Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa Axmed Shide oo muddo dheer ahaa Wasiirka Maaliyadda u doortay Guddoomiyaha aqalkaas.
Wuxuu noqnayaa qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee xilkaas sare ka qabta dalka Itoobiya.
Mr. Shide Wuxuu xilka kala wareegayaa Tagesse Chafo oo Golaha baarlamaanka hoggaaminayay tan iyo bishii Oktoobar sandii 2018.
Axmed kahor xilkan, wuxuu ahaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya tan iyo Oktoobar 2018, isagoo xilkaas soo hayay mudo adag oo uu dalkaasi ka socdeen dib-u-habeyn dhaqaale oo waaweyn oo ay kamid tahay mid ay taageeraysay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.
Ka hor inta uusan noqon Wasiirka Maaliyadda, Axmed wuxuu ahaa Wasiirka Gaadiidka intii u dhaxaysay 2016 iyo 2018, halka bilihii hore ee sannadkii 2018 uu noqday Wasiirka Arrimaha Isgaarsiinta Dowladda. Waxa kale oo uu dhowr sano soo noqday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Waayo-aragnimadiisa siyaasadeed waxay sidoo kale gaartaa heer goboleed, isagoo hore u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, sidoo kalena guddoomiye ka ahaa Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida ee xilligaas jiray.
Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka dalka Itoobiya Axmed Shide wuxuu shahaadada koowaad ee dhaqaalaha ka qaatay Kulliyadda Adeegga Rayidka Itoobiya, halka shahaadada labaad uu ka qaatay Machadka Daraasaadka Horumarinta ee Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska.
Si kastaba, Soomaalida ku nool Itoobiya ayaa sanadihii u dembeysay qabanayay xilal sare oo muhiim ah, taas oo ka dhigan in Xukuumadda Abiy Ahmed oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ay ka dhiganeyso isbaheysi xooggan, maadaama ay wajaheyso dagaallo adag iyo fara-gelin culus.

