Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Lix burcad-badeed ah oo hubeysan ayaa aroornimadii hore ee saakay gudaha u gashay markab ganacsi oo marayay Gacanka Cadmeed, taasoo ku qasabtay shaqaalihii markabka inay u isugu tagaan goobta amniga gaarka ah ee markabka, sida ay sheegeen digniino ay soo saareen Ciidanka Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR) ee howlgalka ATALANTA iyo Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO).

Weerarka wuxuu ka dhacay meel qiyaastii 120 mayl oo dhanka badda ah waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Sida ay sheegtay Operation ATALANTA, lix burcad-badeed oo hubeysan ayaa la sheegay inay fuuleen markabka ganacsiga, halka shaqaalihii markabku ay gabaad ka dhigteen gudaha goobta amniga ee la xoojiyay. Ilaa hadda lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah.

Digniinta ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa timid 25 daqiiqo kadib markii UKMTO ay soo saartay digniin degdeg ah oo ku saabsan afduub markab (Warning 225-26), taasoo ka dhacday isla aagga Gacanka Cadmeed.

Digniintaas, UKMTO ayaa sheegtay inay xog ka heshay kabtanka markab xamuul ah, kaasoo sheegay in dad hubeysan oo aan la garaneynin ay fuuleen markabka. Dadkaasi ayaa la sheegay inay la wareegeen talada markabka.

Baaritaan ayaa socda

Labada hay’adood midkoodna si degdeg ah uma shaacin magaca markabka, calanka uu ka diiwaangashan yahay, mana xaqiijin in kooxi ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

UKMTO iyo Operation ATALANTA ayaa xaqiijiyay in hay’adaha amniga badda la ogeysiiyay, isla markaana ay si firfircoon u baarayaan dhacdada.

Maraakiibta ka howlgasha Gacanka Cadmeed ayaa loogu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, raacaan habraacyada ugu wanaagsan ee amniga badda (BMP-MS), isla markaana si degdeg ah ugu soo wargeliyaan UKMTO iyo MSCIO dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More