Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Bilihii la soo dhaafay, waxaan si qoto-dheer u fahmay oo ugu guuxay awoodda iyo wax-ku-oolnimada hoggaanka Soomaaliyeed. Waxaa ii soo baxday in hoggaamiyeyaal badan ay leeyihiin khibrad durugsan, maskax furan, iyo xusuus ku aaddan taariikhdeenna, taas oo ah arrin aynu Soomaali ahaan fududaysanno.

Marar badan, waxaan hoggaamiyeyaasheenna uga barannay aamusnaan iyo ka fogaanshaha warbaahinta. Balse taasi kama dhigna inaysan hayn waxay sheegaan, laakiin waxay doorbideen inay xoogga saaraan mudnaan-siinta danta guud, iyaga oo ka caagay ka qaybgalka fagaarayaasha dadweynaha ee kala duwan.Si ka duwan dalalka kale ee ay siyaasiyiintu si joogto ah uga qaybgalaan isu-soo-baxyo kala geddisan oo ay kula falgalayaan bulshada, caqabadaha amni ee Soomaaliya ayaa xaddiday ka-miradhallinta fursadahaas. Xitaa marka hoggaamiyeyaasha Soomaalidu go’aansadaan ka qaybgalka munaasabadaha dadweynaha, waxaa loo qoondeeyaa waqti aad u kooban oo aan ku filnayn inay si sax ah u soo bandhigaan aragtidooda.Tan ayaa keentay in bulsho badan ay u arkaan siyaasiyiinta Soomaalida kuwa hagaas ah oo aan lahayn karaan gaarsiisan kuwa gobolka iyo caalamka. Waxayna siyaasiyiinta dalkeenna noqdeen kuwa la xusuusto markii fashil la xusuusto. Waa xaaladdan sharaxaad badan loo hayn is-waafajinta wacyiga bulshada iyo siyaasiyiinta go’doonsan.

Markaan dib u fiiriyay khibraddayda arrintan ku saabsan, si gaar ahna inta aan wadnay barnaamijka Geedfadhi, waxaa ii suurtagashay inaan dib-u-akhrin ku sameeyo shaacsanahan. Waxaan hadda garwaaqsaday in dhibaatadeennu aysan la xiriirin hoggaan iyo maamul-xumo, maaddaama aan la kulmay siyaasiyiin ku hubaysan afkaar togan iyo istiraatiijiyado wax-ku-ool ah, isla markaana diyaar u ah inay naftooda u huraan wax-ka-qabashada xaaladda dalkeenna.Waxaan la kulmay mas’uuliyiin badan oo danahooda shakhsiga ah uga tanaasulay danta saaxiibbadood, iyaga oo doortay inay dib u dhigaan xaqiijinta hammigooda shaqsiga ah si looga dhabeeyo horumarka qaranka, taas oo ah xaajo ugub ku ah saaxadda siyaasadda dalka.Barnaamijka Geedfadhi waxaan ka kasbaday khibrad iyo casharro ka badan wixii aan ka bartay waayihii iyo xaaladihii aan u soo joogay tobannaankii sano ee aan ku jiray war-isgaarsiinta heerarkeeda kala duwan. Waxaan garawsaday in bini’aadamku mar kasta baahi u qabo barashada wax ka baxsan intii uu yaqaannay, taas oo marag-fur u ah sida ogaalka aadanuhu mar kasta u xaddidan yahay.

Wadasheekaysiga Geedfadhi waxa uu leeyahay laba qaybood; midda la yiri iyo midda la qariyay. Ogaal-warankan kooban waxaan dul-xaadis ku samaynayaa qaybta qarsoon ee shaqsiyaadka aan la kulmay iyo dabeecadaha aan ka diiwaangeliyay. Maqaalkani waa ururis ka yimid xog-kaydintayda wadasheekaysi kasta kaddib.Ilaa hadda waxaa Geedfadhi ku kulannay 12 siyaasi oo firfircoon, kuwaas oo si maalinle ah siyaasadda ugu shaqeeya. Waxay kala ahaayeen; 7 Wasiir, 8 Xildhibaan, hal sharci-yaqaan, 2 Taliye iyo 2 Madaxweyne Dowlad-goboleed. 20 saacadood ka badan ayaa la fadhiyay oo waraysi ah iyo in ka badan 25 saacadood oo ka hor waraysiga ah; waa waqti 3 maalin ah oo aan la qaatay. Waqtiga iyo siyaasiyiintuba waa tiro ku filan in muunad ahaan loogu qaato siyaasiga Soomaaliga ah.Ka hor inta aanan bilaabin wadasheekaysiga, waxaan lahaa ogaal siyaasadeed oo ku saabsan shaqsiyaadkan, waxaana haystay dabeecad ay dadku ku asteeyeen, hase ahaatee siyaasiga waraysiyada kaddib iyo wixii aan haystay aad ayay u kala duwanaadeen. Aan shan tusaale idiin soo qaato:

