Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Maanta oo ay taariikhdu tahay 15 ka September 2026, magaalada Riyadh waxaa ka furmay Madasha 4aad ee Caalamiga ah ee UNESCO ee Anshaxa Garaadka Gacmeed (4th UNESCO Global Forum on the Ethics of AI – GFEAI 2026), oo ay isugu yimaadeen dowlado, hay’ado caalami ah, khubaro, cilmibaarayaal, shirkadaha tiknoolajiyadda iyo hoggaamiyeyaal ka shaqeeya mustaqbalka Garaadka Gacmeed (Artificial Intelligence – AI).

Waxa ugu weyn ee madashan maanta ka dhigaya mid muhiim ah waa waqtiga ay ku soo beegantay. Dunidu waxay joogtaa marxalad Garaadka Gacmeedku uusan ahayn oo keliya tiknoolajiyad cusub oo lagu tijaabinayo shaybaarro ama shirkado waaweyn, balse uu si toos ah u gelayo shaqadeenna, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, adeegyada dowladda, amniga, cilmi-baarista iyo go’aan qaadashada.

Awoodda Garaadka Gacmeedku waxay ku socotaa xawaare aan horay loo arag. Waxaa maalin kasta soo baxaya nidaamyo (AI Systems) awood u leh inay qabtaan hawlo markii hore u baahnaa xirfad iyo waqti badan oo bani’aadamku geliyo.

Haddaba waa laga soo tegay in la iswaydiiyo, maxaa cusub oo Garaadka Gacmeedku qaban karaa? Waxaana taagan oo laga doodayaa, yaa xadidaya waxa uu qaban karo, yaa kormeeraya, yaase mas’uul ka noqonaya marka uu khaldo?

Fursad weyn, laakiin mas’uuliyad ubaahan; 

Garaadka Gacmeedku wuxuu leeyahay fursado aad u ballaaran. Wuxuu kordhin karaa wax-soo saarka (Productivity), wuxuu dedejin karaa hal abuurka (Innovation), wuxuu hagaajin karaa adeegyada dowladda (Digital Public Services), wuxuu taageeri karaa caafimaadka iyo waxbarashada, wuxuuna dowladaha ka caawin karaa inay xogta si wanaagsan ugu adeegsadaan qorsheynta iyo go’aan-qaadashada.

Dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa Afrika, Garaadka Gacmeedku wuxuu siin karaa fursad ay kaga boodi karaan marxalado horumarineed oo muddo dheer qaadan lahaa.

Laakiin fursaddaas waxaa barbar socda su’aalo muhiim ah oo ku saabsan Anshaxa (Ethics), Badbaadada (AI Safety), Maamulka (AI Governance), Asturnaanta (Privacy), Ilaalinta Xogta (Data Protection), Daahfurnaanta (Transparency) iyo Isla-xisaabtanka (Accountability).

Haddii nidaam Garaad Gacmeed ahi go’aan ka gaaro qof, tusaale ahaan shaqo, adeeg dowladeed, caafimaad ama dhaqaale, qofkaasi ma ogaan karaa sababta go’aankaas loo gaaray?

Hadaba, Haddii nidaamku khaldo, yaa mas’uul ah?

Shirkaddii samaysay? Hay’addii adeegsatay? Mise qofkii go’aanka ugu dambeeya gaaray?

Kuwani ma aha su’aalo mustaqbal fog laga hadli doono. Waa su’aalo maanta ina hor yaalla.

Ma dardargelinnaa mise xawaaraha ayaan yareynaa? 

Doodda dunida maanta ka socota ma aha in Garaadka Gacmeedka la joojiyo.

Waxaan qabaa in qiimaha iyo fursadaha tiknoolajiyaddani ay aad uga weyn yihiin inaan horumarkeeda ka baqno ama aan isku dayno inaan gebi ahaanba hakino.

Laakiin sidoo kale ma noqon karto inaan si indho la’aan ah ugu tartanno awoodda ugu badan, iyadoo nidaamyada badbaadada iyo maamulka ay gadaal ka socdaan.

Horumarka Garaadka Gacmeed ee  (Frontier AI) waa inuu barbar socdaa horumarinta Badbaadada Garaadka Gacmeed (AI Safety) iyo Maamulka Garaadka Gacmeed (AI Governance).

Waxaan u baahanahay siyaasado iyo xeerar cad (Regulatory Frameworks), qiimeynta khataraha (Risk Assessment), kormeerka bani’aadamka (Human Oversight), isla xisaabtan (Accountability) iyo habab lagu hubin karo in nidaamyada awoodda badan si madax-bannaan loo qiimeeyo.

Afrika ma noqon karto daawade; 

Mid ka mid ah arrimaha aan muhiimka u arko waa kaalinta Afrika ee horumarkaan dunida kasocdo.

