Magacaabistii uu maanta sameeyay Ra’iisul Wasaare Xamse Abdi Barre, ee uu Axmed Yuusuf Cabdulle ugu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta, waxay si cad u muujinaysaa heerka ay gaarsiisan tahay taxadar-la’aanta iyo xulasho la’aanta xilalka sare ee dowladda. Waa go’aan markale banaanka soo dhigaya kalsoonida xasillooni la’aanta xulashada Xamse, waxayna kusoo beegmaysaa xilli uu todobaadkan amray wasiiraddiisa in karti iyo hufnaan lagu shaqeeyo, hase ahaatee, qallinkiisa ayaa tilmaan taas ka duwan bixinaya.
Agaasimaha cusub ee Isgaarsiinta loo dhiibay ayaa bishii Agoosto uu Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha. Mas’uulkan oo shaqada la wareegay 18-kii Agoosto, wuxuu xilkaas hayay wax ka yar 40 maalmood! Tani waxay dhaliil culus ku tahay hab-maamulka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyadoo ay horteenna imaanayaan su’aalo waaweyn.
- Haddii agaasimuhu ku guuldareystay shaqadii loo dhiibay laba bilood ka hor, sidee loogu aamini karaa mas’uuliyadda wasaarad kale oo muhiim ah?
- Haddii uu shaqadiisa ku wanaagsanaana, maxaa keenay in muddo 40 maalmood ah dhexdeeda xilka looga qaado?
Arrinta ka sii darani waxay tahay in Agaasime Axmed Yuusuf uu horey uga soo shaqeeyay oo loo magacaabay Agaasime Guud ee afar wasaaradood oo kala ah: Caafimaadka, Shaqaalaha, Dekedaha, iyo Tamarta, iyada oo midna uusan ku xasilin. Magacaabista Isgaarsiinta ee maanta waxay ka dhigan tahay wasaaraddii shanaad oo uu ku wareego.
Magacaabista Axmed, waxay ina xasuusinaysaa sida mas’uuliyiinta Soomaalida aysan muhiimad u siin kartida iyo isla xisaabtanka. Magacaabista joogtada ah ee Rasalwasaaraha waxay inoo sheegaysaa in xulashada Xamse aysan weli xasilin, afar sano iyo dheeraad uu xilka joogo.

