Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

 W/Q: Kamal Hassan

Soomaaliya waxay muddo dheer ku jirtay marxalad siyaasad khalafsan oo aan dhammaad muuqda lahayn, khilaaf, is mariwaa, hubanti la’aan iyo siyaasad aan la saadaalin karin. Maanta khilaaf ayaa ka jira Muqdisho, Baydhaba, Kismaayo, Garoowe, berri meel kale ayuu ka qarxi karaa. Yaanan ilaawin khilaafka doorashooyinka heer federaal iyo heer gobol.

Soomaali heshiis ma ahan! Iyadoo ay usii dheertahay barakicin shacab iyo boob hanti Qaran.

Xaggee ayay ku dambaynaysaa dawladnimadan curdanka ah haddii khilaaf kasta oo siyaasadeed uu ugu dambayn isu beddelo marxalad awood ciidan? Sida aan ku aragnay Marinaayo, Raaskambooni, Baydhaba Janaay, Puntland iyo Doolow. Waxaa gebi ahaanba burburay hoyga General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan “Taliye Shub” kaasoo laba jeer horey usoo noqdey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed kana mid ah afarta hay’adood ee amniga kuwasoo kala ah CXD, NISA, iyo Booliis. Sida ku xusan Dastuurka KMG JFS, cutubka 14-aad, qodobka 126-aad, faqradiisa 1-aad. Taliye Mahad hoygiisa wuxuu kuyaalaa gobolka Gedo, degmada Doolow oo ku dhawaad 720 km u jirta Kismaayo, Muqdishana 480 km.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxay arintan, iyadoo qaar ka mid ah wararka iyo siyaasiyiinta mucaaradku ay sheegeen in guriga lagu qaaday duqeyn diyaaradeed, halka Dawladda Federaalka ay gebi ahaanba iska fogeeysay in ay wax lug ah ku lahayd dhacdada, sheegtayna in xogaha hordhaca ah ay muujinayaan in walxaha qarxa lagu diyaarinayay gudaha guriga Taliyaha. Dawladda waxay sidoo kale sheegtay inay magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah. Dhacdadaaas waxaa laga joogaa in ka badan asbuuc welina guddi lama magacaabin.

Sidaas darteed, qoraaga masuul kama ahan in uu go’aamiyo cidda runta sheegaysa labada dhinac. Ha ahaato duqeyn diyaaradeed ama qarax lagu diyaarinayey gudaha guriga Taliyaha. Haddii Soomaaliya haysato diyaarado, sirdoon, hub casri ah iyo awood ciidan, su’aashu waxay tahay: Awooddaas yaa mudnaa in loo adeegsado?  Waa su’aal ka dhalatay cidda leh mudnaanta koowaad ee amniga Soomaaliya maanta.

Doolow: Ma Qarax mise Duqeyn Diyaaradeed?

Dawladdu waxay sheegtay in dhacdada Doolow ay ahayd walxaha qarxa oo gudaha guriga lagu diyaarinayay, iyadoo la tuhunsan yahay in loo adeegsan lahaa dagaalada ka socda Baydhaba. Dhacdada kadib guriga laguma dhex arag wax raad qarax ama gaari burbursan! Taas bedelkeed dadka deegaanka waxay sheegeen inay maqleen guux diyaarad oo ay xigtey dhawaq aad u culus. Marka intaas laga soo tago waxaa baraha bulshada ku faafay sawirro lagu sheegay inuu ahaa madfaca lala beegsaday guriga Taliye Shub.

Hadii sawiradaas sax yihiin: Haraadiga la sheegay in goobta laga helay waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa bam nooca loo yaqaan “micro munition”, madfac yar, casri ah, dherarkiisu gaarayo 1 mitir, miisaankiisuna 22 kg. lagu hago iftiin ama laser si saxan bartilmaameed ka toogan kara masaafo ugu yaraan gaareysa 8km ugu badnaanna 15 km.

Hubka sifooyinkaas kor ku xusan ama astaamahaas leh waxaa kaliya xambaari kara diyaarad hadey ahaan lahayd kuwa aan duuliyaha lahayn (drones) ama noocyo kale. Maamulka Jubaland iyo xubnaha mucaaradka ayaa farta ku fiiqay in guriga General Mahad Cabdiraxmaan loo adeegsaday duqayn diyaaradeed toos ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dhanka kale, goob joogayaasha deegaanka waxay xuseen in aysan jirin wax muujinaya haraadiga gaari ku gubtay ama ku qarxay guriga Taliyaha, taas oo kalsooni-darro weyn ku abuuraysa sheegashada Dawladda Soomaaliya ee ahayd in qaraxu ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu diyaarinayay guriga dhexdiisa.

Hadii aan raacno sida Dawladdu sheegtay, waxaa soo baxaya su’aalo badan aan jawaab loo heli karin. Su’aalahaas ay ka mid yihiin: gaariga qaraxa lagu diyaarinayay halkuu yaalay? ma barxadda guriga? Ma qolka jiifka? Ma suuliga? Ma barandada? Ma daashka? Ma iridda laga galo guriga? Maxaase sababay burburka baaxadaas la eg?

