Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa codsi rasmi ah soo gaarsiisay Dowladda Federaalka oo ku saabsan inaan laga joojin isticmaalka hawada Soomaaliya diyaaradeehada ciidanka.

Sidii aan hore u baahinnay, Soomaaliya ayaa 8-dii bishan Janaayo hawada dalkeeda ka mamnuucday inay isticmaalaan dhammaan diyaaradaha xamuulka iyo kuwa ciidan ee laga leeyahay dalka Imaaraadka.

Amarka Soomaaliya ayaa soo baxay saacado kaddib markii la baahiyay in Cayduruus Al-Zubaydi oo ahaa hoggaamiyihii Goonigooska STC ee dalka Yemen la marsiiyay hawada Soomaaliya.

Inkasta oo ay Dowladda Federaalka ah ay War-Saxaafeed ka soosaartay arrinka Al-Zubaydi oo ay sheegtay inay tallaabooyin dheeraad ah qaadayso. Haddana, Somali Stream waxay ogaatay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay go’aan hordhac ah ku qaadatay in dalkeeda laga joojiyo isticmaalka diyaaradaha ciidanka iyo xamuulka ee Imaaraadka.

Imaaraadka oo helay amarka Soomaaliya ayaa codsi soo gudbisaday in waqti la siiyo hase ahaate Soomaaliya ayaa ku adkaystay go’aankeeda.

Wadahadal kaddib, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Imaaraadka u ogolaatay in duullimaadyadii ugu dambeysay ay kaga rarato dalka, inkastoo Muqdisho aysan wali toos u sheegin in ay joojisay wada shaqeynta amni ee labada dal.

6 duulimaad oo rakaab iyo agab ka qaadayo ayaa ka baxayo Boosaaso, halka 4 kale loo fasaxay in ay Muqdisho ka daad gureeyaan wixii agab ciidan oo ka yaal.

Abu Dhabi ayaa si degdeg ah u bilowday inay u fuliso amarka Dowladda Soomaaliya, waxaana duulimaadyadii ugu horreeyay ay xamuul iyo agab ciidan ka qaadeen Boosaaso.

Somali Stream, waxay xaqiijisay in go’aanka Soomaaliya uu dhaqangalay kaddib markii madaxda Dowladda Federaalka ah ay ku adkaysteen.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa ku jira maalmihii ugu adkaa, Soomaaliya ayaana noqotay dalkii labaad oo Imaaraadku qalabkiisa ciidan kala baxayo kaddib Yemen.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More