Doodda ku saabsan mustaqbalka Garaadka Gacmeedku ma noqon karto mid ay go’aamiyaan oo keliya dalalka leh shirkadaha tiknoolajiyadda ugu waaweyn ama leh (Computing Power) ugu badan.

Afrika waa inay miiska joogtaa marka la dejinayo xeerarka, heerarka iyo hab-maamulka caalamiga ah ee Garaadka Gacmeed (Global AI Governance).

Waa inaanan noqon oo keliya Dalal  isticmaala tiknoolajiyad meel kale lagu sameeyay, iyadoo sidoo kale meel kale lagu dejiyay xeerarkii lagu maamuli lahaa.

Waxaan u baahanahay inaan dhisno awooddeena gudaha (Local Capacity), horumarino xirfadaha (AI Skills), taageerno cilmi-baarista iyo hal abuurka maxalliga ah, isla markaana hubinno in luqadaha, dhaqamada, baahiyaha iyo duruufaha bulshooyinka Afrika lagu daro nidaamyada Garaadka Gacmeed.

Soomaaliya xaggee ayay kaga jirtaa? 

Soomaaliya, dooddan waxay inoogu soo beegmaysaa xilli uu dalku sii dardargelinayo Isbeddelka Dijitaalka ah (Digital Transformation).

Marka aan dhiseyno adeegyo dowladeed oo dijitaal ah,oo aan dhisnay Hay’adda Dhowrista Xogta, meel fiican ay mareeyso Shruucda Cybersecurity ga oo Baarlamaanka lageeye, aqoonsi dijitaal ah, nidaamyo xog isweydaarsi iyo adeegyo dadweyne oo casri ah, waa inaan isla waqtigaas ka fikirnaa meesha Garaadka Gacmeedku kaga jiro mustaqbalka dowladnimadeenna dijitaalka ah.

Waxaan u baahanahay dardargalinta hay’ada awood leh, sharciyo iyo siyaasado ku habboon AI da , ilaalinta xogta, dhisidda xirfado gudaha ah iyo nidaamyo xaqiijinaya in tiknoolajiyaddu u adeegto muwaadinka.

Waxaa kale oo muhiim ah in dalalka sida Soomaaliya aysan sugin ilaa xeerarka caalamiga ah ee Garaadka Gacmeed dhammaantood meel kale lagu go’aamiyo. Waa inaan ka qaybgalnaa doodaha hadda socda, codkeenna iyo duruufaheenna gaarka ahna aan miiska keennaa.

Maxaan maanta Riyadh kala baxayaa?

Waxa aan maanta ka dareemayo doodaha ka socda #GFEAI2026 waa in dunidu si tartiib ah uga gudbeyso su’aashii ahayd:

“Muxuu Garaadka Gacmeedku mustaqbalka awoodi doonaa?”

Waxaana loo gudbayaa su’aalo aad uga dhab ah:

Maxaan u oggolaaneynaa inuu sameeyo? Xaggee ayay ku ekaanaysaa awooddiisu? Yaa kormeeraya? Sidee loo ilaalinayaa xuquuqda qofka iyo xogtiisa?

Yaa mas’uul ka noqonaya marka nidaamku khaldo?

Iyo tan ugu muhiimsan:

Sidee ayaan u xaqiijin karnaa in Garaadka Gacmeedku u adeego bani’aadamka oo dhan, oo uusan noqon tiknoolajiyad sii ballaarisa farqiga u dhexeeya dalalka iyo bulshooyinka?

Aniga ahaan, jawaabtu ma aha inaan horumarka joojino.

Sidoo kale jawaabtu ma aha inaan xawaare aan xad lahayn ku soconno.

Waa inaan dardargelinnaa hal-abuurka (Innovation), laakiin isla xawaarahaas waa inaan ku dardargelinnaa Anshaxa (Ethics), Badbaadada (Safety), Maamulka (Governance), Daahfurnaanta (Transparency) iyo Isla-xisaabtanka (Accountability).

Garaadka Gacmeedku waa mid ka mid ah tiknoolajiyadaha ugu awoodda badan ee jiilkeennu wajahayo. Sidaas darteed, su’aasha ugu weyn ma aha oo keliya waxa tiknoolajiyaddu awooddo.

Su’aasha dhabta ahi waa waxa aan annagu dooranno inaan u oggolaanno inay awooddo.

Taasi waa sababta wadahadallada maanta ka socda Riyadh ay muhiim u yihiin: halabuurka iyo badbaadadu ma aha inay iska hor yimaadaan; waa inay isla socdaan.

Aan horumarno, aan halabuur sameyno, laakiin aynu sidoo kale dhisno xeerarka waddada inta aynu safarka ku jirno — intaanay tiknoolajiyaddu naga hor marin. 

 

W/Q: Sakariye Ismaaciil

 

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More