Somali Stream waxay raadinaysaa boosas shaqo oo ah Video-Journalist oo ku soo biira kooxda tifaftirka iyo warbaahinta dhijitaalka ah.Tirada boosaska shaqo ee loo baahan yahay waa Afar (4) weriye oo xirfadlayaal shaqo ah oo ka banaan xafiiska Muqdisho.
Mas’uuliyadda Shaqada:
- Samaynta iyo naqshadeynta xog-muuqaaleedyada (Infographics) ee wararka, baaritaannada, iyo xogaha gaarka ah ee Somali Stream.
- Soo saarista muuqallada gaagaaban ee dhijitaalka ah (Video Graphics / Reels / Shorts) ee ku habboon baraha bulshada.
- U badalidda qoraallada iyo tirakoobbada xogta muuqaallada (Data Visualization) si erayada iyo xogtu u noqdaan kuwo si munaasib ah loo fahmi karo.
- Inuu leeyahay awood soo jeedin iyo ka qayb qaadashada barnaamijyada
- La shaqaynta kooxda tifaftirka si loo ilaaliyo heerka tayada iyo summadda Somali Stream.
Shuruudaha laga rabo codsadaha:
- Khibrad shaqo oo muuqata oo ku saabsan werinta dhijitaalka ah, naqshadeynta, iyo habaynta muuqaallada (Editing).
- Aqoon fiican oo ku saabsan software-ada naqshadeynta (Adobe Premiere, After Effects, Photoshop, Illustrator, ama Canva).
- Awoodda u badalidda sheekooyinka wararka qoraallo gaagaaban oo leh muuqaal jiidasho leh (Visual Storytelling).
- Faham fiican oo ku saabsan habka u shaqaynta baraha dhijitaalka ah iyo dareenka wararka degdegga ah.
Habka codsashada:
Fadlan soo codso ka hor 5-ta September, 2026. Kunasoo dir, CV-gaaga ugu dambeeyay. Contact@Somalistream.com soona raaci Portfolio / Tusaalooyin shaqooyinkii hore ee aad ku samaysay Infographic ama Video Graphic.

