Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Buuggan oo ka kooban 14 cutub iyo 367 bog, laguna daabacay Hiilpress sannadkii 2025, waa xusuus-qor qofeed oo si gaar ah u mudan in looga akhriyo laba dhinac: taariikh nololeedka qofka iyo taariikhda Soomaaliya ee ay nolosheedu dhex martay. Qoraagu ma soo bandhigayso oo keliya dhacdooyinkii nolosheeda, balse waxay akhristaha siinaysaa sawir dheer oo ku saabsan isbeddelladii waaweynaa ee Soomaaliya soo maray, laga bilaabo carruurnimadeedii, xilligii xorriyadda ka dib ilaa burburkii dowladdii dhexe, dagaalladii sokeeye, faragelintii caalamiga ahayd, samafalka, dhismaha hay’adaha dowladeed iyo siyaasadda Soomaaliya ee dambe.

Waxa ugu xooggan ee buugga laga dareemayo waa in taariikhda qofka iyo taariikhda dalka ay isku dhex milmeen. Xaliimo Ismaaciil Ibrahim waxay dhalatay 23 December 1955, xilli Soomaaliya ay ku jirtay marxalad ay isu diyaarinaysay madax-bannaani iyo dowladnimo. Carruurnimadeeda Muqdisho waxay ku soo qaadatay jawi bulsho oo isku dhow, waxbarashadeedana waxay ku bilaabatay dugsi Qur’aan, ka dibna dugsi rasmi ah. Sidaas darteed, bilowga buuggu wuxuu akhristaha tusayaa Soomaaliya ay weli xooggan yihiin xiriirrada qoyska, xaafaddu tahay goob bulsho oo firfircoon, waxbarashaduna tahay waxa ugu adag oo gabadhi geli kartay xilligaas, sababo ka imaanayay diidmada waalidiinta.

Markii ay gaartay xilligii dugsiga sare, dalka waxaa ka curtay Kacaankii 21-ka Oktoobar 1969. Halkaas ayay xusuusta qofeed si toos ah ugu xirmaysaa taariikhda siyaasadeed ee dalka. Qoraagu waxay sharxaysaa sida Raadiyaha Muqdisho u ahaa il muhiim ah oo bulshada ka hesho waqtiga iyo wararka, iyo sida dowladdii kacaanku u beddeshay nidaamka waxbarashada, labiska ardayda, ololayaasha waxbarashada iyo shaqooyinka bulshada. Waxay sidoo kale ka qayb qaadatay ololihii horumarinta reer miyiga, shirkii Midowga Afrika ee Muqdisho lagu qabtay 1974, iyo safarro waxbarasho oo ay ku tagtay dalal hantiwadaag ahaa sida Midowgii Soofiyeeti, Bulgaria, Liibiya iyo Kuuba. Qaybta ugu xiisaha badan ee marxaladdan ayaa ah sida buuggu u muujinayo inan da’yar oo nolosheedu si xawli ah isu beddelayso. Waxay ahayd arday, xaas, shaqaale, qof siyaasadda iyo ururrada dhalinyarada ku lug leh, mar dambena kaaliye jaamacadeed. Waxay shaqo ka bilowday Warshadda Sonkorta ee Jowhar, iyadoo mushaharkeedu xilligaas ahaa lacag aad u weyn marka loo eego dakhliga qoyska. Waxay qaadatay tababar shaqo, koorso siyaasadeed iyo waxbarasho jaamacadeed, ugu dambayntiina waxay noqotay kaaliye macallin jaamacadeed. Qaybtani waxay si gaar ah u muujinaysaa koritaanka gabadha Soomaaliyeed ee waxbarashada iyo shaqada ku dhex jirta xilligii dowladdii kacaanka.

Dhiganahani wuxuu xoog gaar ah yeeshaa marka uu gaaro dhacdadii 9-kii Abriil 1978. Afgembigii dhicisoobay wuxuu nolosha qoraaga geliyay meel kale, gaar ahaan markii dad ay taqaanay ama xiriir la lahaa ay ku lug yeesheen dhacdooyinka ka dhashay afgembiga. Sheekada Cabdiweli iyo saaxiibbadiis waxay muujinaysaa dhinaca bani’aadamka ee siyaasadda: dad isku dugsi ahaa, saaxiibbo ahaa, wax wada bartay, ayaa ugu dambayn xaalad siyaasadeed ku noqday dad midba midka kale xukumo ama gacantiisa ku geeyo tiirka toogashada. Tani waa mid ka mid ah meelaha buuggu si cad uga gudbayo taariikh nololeed oo keliya una gudbayo milicsi ku saabsan sida siyaasadda xagjirka ahi u burburin karto xiriirradii bani’aadamka.

