Inta badan isku dayda dil ee madaxda Mareykanku kama marna ujeeddooyin siyaasadeed iyo xeeladaysiga qorshayaal daahsoon oo la rabo in qalalaasaha beegsiga madaxda loo gabbaadsado. Taas oo ka dhigan in gudaha Mareykanka bartilmaameedsiga Madaxaweynuhu fududayn karto xaalado furdaamin-toodu isaga ama jaalashiisa ku adkaatay, maadaama in Madaxweynuhu dil ka badbaadaa ka dhigan tahay khatar ammaan oo waddanka oo dhammi wajihi karo.
Dadka u dhuun daloola dhacdadii xalay, ka dhacday meel aan ka fogayn qolka uu Donald Trump kaga sugnaa Hotelka Washington Hilton ee ayka dhacaysay xafladda cashada wakiil-wareedyada warbaahinta ee Aqalka Cad (The White House Correspondents Association Dinner) waxa ay qabaan iney ahayd mid laqorsheeyay, ujeeddo khaas ahna laga lahaa’.
Dadka ka faalooday dhacdadan oo warbaahinta siyaasad ahaan bidixda u janjeerta iyo faalleeyayaal madax bannaan u badani waxay qabaan in Trump dhacdadan uga gollahaa meel-marinta dhismaha qolka uu ugu yeeray (Ballroom) uu doonayo inuu ka dhex taago Aqalka Cad, ee uu dhismihiisa bilaabay isla waagii uu kursiga ku soo noqday, hase ahaate uu sii waddidda dhismihiisa laalay garsooraha heer Federaal ee lagu magacaabo Richard Leon, kaas oo tallaabada Trump qolkan ku dhisayo ku sheegay mid u baahan meel-marin sharci ah oo ka timaadda Aqalka Congress-ka.
Garsooraha xannibay sii waddidda dhismaha Hall-kan ayaa lacagta ku baxaysaa oo lagu sheegay $400 million oo dollar ugu yeeray mid shuruucda baal-marsan, una baahan in sharciyad loo helo kahor inta aan lagu TAKRI-FALIN, sida uu sheegay.
Waa maxay The Ballroom?
Dhismaha cusub ee Trump ku magacaabay (The Ballroom) waxa uu ka kooban yahay (Bunker) ama god dhulka hoos tiisa ah oo madaxda la gelin karo haddii qalalaase amni dhaco, baaritaan teknolojiyadeed oo heer-sarreeya, ilaa nidaamka guud ee qolka oo u diyaarsan mid sugidda amnigiisu naqshad ahaan sarreeyo.
Isku dayga dil ee la fashiliyey ee la wariyey in xalay Trump ka badbaadey oo fulintiisa loo qabtay nin lagu magacaabay Cole Tomas Allen oo 31-sano jir ah, dad badani waxay qabaan inuu ahaa mid Madaxweynaha Mareykanku ku xoojinayo doonistiisa yagleelidda qolkan khaaska ah – Isla isaga ayaa dhacdadan kaddib warbaahinta u sheegay “Tani waa sababta aannu ugu baahannahay dhisidda qol weyn oo ammaan ah. Waa sababta aynu ugu baahannahay dhammaystirka dhismaha (The Ballroom).”
Isku xirka hadalka Trump, doonistiisa ah in kulamada noocan ah guud ahaan laga wareejiyo Hotelka Washingtown Hilton oo haatan lagu qabto, iyo doonistiisa xooggan ee uu doonayo inuu kaga adkaado garsooraha diiday mashruuciisa dhismaha Ballroom, waxay bidhaaminayaan in weerarkani ahaa mid kale oo ujeeddo khaas ah laga lahaa, aanna ahayn weerar uu si iskiis ah u abaabuley qofka fulintiisa haatan ku eedaysan.
Madaxweynaha Mareykanka waxaa looga bartay ku adkaysiga go’aannadiisa shaqsiga ah iyo dagaalka uu la galo shaqsiyaadka diida sharci ahaanta tallaabooyinkiisa doonistiisa oo keli ah ku dhisan. Waxana falleeyayaashu qabaan in tani tahay dagaal u dhexeeya Trump iyo garsoore Richard oo uu doonayo inuu uga adkaado laaliddiisa dhismaha qolkan.
Mid kale oo shakigan xoojisey ayaa ah in Madaxweynaha Mareykanku sheegay in ninkan isku daygan fuliyey uu la dhibtoonayo xanuun dhanka maskaxda ah, taas oo kaalmayn doonta in wakhtii aan fogayn uu ninkani xorriyaddiisa dib u helo!
Kaddib joojinta xafladda cashada wariyeyaasha oo lagu kala tegey dhacdada kaddib, waxaa Aqalka Cad ballan-qaaday inla qaban doono iyadoo qaban qaabadeedu ka ballaaran tahay tan xalay baaqatay, taas oo loo qaatay in Trump qorshaynayo inuu cashadan tan xigta ku qabto qolka uu dhismihiisa u dagaallamayo.

