Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegey in Kyiv ay diyaar u tahay inay ka tanaasusho hammigeedii muddada dheer ee ku biirista NATO, haddii taa beddelkeeda ay hesho dammaanado amni oo adag oo ka imanaya Reer Galbeedka. Hadalkan ayuuna yidhi xilli uu Berlin kula kulmay wakiillo Mareykan ah iyo xulafo Yurub ah.
Wadahadalladan oo dhacay Axadii ayaa waxay kusoo beegmeen cadaadis uga imanaya Zelenskyy Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ku riixaya in la gaadho heshiis. Ergayga Trump, Steve Witkoff, iyo iyo wiilka uu sodoga u yahay ee Jared Kushner oo yimid caasimadda Jarmalka ayaana ka qayb galay wada-hadalladan oo ay ku lug leeyihiin Ukraine iyo dalal Yurub ah.
Ka hor kulamada, Zelenskyy ayaa ku tilmaamay soo jeedintan mid ay Ukraine tanaasul ku samaynayso, maadaama ay sanado badan ku adkaysaneysey ku biirista NATO oo ay u aragtay difaaca ugu xooggan ee ka hortagi kara weerarro mustaqbalka ah oo Ruushku ku soo qaado. Waxuuna sheegay in beddelka NATO, Mareykanka, Yurub iyo xulafo kale ay bixin karaan dammaanado amni oo sharci ahaan waajib ah.
“Bilowgii horeba, rabitaanka Ukraine waxuu ahaa inay ku biirto NATO; taasi waa dammaanad amni oo dhab ah. Qaar ka mid ah saaxiibbada Mareykanka iyo Yurub ma taageerin rabitaankaad,” ayuu Zelenskyy ku sheegay jawaab uu ku bixiyay su’aalo wariyayaal ku weydiiyeen WhatsApp.
“Maanta, dammaanado amni oo laba-geesood ah oo u dhexeeya Ukraine iyo Mareykanka, dammaanado u eg Qodobka 5aad oo Mareykanku na siinayo, iyo dammaanado amni oo ka yimaada saaxiibbadeenna Yurub iyo dalal kale sida Canada iyo Japan, waa fursad lagu hor istaagi karo weerar kale oo Ruushku qaado,” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in tani ay tahay tanaasul ay Ukraine samaysay, isaga oo adkeeyay in dammaanadahaasi ay noqdaan kuwo sharci ahaan ku qasban dhinacyada bixinaya.
Isbeddelkan ayaa waxuu noqonayaa mid weyn, maadaama Ukraine muddo dheer ku adkaysatay ku biirista NATO, halka Ruushkuna uu ballaarinta isbahaysigaas u arko khatar kusoo fool leh. Dhinaca kalena, inkasta oo arrintani ay la jaanqaadayso mid ka mid ah yoolalka dagaal ee Ruushka, haddana Kyiv waxay weli diidan tahay inay dhul ka tanaasusho.
Zelenskyy waxa kale oo uu sheegay inuu raadinayo nabad “sharaf leh” iyo hubanti cad oo ah in Ruushku uusan mar kale weerar qaadi doonin. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Moscow inay dagaalka sii dheeraynayso iyadoo weerarro joogto ah ku qaadaysa magaalooyinka Ukraine iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Wadahadallada kadibna, wakiilka gaarka ah ee Trump Steve Witkoff ayaa sheegey in “horumar balaadhan laga gaadhay.”
Zelenskyy ayaa sidoo kale sheegay in Ukraine, Yurub iyo Mareykanku ay dib u eegayaan qorshaha 20-ka qodob ka kooban ee xabbad-joojinta, inkastoo uu mar kale qirey in Kyiv aysan wadahadal toos ah la lahayn Ruushka. Waxuuna intaas ku daray in xabbad-joojinta oo lagu saleeyo khadadka dagaalka ee hadda jira loo tixgelin karo mid caddaalad ah, balse wuxuu xusay in Ruushku weli dalbanayo in Ukraine ay ka baxdo qaybo ka mid ah Donetsk iyo Luhansk oo weli ay gacanta ku hayso Kyiv.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed, weerarrada Ruushka ayaa weli sii socda, kuwaas oo kumannaan qof ka jarey korontada, kadib duqeymo dhawaan dhacay. Mas’uuliyiinta Ukraine ayaana sheegay in Moscow ay si ula kac ah u beegsaneyso shabakaddaha korontada si shacabka looga gooyo kuleylka iyo biyaha xilliga jiilaalka.
Dagaallada ayaa sidoo kale ku sii xoogeystay Badda Madow. Ciidamada Ruushka ayaa dhowaan duqeeyay dekedo ku yaalla Ukraine, iyaga oo waxyeelleeyay maraakiib ay leeyihiin shirkado Turki ah, oo uu ku jiro markab siday raashin. Weerar ka dhacay Odesa-na dab ayaa la gu qabadsiiyay bakhaarro lagu kaydiyo raashinka, sida uu xaqiijiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ukraine, Oleksii Kuleba. Madaxweyne Zelenskyy ayaa sheegay in weerarradan “aysan lahayn ujeeddo milatari haba yaraatee.”
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka digay in xiisadda la sii kiciyo, isagoo sheegay in Badda Madow aysan noqon “goob iska-horimaad.”
“Qof walba wuxuu u baahan yahay marin ammaan ah oo Badda Madow ah,” ayuu yiri Erdogan, isagoo ku baaqay “xabbad-joojin xaddidan” oo lagu dabaqo dekedaha iyo xarumaha tamarta. Turkiga ayaana maamula Marinka Bosphorus, oo ah marin istaraatiiji ah oo muhiim u ah dhoofinta badarka Ukraine iyo saliidda Ruushka.

