Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan maanta la yeelanaya Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed kaas oo la muddeeyay kulankii ugu dambeeyay ee ay labada dhinac yeesheen.

Kulankan ayaa noqonaya kii afraad ee ay Madashu la qaadato Madaxweynaha taniyo markii la yagleelay iyaga oo aqbalay dabayaaqadii bishii Juun ee sanadkan in ay wadaxaajood kala yeeshaan Madaxweynaha arrimaha xuddunta u ah khilaafaadka siyaasadeed ee haatan taagan ee ay ugu muhiimsan yihiin doorashooyinka qaranka ee 2026 iyo wax ka baddelka dastuurka.

Maxay Madashu la tagaysaa kulanka?

Shir ay Sabtidii yeesheen xubnaha Madasha oo uu shir guddoominayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. Shirkan waxaa looga gol lahaa in xubnaha Madasha ay ka heshiiyaan ajande mid ah iyo mawqif wadajir ah oo lala tago miiska. Sababta middan ahmiyadda loo siiyay ayaa ah keddib markii dhawr jeer oo hore ay qaar kamid ah xubnaha mawqifyadooda baddalayeen markii Madaxweynaha lala fariistay. Tallaabadaas ayaa keentay in qaar kamid ah xubnaha Madasha lagu tuhmo in ay si hoose ula heshiiyeen Villa Soomaaliya.

Xog ay Somali Stream ka heshay fadhigii kooxda Jazeera ayaa sheegaysa in ay barri u tagayaan Madaxtooyada sidii loo qabyo tiri lahaa heshiiskii afka ahaa ee hore loo gaaray taasoo uu Madaxweyne Xasan Sheekh codsaday in la siiyo 20 maalmood oo uu kula soo tashado Dowlad Goboleedyada, Afhayeennada Labada Aqal, hoggaanka Xisbigiisa JSP iyo Golaha Xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa kulankii hore ballan qaaday inuu ka laabanayo inta badan wax ka baddalka dastuurka sida hannaanka lagu dooranayo Madaxweynaha, tirada xisbiyada oo la furayo, muddo xileedka Madaxweynaha oo sidii hore loo dhaafayo iyo muddo kordhinta maamullada oo laga noqonayo. Balse, Madaxweynaha ayaa ka codsaday Madasha Samatabixinta in loo daayo qodobka qeexaya in Madaxweynaha uu xaq u leeyahay inuu magacaabo, shaqadana ka qaado Ra’iisul Wasaaraha.

Hase yeeshee, xubnaha Madasha ayaa ku heshiiyay in ay barri soo afjaraan wadaxaajoodka, iyaga oo miiska gaynaya in lasoo saaro warmurtiyeed wadajir ah oo uu Madaxweynaha ku caddeynayo inuu ka laabtay dhammaan qodobada hore loogu heshiiyay.

Maxaa u Qarsan Madaxtooyada?

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in Madaxweynuhu wadatashiyo ballaaran la qaatay muddadii la kala maqnaa hoggaanka Xisbigiisa oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale Afhayeennada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa kulamadii uu la qaatay saaxiibadiisa la wadaagay in uusan xamili karin culeyska Madasha Samatabixinta iyo midda tan Dowlad Goboleedyada oo wadajira oo ay usii dheertay xildhibaanno ka gadoodsan siyaasadihiisa.

Hase ahaatee, Madaxweynuhu kama helin garawshiyo qaar kamid ah saaxiibadiisa, waxaana haatan ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiya Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo labaduba ka horyimid in laga laabto doorashada dadweyne ee haatan la bilaabay diiwanagelinteeda iyo wax ka baddelka dastuurka.

Qorshaha kale ee u qarsan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa inuu yahay in uu barri mar kale waqti dheeri ah ka codsado Madasha isaga oo doonayo inuu qodobada ay ku heshiiyeen la horgeeyo Golaha Shacabka oo markii hore soo ansixiyay iyo inuu ballan kale qabsado taasoo la isugu soo noqonayo horraanta Oktoobar oo ah xilliga uu kasoo laabanayo Shirka Guud ee Golaha Qaramada Midoobay.

Madasha Mise Maamul Goboleedyada?

Madaxweynuhu wuxuu dhexda u galay laba dhagax oo la doonayo inuu kala ilaaliyo. Waa tan koowaad e, waa inuu qanciyaa saaxiibadiisa Dowlad Goboleedyada oo u arka heshiiska Madasha Samatabixinta inuu lid ku yahay qorshahooda doorashooyinka maadaama ay si cad u sheegeen hoggaanka Madasha in aysan doonayn in Dowlad Goboleedyada loo gacan galiyo xulista Xildhibaannada soo socda.

Tan labaad, waa in Madaxweynuhu uu helaa hannaan uu kusii maaweelin karo Madashada, kuna haysan karo saaxiibadiisa. Waa hasha labada geel jecel oo iskuma heli karo hab uu hal dhagax laba shimbirood ugu dili karo!

Kala doorashada labada dhinac ee aan xusnay waa mid ku adag Madaxweynaha, waxaana muuqata in haddii ay kala tagaan isaga iyo Madasha uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed iyo buuqa siyaasadeed ee Madaxtooyada uga furan Gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari inuu soo noqon karo cadaadiskii beesha caalamka ee waayadan ka yara qaboobay.

Jid kasta oo uu qaado Madaxweynuhu waa mid qodxo leh oo uusan kusii badbaadin karin nidaamkiisa maadaama dhaawacyo badan uu qabo oo ay ugu muhiimsan yihiin in deegaannadii hore loo xoreeyay ay dib u galeen gacanta argagixisada iyo Xukuumaddiisa oo lagu eedeynayo in ay tahay mid ku sifoowday mid musuq iyo dhulboob.

Waxaase hubaal ah, shirkan marka uu soo idlaado inuu Madaxweynuhu qaadi doona laba jid midkood; inuu ka noqdo tacabkiisii saddexda sano oo Dowlad Goboleedyada dhabar u jeediyi iyo inuu daadka qaadsiiyo Madashii uu soo maaweelinayay dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More