Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Maalmahan waxaa aad looga hadlayay go’aankii Maxkamadda Sare ee Federaalka ee lagu buriyay natiijadii doorashadii Galmudug ee 30-kii Luulyo 2026 dhacday, laguna amray in doorashada dib loo qabto. Doodda warbaahinta badankeeda waxay ku saabsanayd in go’aanka Maxkamaddu ahaa go’aan siyaasadeed oo cid gaar ahi gadaal ka riixaysay. Qaar waxay farta ku fiiqayeen Madaxtooyada, qaarna waxay arrinta ku sidkeen Taliyaha NISA iyo xiriirka uu la leeyahay Xisbiga Towfiiq. Anigu dooddaas maanta ma doonayo inaan galo.Waxaan rabaa inaan ka hadlo sharciga iyo waxa dhacaya haddii doorashada dib loo qabanayo.

Maxkamaddu waxay go’aankeeda ku sheegtay in doorashadii hore aysan u dhicin si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, isla markaana khaladaadkii dhacay ay saameeyeen hufnaanta iyo natiijada doorashada. Sidaas darteed ayay natiijadii u burisay, waxayna amartay in doorasho cusub la qabto.

Haddaba, haddii doorashada dib loo qabanayo, ma lagu qaban karaa waqti kasta oo la doono, mise waxaa  la raacayaa dhammaan waqtiyada iyo habraacyada uu sharcigu dhigayo?Marka la fiiriyo go’aanka Maxkamadda Sare waxaa ka dhalanaya waajibaad shaqo oo laga maarmaan ay tahay in la fuliyo, si loo helo doorasho hufan oo waafaqsan hanaanka iyo  sharciyadda doorashada.

  1. MAALINTA DOORASHADA

Guddiga Doorashada waxaa saaran waajib ah inuu doorashada u qorsheeyo si waafaqsan sharciga, oo ay ku jirto in maalinta doorashada la caddeeyo sida sharciga doorashadu uu dhigayo Maxkamaddu go’aankeeda waxay si gaar ah u xustay in maalinta doorashada la cayimo ugu yaraan ka hor 90 maalmood.

Sidaas darteed, haddii maanta la yiraahdo “doorashada berri ama toddobaadyo yar kaddib ayaan qabanaynaa,” su’aashu waxay noqonaysaa; ma la buuxiyey shuruudihii iyo muddadii sharciga ahayd?. Sida uu qabo xeerka ay maxkamaddu cuskatay, haddii maalintii go’aanka uu soo baxay la shaacin lahaa maalinta doorashada, waqtiga ugu sokeeya ee doorasho laga qaban karo Galmudug wuxuu noqon lahaa 22-ka Noofeembar ee sannadkan. Tanni waa natiijada marka lagu daro 90-maalmood, maalinta go’aanka la riday ee 24ka Agoosto, haddase waa laga sii dib marayaa, maadaama aan la shaacin weli sida go’aanka Maxkamadda ku cad.

  1. LIISKA MUSHARRAXIINTA

Xisbiyada iyo ururrada siyaasadeedna waxay leeyihiin waqti sharci ah oo ay ku soo gudbinayaan liiska musharraxiintooda. Sharcigu wuxuu dhigaya in liiska musharraxiinta la soo gudbiyo 120 maalmood ka hor maalinta doorashada, kaddibna Guddigu uu hubiyo u-qalmitaanka musharraxiinta oo uu si rasmi ah u shaaciyo liiska. Tani waxaay ka mid tahay arimaha lgu cabiro hufnaanta doorasha mana aha in la yareesto.Musharrax kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo waqti ku filan oo uu isku diyaariyo, xisbiyaduna waa inay helaan waqti ay ku diyaariyaan tartankooda.

Haddii la eego, qodobka Liiska Musharaxiinta iyo waqtigiisu waa mid fasiraad sharci u baahan. 120-ka maalmood ma waxaa laga bilaabayaa maalintii go’aanka Maxkamaddu soo baxay, mise soo gudbinta liisaskii hore ayaa lagu dhaqmayaa. Halkan waxaa ka furan dood sharci, una baahan in dib loo hubiyo, kahor inta aan go’aan doorasho la aadin.

  1. SHAACINTA MUSHARRAXIINTA

Marka Guddiga Doorashadu hubiyo liisaska musharraxiinta, waa inuu si rasmi ah oo qeexan u shaaciyaa musharraxiinta iyo xisbiyada soo sharaxay. Doorasho hufan waxay u baahan tahay in qof kasta oo tartamaya iyo cidda uu matalayo ay shacabka si cad u arki arkaan.

  1. OLOLAHA DOORASHADA

Qodobka ugu danbeeye ee hubinta u baahan waa ololaha doorashada oo isaguna leh waqti sharci ah. Ololaha waa inuu bilaabmaa 45 maalmood ka hor doorashada, wuxuuna ku egyahay 48 saacadood ka hor maalinta codbixinta. Taasi waxay siinaysaa xisbiyada iyo musharraxiinta fursad siman oo ay shacabka kula xiriiraan, kuna soo bandhigaan barnaamijyadooda. Inkasta oo fasiraadaha sharci lagu kala duwanaan karo, haddana marka taxanaha jadwalka doorashada ee uu sharcigu qeexayo la raaco doorashada Galmudug waxaay dhici karta bisha Jannaayo, 2027.

