Warbixin cusub oo ay daabacday warbaahinta NY Post ayaa banaanka keentay qaabka uu dalka Imaaraadku u ahaa maskaxda dilalka qorshaysan ee ka dhacayay dalka Yemen. Imaaraadka ayaa horraantii 2015 ku biiray olalaha xasilinta dalka Yemen oo uu hormuud u ahaa Sucuudigu.
Ujeedada hawlgalka loo qaaday ayaa ahayd inuu meesha looga saaro dagaalkii sokeeye ee u dhaxeeyay qaybaha kala duwan ee Yemen, lana soo celiyo dowladnimadii Yemen. Hase yeeshee deddaalkaas ayaa fashilmay kaddib ficillo argagax lahaa oo dalka Imaaraadku ka fuliyay dalka Yemen.
Kasokow in ciidamada Yemen ay galeen gaboodfallo u gaar ah, haddana waxaa naxdinta leh ayaa ah in ay soo kiraysteen Calooshood u shaqaystayaal ajnabi ah oo fuliya dilal qorshaysan, laayana haldoorka reer Yemen. Waxaa kasii darran in dadka dhiigooda la banaystay lagu sheegayay in yihiin argagixiso, mararka qaarkoodna lagu shaanbadaynayay in argagixisada ay dishay.
Baaritaanka NY Post ayaa soo bandhigay shirkad u kiraysnayd Imaaraadka oo malaayiin doolaar ku qaadanaysa madaxyada dadka ay disho. Waa dhacdo wayn oo adduunka idil laga hadal hayo sida ay Abu Dhabay u noqotay kawaanka dadka Yemen.
Hawlgalladan oo si qarsoodi ah looga fuliyay gudaha Yemen, ayaa lala beegsanayay siyaasiyiin iyo dad rayid ah, iyadoo qandaraaskaas ay bixisay dowladda Imaaraadka Carabta.
Dukumiintiyada la helay ayaa muujinaya in Abraham Golan oo u dhashay dalka Hungary iyo Isaac Gilmore oo ahaa askari hore oo ka tirsan guutada Navy Seal, ay sanadkii 2015 aasaaseen shirkad la yiraahdo Spear Operations Group.
Shirkaddan ayaa heshiis kula gashay madaxda Imaaraadka Carabta gudaha magaalada Abu Dhabi inay fuliyaan “dilal qorshaysan” oo lala beegsanayo dadka ay Imaaraadku u arkaan inay caqabad ku yihiin danahooda.
Waxaa kulankaas fududeeyay oo qayb ka ahaa Maxamed Daxlaan oo ah siyaasi hore oo Falastiini ah, haddana ah la-taliyaha sare ee Madaxweynaha Imaaraadka.
Heshiiskan ayaa lagu galay in shirkaddu ay bishii heli doonto lacag dhan $1.5 milyan oo doollar, iyadoo loo raacinayo gunnooyin dheeraad ah mar kasta oo ay si guul leh u dilaan qof ku jira liiska loo dhiibay.
Beegsiga Xubnaha al-Islaax
Mid ka mid ah isku-dayadii dil ee ugu caansanaa oo ay kooxdan fulisay wuxuu ahaa isku-daygii lagu khaarajin lahaa Anssaf Cali Maayo oo ka tirsan hoggaanka xisbiga al-Islaax. In kasta oo uu Maayo ka badbaaday weerarkaas, waxaa gaaray dhaawacyo helis geliyay naftiisa.
Sida ku cad warbixinta NY Post Anssaf wuxuu hadda dacwad ka dhan ah Golan iyo Gilmore u gudbiyay maxkamadaha Maraykanka, isagoo sheegay inuu weli la nool yahay dhaawacyo nafsi ah. Sida ku cad qoraal maxkamadeed oo ay aragaty NY Post Golan ayaa qirtay inuu ku lug lahaa hawlaha dilalka qorshaysan oo uu lacag ka qaadan jiray Imaaraadka.
Baaritaannada ayaa muujiyay in calooshood-u-shaqeystayaashu ay kireeyeen saraakiil kale oo Mareykan ah, sida Dale Comstock, kaas oo isna lagu siin jiray $40,000 bishii si uu u hoggaamiyo kooxda fulinta ee ku sugan gudaha Yemen.
Xaqiiqooyinka dadka loo dilay Argagixiso ahaan
In kasta oo Imaaraadku ay ku doodeen in hawlgalladan ay ku beegsanayeen xubno argagixiso ah, ururka xuquuqda aadanaha ee Reprieve ayaa helay natiijo ka duwan. Baaritaan lagu sameeyay 160 dil oo dhacay intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2018, waxaa soo baxday in 23 qof oo kaliya ay xiriir la lahaayeen kooxaha hubeysan. Inta kale waxay ahaayeen siyaasiyiin iyo dad u dooda xuquuqda aadanaha oo aan wax dambi ah gelin.
Waxaa intaas dheer in baaritaan kale oo ay sameysay BBC-da uu kashifay in Imaaraadku ay sidoo kale qorteen xubno hore uga tirsanaan jiray kooxda al-Qaacida si ay uga garab shaqeeyaan calooshood-u-shaqeystayaasha Mareykanka iyo ciidamada ku xidhan Imaaraadka ee koonfurta Yemen kusugnaa.
Shaqadan calooshood-u-shaqeystayaashu waxay ka dhex abuurtay Yemen jawi cabsi iyo ammaan-darro ah, iyadoo dadka reer Yemen ay aaminsan yihiin in ujeedka laga lahaa uu ahaa in lagu wiiqo cududda siyaasadeed ee dalkaas. Hadda oo ay arrintan maxkamadaha gaartay, waxaa soo baxaya xog badan oo muujinaysa sida hantida iyo tababarka ciidan ee reer galbeedka loogu adeegsaday in lagu burburiyo nolosha muwaadiniin aan waxba galabsan.

