Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xalay baddalay Danjirihii Maraykanka u joogay Soomaaliya, Richard H. Riley, waxaana uu kamid noqday safiirro dhawr ah oo xilka laga qaaday.
Danjiraha xilka laga baddalay ayaa Soomaaliya loosoo magacaabay xiligii Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden. Richard Riley ayaa Soomaaliya soo gaaray Juun, 2024, markaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka aqbalay waraaqaha shaqada danjirnimo.
Isbeddelka lagu sameeyay danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Geeska iyo guud ahaan Afrika ay weji cusub yeelatay.
Safiirka la baddalay xalay ayaa ku hawlanaa dhawaanahan inuu qayb ka noqdo xal u helida siyaasadda cakiran ee Soomaaliya.

