaliya, haddana waxaa muhiim ah inaan doonista shacabka lagu gaysan gabood fal gaara dad aan waxba gaysan—maadaama dadku u ooman yihiin nabad iyo amni la isku hallayn—haddana khubaradu amniga waxay ka digayaan in duqaymaha aan diiwaanka khasaarahooda lahayn aysan xal noqon karin.
Isbeddellada Gobolka iyo Loolanka iyo Jilaayaasha Dibadda
Xaaladda Soomaaliya ee sanadka 2026 waxay u muuqataa mid ka adag sidii hore, iyadoo ay ku soo kordheen jilaayaal caalami ah oo saameyn weyn leh. Maraykankuma ahan awoodda kaliya ee goobaha dagaalka ee Soomaaliya ka dhex muuqata; Turkiga ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya isagoo duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah la fuliya ciidanka qaranka, halka Imaaraadka Carabta—oo saameyntooda Bariga Afrika la wiiqayo waqtigan—ay taageero milatari oo toos ah siiyaan maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland.
Dhinaca kale, khatarta kooxaha xagjirka ah ayaa yeelatay weji caalami ah, iyadoo kooxda IS ee Soomaaliya ay xiriir dhow la sameysatay Xuutiyiinta Yemen, ayna kusoo biireen dagaalyahanno shisheeye oo ka yimid Kenya, Itoobiya, iyo Marooko. Waxaa intaas dheer, jawiga siyaasadeed ee gobolka oo cirka isku sii shareeray kaddib aqoonsigii Israa’iil ay bishii Diseembar siisay Somaliland, taas oo walaac weyn ku abuurtay dawladda Soomaaliya iyo dowladaha kulaala Badda Cas iyo Marinka Baab Almandab, kuwaas oo u arka faragelinta Soomaaliya mid taabanaysa amnigooda.
In kasta oo Soomaaliya ay ku jirtay colaado is-dhex-yaal ah tan iyo 1991, haddana dadka Soomaaliyeed waxay muujiyeen adkeysi. Waxaana si wayn adduunka looga hadal hayaa, awoodooda u adkaysiga colaadaha iyo dhaqankooda sida wayn dunida uga faafaya. Taas oo horseeday inuu Trump si joogta ah u weeraro kaalingalka Soomaaliyeed Si kastaba ha ahaatee, iyadoo aan la helin istiraatiijiyad siyaasadeed oo cad oo ka baxsan duqeymaha milatari, Soomaaliya waxay ahaanaysaa dal si dhab ah uga fog soo afjaridda colaadaha kala midabka ah iyo jilayaasha kala danta ah ee dalkeeda ku loollamaya.

