Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dowladaha Liibiya iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadlay qorshe la doonayo in magaalada Muqdisho lagaga furo laan ka tirsan Bangiga Saaxil-Saxaraha ee Maalgashiga iyo Ganacsiga (Sahel-Saharan Bank for Investment and Trade).

Wadahadallada ayaa Axaddii dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Liibiya Rashiid Abu Ghuffa iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Liibiya.

Inta kulanku socday, waxaa sidoo kale la iskula soo qaaday shuruudaha sharci iyo maamul ee looga baahan yahay furitaanka laanta bangiga, ballaarinta iskaashiga dhinaca bangiyada iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee labada dal.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More