  1. Waraysiga kaddib waxaa isoo baxay in Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur yahay nin cidda uu diiddan yahay la fariisan kara, hadalkiisa xeeladayn kara, dooddiisa sababayn kara, kaamarada gadaasheedana nin deggan oo wax xeerinaya ah. Waa kaaf iyo kala dheeri marka loo eego sawirkii aan ka haystay.
  2. Wasiir Cabdiraxmaan Caynte; kulankeenna kaddib waxaa ii soo baxay nin isku kalsoon, hadalka dhihi og, ogaal iyo aqoon hal-abuur ku dhisan leh, haddana han leh. Nin yaqaan halka uu u socdo, u baahan waqti iyo wehel siyaasadeed si uu u fanto figta sare ee hoggaaminta. Aan dhawro dedaalkiisa. Allow waaga aan waraabe la tegin.
  3. Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble waxaa lagu calaamadeeyay inuu yahay wadaad aan siyaasi ahayn oo xirxiran. Hayeeshee, waxaan la kulmay nin aan sooyaalkiisa salafiga ah la dirirsanayn, dhiiran, runtuna u tahay halbeeg. Nin is ah oo qalbigiisa iyo qoloftiisa aysan isdiiddanayn.
  4. Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed waa siyaasi inta badan aan la waraysan, fadhiyada siyaasaddana ku caan ah, laguna xanto inuu farsamada xiriirka aad u yaqaan, sheekaduna ka lunto haddii saddex la noqdo. Markii aan geedka keennay, waxaa ii soo baxay shaqsi igu cusub; ogaal u leh sidii oday reer u taliyay, gaabiskiisa garanaya, mas’uuliyadda qaadi kara, nin xaajo iyo xal loogu tegi karo, dabci ahaan furan, yahayna nin beel iyo shaqsiba deeqa. Nin xil qaaday eed qaad.
  5. Xildhibaan Cabdullaahi Sanbalooshe; dhabtii waxaa isoo baxday inuu yahay nin carrabkiisu ku yaallo, cadkiisa cuni kara, ciddiisa yaqaanna, ciddii salaanta saaxiib la ah, colkiisana aan dhaafin. Afkaaga oo ku xidha oo aan ku furin waa Alle kaa gooy!

Waxaan qalinkayga mar kale ku dul istaagi doonaa wixii aan ka bartay siyaasiyiinta  reer Koonfur Galbeed ee aan waraystay, maadaama aan ka diiwaangeliyay darsi ka duwan gaar ahaa siyaasiyiinta kale.

Tusaalayntaas kooban kaddib, waxaan garwaaqsaday in war-tebinta dhinaca ka rarani ay mararka qaar ka hor istaagto shacabka inay si buuxda u fahmaan hoggaamiyeyaal-shooda. Tani waxay abuurtay kala-duwanaansho ku aaddan aragtida dadweynaha iyo xaqiiqada dhabta ah ee siyaasiyiinta.Arrimahaas oo dhan marka laga yimaaddo, waxaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ku bogaadinayaa sida ay u ilaaliyeen dhaqanka Soomaaliyeed; suugaanteenna, sheeko-tebinta aynu caanka ku nahay, aqoonta diineed ee qotada dheer, iyo taariikhda dalkeenna.Qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiintaasi waxay ka soo jeedaan qoysas door weyn ka qaatay horumarinta Soomaaliya, iyaga oo ilaa hadda ku taagan dhabbaha halyeeyadii aasaasay qaranka, sida hoggaamiyihii weynaa Aadan Cabdulle Cusmaan.Marka la isku soo xooriyo aragtiyadan, waxaa wax lagu farxo ah in malahaygii uu beenoobay oo ay weli jiraan hoggaamiyayaal aqoon durugsan u leh taariikhdeenna iyo tagtadeenna, taas oo kugu abuuraysa rajo cusub oo la xiriirta mustaqbalka Soomaaliya.

Cabdinuur Maxamed Axmed waa Agaasime kuxigeenkii Guud, Agaasimihii Warbaahinta iyo Xidhiidhka iyo Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya. Hadda waa daadihayaha Barnaamijka GeedFadhi iyo Lataliye War-isgaarsiineed oo madaxbannaan. waxaad kala xidhiidhii kartaa Halkan

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More