Doolow iyo Baydhabo waxay isu jiraan in ka badan 240 km hadii la isticmaalo wadada isku xerta Luuq, Yurkud, Berdaale kadib Awdiinle.

Waxaa isweydiin mudan sababta meel sida Doolow ufog loogu diyaarinayo halkii meelaha dagaalku ka socdo ee u dhow Baydhabo ay ka sahlan tahay in lagu diyaariyo. Sida Awdiinle oo 30 km ujirta Baydhaba ahna xarunta dhexe ee ciidanka daacadda u ah Laftagareen.

Maxay ahayd xiriirka u dhexeeyay Doolow iyo dagaallada Baydhabo? Dawladda waxaa laga sugayaa inay keento caddayn iyo faahfaahin sharaxaysa sheegashadaas.

Tani waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay in baaritaan madax-bannaan oo dhab ah lagu sameeyo dhacdada si loo ogaado xaqiiqda iyo siday wax u dhaceen.

Turkiga iyo ku lug lahaanshiyaha duqeyntii Doolow

Qaybta ugu xasaasisan ee dhacdadani waa eedeymaha la xiriira Turkiga. Dawladda Turkiga waxay Soomaaliya la leedahay xiriir amni oo qoto dheer, mid diblomaasiyadeed iyo iskaashi caalami. Laakiin eedeymaha hadda soo baxay waxay arrinta gelinaysaa meel aad xasaasi u ah. Sidaas darteed, ma aha sax in Turkiga lagu xukumo eedeyn aan la xaqiijin. Sidoo kalana ma aha sax in eedeymaha si fudud la iskaga indho tiro.

Haddii qalab ama awood ciidan oo shisheeye lagu isticmaalay khilaaf siyaasadeed gudaha Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan:

  • Yaa bixiyay amarka?
  • Yaa lahaa awoodda taliska?
  • Yaa ogaa howlgalka?
  • Hub noocee ah ayaa la adeegsaday?
  • Run ahaanti ma gaari baa ku qarxay guriga?
  • Run miyaa in duqeyn diyaaradeed dhacdey?
  • Yaa ku lug lahaa?
  • General Shub ma ahaa bartilmaameed?
  • Haddii uu ahaa, maxay ahayd sababta?
  • Ma jiray amar rasmi ah?
  • Mise shaqsiyaad gaar ah ayaa fuliyey iyagoon ogeysiin hay’adaha aminga iyo Madaxda dalka ugu sareysa sida Xasan, Xamse, Mahad?
  • Haddii ay jirto eedeyn ku saabsan awood shisheeye, ma jirtaa wax caddayn ah?

Su’aalahan ma aha su’aalo mucaarad ama muxaafid leeyahay, waa su’aalo ay tahay in baaritaan lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo si shacabka Soomaaliyeed u helaan jawaabo waafi ah. Haddii ay sii xoogeysato aragtida ah in Turkiga ay si aan ka fiirsi laheyn ugu lug lahayd dhacdadii Doolow, waxaa dhaawacmi kara kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya kuma koobna dawlad gaar ah iyo maamul ama madaxweyne maanta talada haya balse wuxuu xiriir la leeyahay shacabka Soomaaliyeed iyo mustaqbalka dalka. Sidaas darteed, haddii taageerada Turkiga lagu arko inay dhinac ka noqotay ama ku milantay khilaaf siyaasadeed gudaha ah, khasaaraha ugu weyn wuxuu gaari karaa kalsoonida muddada dheer dhismeysay ee labada dal.

Haddaba, Taliye Shub wuxuu ku dhaawacmay dhacdada, isaga iyo dad kale oo goobta joogay, oo ay ka mid tahay xaaskiisa sida ay warbaahinta maxalliga ahi sheegtay.Arinta Doolow hadii aan baaritaan rasmi ah lagu sameen, ma ahaan doonto midii ugu dambeeysay, oo dhacdooyin la mataan ah ayaa beri meelo kale ka dhici kara. Soomaaliya waxay u baahan tahay ciidan qaran oo cadowga la dagaallama, hay’ado amni oo siyaasadda ka madax-bannaan, iyo nidaam khilaafaadka lagu xalliyo miiska ee aan lagu xallin madfac saqdhexe gurigaaga lala beegsado. Iyadoo aan loo tixgelineyn inaad tahay shacab, siyaasi, madaxweyne ama reysalwasaare hore, mucaarad, halyeey qaran iyo taliye ciidan midna.

AFEEF: Qoraaga marnaba ma xusin in guriga taliyaha diyaarad duqeysay ama gaari walxaha qarxa sababay in kastoo saxaafadda maxalliga aysan soo bandhigin sawiro haraadiga burburka gaariga qaraxa lagu diyaarinaayey. Iyadon baaritaan rasmi ah lagu sameenin lagama gungaari karo xaqiiqda rasmiga.

W/Q: Kamal Hassan

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More