HADDABA MAXAA DHACAYA HADDII SHARCIGA MAR KALE LA JEBIYO?

Haddii doorashadii hore Maxkamaddu ku burisay sabab la xiriirta in habraacii doorashada iyo sharcigii la jebiyey, haddana doorashada cusub lagu qabto iyadoo aan la ilaalin isla xeerarkii ay Maxkamaddu tixraacday, waxaa si dabiici ah u dhalanaya su’aal kale oo sharci; Maxaay ku kala duwan yihiin doorashadii hore iyo tan cusub?

Haddiiba doorashada ku celiska ah lagu qabto iyadoo la hareer marayo muddadii iyo habraacyadii sharciga ahaa, musharaxiinta ama xisbiyada ay  saameyso waxay mar kale yeelan karaan sabab ay ku dacwoodaan oo ay ugu laabtaan Maxkamadda. Iswaydiintuna waxay noqonaysaa, Maxkamaddu markale ma  qiimeyn doontaa dacwadda cusub iyo jebinta sharciga ee la soo hor dhigay.

Sidaas darteed, go’aanka Maxkamaddu ma aha in la yiraahdo oo keliya “doorashada ku celiya.” Hase ahaatee, macnaha dhabta ah ee ku jiraa waa Doorashada ku celiya, laakiin ku celiya iyadoo la raacayo Dastuurka iyo Sharciga.”

SHARCIGU MA AHAN WAX LA DOORTO MARKA UU NAGU HABBOON YAHAY

Waxaan mar walba ku celcelinnaa inaan rabno doorasho xor iyo xalaal ah. Laakiin doorasho xor iyo xalaal ah laguma dhiso hadal wanaagsan oo keliya. Waxaa lagu dhisaa: XEER + WAQTI SHARCI AH + HABRAAC SAX AH + FURSAD SIMAN + HUFNAAN + XISAABTAN. Haddii aan mar walba sharciga u beddelno sida xaaladda siyaasadeed u baahan tahay, waxaan abuureynaa doorasho aan dhammaad lahayn oo dacwad iyo muran siyaasadeed ku dhex jirta.Maanta waxaa la leeyahay doorashadii hore sharci ma ahayn. Haddii tan xigta iyadana sharciga lagu jebiyo, berri waxaa la oran karaa: “Maya sharci ma ahayn.” Markaas waxaan galaynaa wareeg aan dhammaanayn oo aan gacmaheenna ku samaynayno. Doorasho, muran, dacwad,  Maxkamad, natiijo la buriyo, doorasho kale, muran kale.  Waa ma dhamaato

Taasi ma dhiseyso dowladnimo.

Taasi ma dhiseyso kalsooni.

Taasi ma dhiseyso dimuqraadiyad.

Haddaba, arrinta Galmudug waa inay noqotaa fursad aan ku saxno khaladaadkii hore, ee aysan noqon fursad aan khaladkii hore mid kale ugu beddelno. Haddii Maxkamaddu maanta tiri “sharciga ayaa la jebiyey,” jawaabta saxda ahi ma aha inaan raadino waddo kale oo sharciga looga wareego. Jawaabta saxda ahi waa inaan dhahnno: Sharciga aan ilaalino. Dastuurka iyo Xeerka Doorashooyinka waa inay ka sarreeyaan rabitaanka qof, xisbi, xukuumad ama koox siyaasadeed. Sharciga haddii maanta la jebiyo si loo helo natiijo siyaasadeed, berri natiijadaas lafteeda ayaa laga yaabaa inay noqoto mid wax dumisa.

Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga gudbo dhaqanka ah “jug-jug meeshaada joog” iyo doorashooyin mar walba muran iyo dacwad ku dhammaada. Waxaan u baahanahay nidaam ay dhammaan dhinacyadu ku kalsoon yihiin. Doorashada ha lagu qabto waqtigeeda iyo habraaceeda sharciga ah.Haddii aan sharciga ilaalinno, waxaan ilaalinaynaa doorashada; haddii aan doorashada ilaalinno, waxaan ilaalinaynaa kalsoonida shacabka; haddii aan kalsoonida shacabka ilaalinno, waxaan dhiseynaa dowladnimo. Qaladkii hore haddii aan wax ka baran weyno, qaladku wuu sii soconayaa, ugu dambaynna meel aan dhammaanteen ka shallayno ayuu ina geyn karaa.

Xaliima Ibraahim Ismaaciil (Yareey), Waa Guddoomiyhii hore ee Guddida Doorashooyinka Qaranka, Guddida Doorashooyinka Galmudug iyo La Guddoomiyihii Guddida Xulista iyo Kalasaarista Baarlamaanka Soomaaliya.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More