Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Isku-shaandhayn kooban ayaa lagu sameeyay waaxyaha muhiimka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), iyadoo xilal cusub loo magacaabay saraakiil katirsan hay’adda.

Xamdi Xasan oo ahayd Taliyaha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ayaa loo dallacsiiyay hoggaanka Waaxda Maaliyadda ee NISA. Xamdi Xasan oo sannadihii dambe lafdhabar u ahayd adkaynta amniga garoonka diyaaradaha ayaa hadda u dalacday xarunta dhexe, iyada oo la wareegaysa mas’uuliyadda xasaasiga Agaasinka Maaliyadda.

Xilka ay bannaysay Xamdi Xasan ayaa loo magacaabay Khaalid Ciidoow oo noqonaya Taliyaha NISA ee xarunta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Sidoo kale, waxaa iyaguna la sameeyay isbaddalo iyo magaacaabis kale oo lagu sameeyay hoggaannada amniga xarumaha Dawladda iyo madax-qeybeedyo ka tirsan Taliska Guud ee NISA.

Isbeddelkan ayaa kusoo aaday iyadoo bishii ugu dambaysay uu taagnaa isqabqabsi maaliyadeed oo ka dhex jiray hay’adda, kaddib markii la soo sheegay inuu dhacay lunsasho iyo wax-is-dabamarin lacageed oo ka dhacday xarunta guud.

 

 

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More