Magaalada Baladxaawo waxaa goordhow gaaray Cabdirashiid Janan, iyadoo socdaalkiisa lagu sheegay inuu qayb ka yahay dhammaystirka heshiiskii uu Nairobi kula galay Jubbaland.
Qodobada heshiiska waxaa ka mid ah in Janan uu wareejiyo xerada UK iyo ciidamada ku sugan, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 300 askari oo ka tirsanaa Nabadsugidda, isla markaana la filayo inay wixii maanta ka dambeeya qayb ka noqdaan ciidamada Jubbaland.l ee Kismaayo laga maamulo.
Sidoo kale, Baladxaawo waxaa gaaraya guddi ka socda Jubbaland oo hormuud u noqonaya hawsha kala wareegidda, waxaana guddiga ku jira saraakiil NISA ah oo Jubbaland taabacsan.
Dhanka kale, Jubbaland ayaa laga sugayaa inay fuliso ballanqaadyadii Janan lagula heshiiyay, iyadoo Dowladda Federaalka ay waddo qorshe lagu sameynayo isbeddel ku yimaada hoggaanka ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda ee gobolka Gedo.
Wararka ayaa sheegaya in qorshahaasi ay miiska saaran yihiin laba sarkaal oo loo xushay inay qabtaan hoggaaminta Ciidamadda Booliska iyo Nabad Sugida ee dhaka Muqdisho laga maamulo la rabo.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale la sheegay inay isku dayday inay ka hortagto wareejinta xerada UK, iyadoo Abaanduulaha Qaybta 43-aad, Rashiid Bohol, uu qorsheeyay inuu gaaro xerada, balse loo diiday inuu tago.

