Sida ay qortay Warbaahinta Fox News oo heshay xog sugan ayaa muujinaysa in Mareykanku uu qorsheynayo inuu hakiyo taageerada dhaqaale ee uu siiyo howlgalka lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya, ilaa hayโadaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Midowga Yurub ay si caddaalad ah uga qeyb qaataan kharashaadka ku baxa sugidda nabadda iyo amniga Soomaaliya oo muddo dheer ay colaaduhu ragaadiyeen.
Qorshahan ayaa qayb ka ah sharci cusub oo ay diyaariyeen saddex Senator oo caan ah oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kuna dhaw siyaasadda Madaxweyne Donald Trump ee miisaaniyadda adag. Senatar Jim Risch oo laga doorto Idaho oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senate-ka, Senatar Ted Cruz (Texas), iyo Senatar Rick Scott (Florida) ayaa wada keenaya hindisaha loo bixiyay “Xeerka Xaddidaadda Maaliyadda AUSSOM ee 2025.โ
Senator Risch ayaa sheegay in xeerkan uu “ilaalin doono canshuur bixiyaha Mareykanka, isla markaana uu Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ku qasbi doono inay qaataan masuuliyadda ka saaran hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika”.
Sharci-dajiyayaashu waxay doonayaan in Mareykanku uu si buuxda uga hor yimaado tallaabo kasta oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaado oo fududeynaysa maalgelinta hawlgallada AUSSOM.
Soomaaliya waxay tobannaan sano la tacaalaysay weerarro iyo kacdoonno ay wadaan kooxaha xagjirka ah sida al-Shabaab oo xiriir la leh al-Qaacida, iyo kooxda Daacish. Shan toddobaad ee u dambeeyay, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inay fuliyeen afar duqeyn โ saddex ka dhan ah Daacish iyo mid ka dhan ah al-Shabaab, midkoodna wuxuu bartilmaameedsaday dhowr goobood.
Senator Risch wuxuu sheegay in maamulka Trump uu qaaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah kooxaha argagixisada Afrika, taasna uu si buuxda u taageerayo. Hase yeeshee, wuxuu eedeeyay Midowga Yurub oo doonaya in kharashka hawlgalka AUSSOM uu u batao dhinaca Mareykanka.
โMa ogolaan karno in tani sii socoto,โ ayuu yiri Risch. โSharcigan wuxuu ka joojinayaa Mareykanka inuu maalgeliyo AUSSOM inta laga helayo caddeyn muujinaysa in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay si hufan u maamulaan dhaqaalaha jira.โ
Wuxuu sii raaciyay: โTrump wuxuu horseeday siyaasad cusub oo dibadda ah oo canshuuraha Mareykanka loo adeegsanayo kaliya si lagu helo amni iyo barwaaqo gudaha Mareykanka. Waqti dheer ayay saaxiibbadeen nagu xirnayeen dhaqaale ahaan, waana waqtigii ay iyagu qaadayeen masโuuliyad dheeraad ah.โ
Senator Scott ayaa isna yiri: โMareykanku ma ogolaanayo in canshuurihiisa lagu baabiโiyo hawlgal aan caddaalad loo maalgelin, isla markaana aan hufnaan ku shaqeyn.โ
Qodobbada ugu Muhiimsan ee Sharciga La Soo Bandhigay:
Ilaalinta Dhaqaalaha Canshuur-Bixiyaha Mareykanka: Mamnuucista maalgelinta AUSSOM ee Mareykanku ku bixiyo qaraarka Golaha Ammaanka ee UNSCR 2719.
Kormeer Adag: Inay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka sameyso qiimeyn sanadle ah oo madaxbannaan oo ku saabsan sida AU u fuliso qodobbada UNSCR 2719.
Hufnaan iyo Masโuuliyad: Warbixinno buuxa oo Congress-ka la horgeeyo si loo fahmo waxqabadka AUSSOM iyo sida loo adeegsado dhaqaalaha.
Wada-tashi Siyaasadeed oo Ballaaran: In Warbixinada Wasaaradda Arrimaha Dibedda lagu daro xog gaar ah oo la xiriirta hawlgalada AU ee uu Mareykanku maalgeliyo.

