Madaxweynaha Mareykanka ayaa u magacaabay Devin Kennington (oo ka soo jeeda gobolka California) inuu noqdo Safiirka Buuxa ee leh Awoodda Dheeraadka ah leh (Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary) ee Dowladda Mareykanka u fadhin doona Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Magacaabistan ayaa ka dhigan tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, waxaana iminka loo gudbiyay Aqalka Senatka Mareykanka si loo ansixiyo.
Kennington ayaa noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee buuxa ee Washington ay u soo magacaawdo Muqdisho tan iyo Diseembar 2025, markii uu xilka ka tagay Safiirkii hore Richard H. Riley oo dib loogu yeeray Washington.
𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐀𝐡?
- Soo celinta xiriir heer sare ah
Soo magacaabista safiir heer “Plenipotentiary” ah waxay muujinaysaa in Washington ay dib u soo celinayso matalaadda diblomaasiyadeed ee ugu heerka sareeysa ee Muqdisho, taas oo meesha ka saaraysa hoos-u-dhacii matalaadeed ee ka jiray safaaradda tan iyo marinkii Riley.
- Lahaanshaha awood gaar ah
Safiirka awoodda buuxa leh wuxuu leeyahay metalaad toos ah oo uu ku wakil u yahay Madaxweynaha Mareykanka. Taasi waxay dardargelinaysaa heshiisyada meelmarinta ah, iskaashiga amniga, iyo wada-hadallada siyaasadeed ee tooska ah oo aan soo marayn meel dhexe.
Tani, waxay muhiim ugu tahay Soomaaliya, in la helo danjire awood u leh go’aan ka gaarista hawlaha Soomaaliya, waxayna fursad u tahay wadahadalka siyaasadeed ee u socda Soomaalida.
- Kor u qaadista wada-shaqaynta Amniga iyo Kaalmada.
Magacaabistani waxay xoojinaysaa danaha isku dhafan ee labada dal, iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsanayo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah kooxaha SHBB iyo DCSH, gargaarka iyo taageerada geeddi-socodka dawladnimo ee Soomaaliya.
- Fariin gaar ah oo gobolka ku socota.
Usoo dirista Soomaaliya safiir rasmi ah waxay ka dhigan tahay in maamulka Mareykanka uu ahmiyad gaar ah siinayo gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka istiraateejiyadeed ee uu la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Magacaabista Kennington waxay fure u tahay cutub cusub oo ka mid ah xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhexaynaya Washington iyo Muqdisho.

