Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dawladda Maraynkanka ayaa sideed qof oo Soomaali ah gaysay xabsiga sumcadda liita ee Guantanamo Bay ee ku yaal dhulka Kuuba (Cuba). Dadkan Soomaalida ah ayaa ahaa soogalooti kuwaas oo intooda badan ay dalkaasi galeen shanti sano ee ugu danbeeyay, sida lagu baahiyay warbixin ay dhawaan soo saartay waraabinta MPR News oo waraysatay Aadan Cabdullaahi.

warbixinta MPR News ayaa lagu xaqiijiyay in Aadan Cabdullaahi, oo ah 31 jir Soomaali ah kuna noolaa magaalooyinka Twin Cities ee Minnesota, loo dhaadhiciyay xabsiga Guantanamo Bay. kaddib markii ay xireen saraakiisha socdaalka Mareykanka (ICE) bishii Diseembar intii uu socday hawlgalkii tarxiilka soogalootiga ee loo yaqaan “Operation Metro Surge”. Aadan, oo kamid ahaa dadkii dalkaas ku galay magangelyo-doon sannadkii 2023, haystana ruqsad shaqo iyo numberka loo yaqaan Social Security, ayaa ku shaqaysanayay xirfadda mekaanikada gawaarida (geerashle).

Aadan, ayaa u sheegay MPR News in muddadii uu ku jiray gacanta ciidamada Maraykanka loo kala wareejiyay xabsiyo ku yaalla Minnesota, Kentucky, iyo Louisiana, kahor inta aan lagu xirin Guantanamo. Aadan, waxaa uu sheegay in loo sheegay in loo celinayo Soomaaliya iyadoo Kuuba lasii marinayo si diyaaraddu shidaal uga qaadato oo keliya. Hase ahaatee diyaaraddii siday Aadan, markii ay gaartay Kuuba, waxaa lagu xiray xabsiga Camp Six ee Guantanamo Bay, halkaas oo uu ku xiran yahay tan iyo labadii toddobaad ee ugu danbaysay, wuxuuna xaqiijiyay inuu ka ku arkay  8 qof oo Soomaali ah oo lagu hayo xaruntaas iyada oo intooda badan laga soo qabtay Minnesota.

Aadan oo MPR News kula hadlay telefoon 10 daqiiqo oo keliya ayaa u sheegay inay jiraan xannibaado dhanka dhaqdhaqaaqa ah, balse ay heystaan fursad gaaban oo ay ku kulmaan. Qareenkiisa, Marc Prokosch, iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha sida ACLU iyo Center for Victims of Torture ayaa dacwad ka dhan ah maamulka Trump  geeyay maxkamadda Washington, iyagoo ku eedeeyay dawladda inay soogalootiga ka dhigayso sida “khatar argagixiso” iyadoo uusan jirin sharci ay dad soogalooti ah ku gaynkarto xero ciidan oo dibadda ah.

Sikastaba, maamulka Madaxweyne Tump ee ka taliya dalka Maraynkanka ayaa si gaar ah u beegsanayay dadka Soomaalida ah ee magangalyo doonka iyo nolol raadinta ugu nool dalkaas. Inta badan khudbadihiisa ayuu Trump si joogta ah ugu weeraraa Soomaalida ku dhaqan dalkaas.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More