 

Cutubyada dhexe waxay si weyn ugu saabsan yihiin burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalladii sokeeye. Markii amniga Muqdisho sii xumaaday, qoraagu waxay si toos ah ugu dhex jidhay xaaladdii magaalada. Hoobiyayaal, barakac, bililiqo, afduub, dil iyo isku day kufsi ayaa noqday qayb ka mid ah waayo-aragnimadeeda. Dhacdada 10-kii Janaayo 1991 waa mid ka mid ah meelaha ugu xanuunka badan buugga. Qoraagu waxay ka badbaaday xaalad halis ah, halka dadkii kale ee guriga joogay la kaxaystay, dareewalkiina uu dhaawacmay. dareewalkeedii dhaawacmay ee ay isku dayday inay caafimaad gaarsiiso ayaan dayac iyo dhiiigbax u dhintay, iyadoo markaas ku khasbanaatay inay bacaad ku duugto. Dhacdooyinkan waxay ina tusayaan dagaalka sokeeye dhinaciisa ugu xanuunka badan.

Ka dib qaxii iyo burburkii Muqdisho, buuggu wuxuu u gudbaa marxalad kale: Talyaaniga, cilmi-baarista, shaqada hay’adaha caalamiga ah iyo dib ugu soo laabashada Soomaaliya. Qoraagu waxay noqonaysaa qof ku dhex jidha hawlaha dib-u-dhiska iyo dadaallada nabadaynta. Waxay ka shaqaysaa Qaramada Midoobay, ka qaybqaadataa shirarkii Addis Ababa, waxayna la kulantaa qaar ka mid ah jilayaashii ugu waaweynaa siyaasadda Soomaaliya. Sidaas darteed, dhiganahan wuxuu ina siinayaa aragtida gudaha ee shirarkii caalamiga ahaa ee Soomaaliya lagu doonayay in xal loogu helo.

Waxyaabaha dhiganahan ka dhigaya mid gaar ah waxaa ka mid ah in Xaliimo aysan ku ekaan doorka qof dagaal ka badbaaday/qaxooti noqday. Waxay mar dambe ku soo noqotay Soomaaliya iyadoo qayb ka noqotay hawlaha samafalka, maamulka iyo siyaasadda. Waxay ka shaqaysay Dhuusamareeb, waxay la kulantay Aadan Xaashi Cayrow xilli Al-Shabaab ay awood ku lahaayeen deegaanno badan, waxayna ka shaqaysay arrimaha gargaarka iyo bulshada rayidka ah.

Sannadkii 2012 waxay noqotay guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashada Qaranka, waxayna door ku yeelatay geeddi-socodkii xulista Baarlamaanka Federaalka iyo dhismaha hay’adihii dowladeed ee cusub. Markii dambe waxay noqotay guddoomiyaha guddigii dhismaha Galmudug, ka dibna waxay mar kale ku biirtay guddiga doorashada qaranka. Sidaas ayay nolosheedu uga soo gudubtay gabadh ku kortay Muqdisho, ardayad, shaqaale, aqoonyahan, samafale, qof ku lug leh siyaasadda, iyo hoggaamiso hay’ad dowladeed.

Qiimaha ugu weyn ee buuggan ma aha oo keliya dhacdooyinka uu ka sheekaynayo, balse waa aragtida qofka ka dhex muuqata dhacdooyinka. Akhristuhu wuxuu Soomaaliya ku arkayaa indhaha haweeney ku noolayd xilliyo aad u kala duwan: xorriyaddii ka dib, dowladdii rayidka ahayd, Kacaankii 1969, xilligii hantiwadaagga, dagaalkii 1978, burburkii dowladdii dhexe, dagaalladii Muqdisho, faragelintii caalamiga ahayd, xilligii Al-Shabaab, dowlad-dhisiddii 2012 iyo dhismihii Galmudug. Buuggu wuxuu sidaas ku noqonayaa xog xusuuseed muhiim u ah fahamka taariikhda casriga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, haweenka, siyaasadda, dagaallada sokeeye, samafalka iyo dowlad-dhisidda.

Si kastaba ha ahaatee, haddii buuggan loo eegayo heerka buug taariikheed oo cilmiyeed, waxaa muhiim ah in la kala saaro xusuusta qofka iyo xaqiiqooyinka taariikh ahaan la xaqiijiyay. Xusuustu waxay leedahay awood gaar ah oo ay ku qabato dareenka, laakiin taariikhdu waxay u baahan tahay ilo kale oo lagu barbar dhigo. Taasi ma dhimayso qiimaha xusuus-qorka; taa beddelkeeda waxay ka dhigaysaa mid si wanaagsan loogu adeegsan karo cilmi-baaris marka lala akhriyo dukumentiyo, wargeysyo iyo xusuus-qorro kale.

 

 

Q.Sulaymaan Bashiir Ciise

 

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More