Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Keddib markii lasoo afjaray dagaalkii magaalada Baydhabo, ayaa maanta Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, wuxuu khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada, isagoo faahfaahiyay dagaalkii ka dhacay magaalada, jihooyinkii ku lug lahaa, khasaaraha ka dhashay iyo tallaabooyinka ay qaadayaan.

Wuxuu markii ugu horreeysay caddeeyay in Wasiirka Maaliayadda Koonfur Galbeed Axmed Maxamed Xuseen uu kamid noqday dadkii ku dhaawacmay shaqaaqooyinkii magaalada Baydhabo. Inkasta oo warkaasi bannaan yaal ahaa, haddana waa markii ugu horreeysay ee si rasmi ah uu u sheego maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirku wuxuu ku sugnaa gurigiisa xilliga ay xabaddu haleeshay.

Laftagareen ayaa sheegay in Ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen hub badan oo culus, taasoo uu ku sifeeyay in abaabulkan uu muddo hal sano ah ka badan socday, laakiin ay Dowladdiisu wax badan xeerisay, dadkana u turtay si aan shacabka dushiisa loogu dagaallamin, la iskuna dayay in loo caqli celiyo dadkii ku lug lahaa.

Khasaaraha wuxuu ku sheegay in midka shacabka kooban yahay, hase yeeshee in maleeshiyaadkii is uruursaday dhib wayn la gaarsiiyay. Maleeshiyaadka Meesha lagu uruuriyay wuxuu ku tilmaamay in ay 100 ka badnaayeen kuwaas oo qaar la qabtay, qaar la dhaawacay, intii hartayna ay ka carareen magaalada Baydhabo.

Khasaaraha shacabka gaaray wuxuu sheegay in laba carruur ah iyo qof waayeel ah ay ku dhinteen. Balse ay jiraan dhaawacyo fudud oo isbitaalka tagay, iyaguna ka maamul ahaan ay la soconayaan si dadkaas gacan loogu fidiyo. Wuxuu ka tacsiyaeeyay dadkii ku geeriyooday, isaga oo ku tilmaamay in wiilasha labada dhinac ku dhintay “kugu dhimay, kaa dhimay” oo uu ula jeedo in dad walaalo ah ay meesha ku geeriyoodeen.

Khudbadda la faafiyay laguma xusin farriinta uu Dowladda Federaalka u diray. Hase yeeshee, masuuliyiin ka qebgalay Salaadda Jimcaha waxay noo sheegeen inuu Dowladda Federaalka u jeediyay in ay masuuliyad la timaado, dadkii ka damabeeyayna in ay tallaabo ka qaado. In kasta oo uusan toos Dowladda u weerarin oo uu hadalkiisu maldahnaa, haddana kama dhuuman inuu caddeeyo in gudaha xukuumadda dhexdeeda hawlo ka dhan ah ka socdeen taasoo loo fahmi karo inuu farta ku fiiqayo Wasiirka Xannaadada Xoolaha Xasan Xuseen Eelaay oo ah ninka gurigiisa laga soo qabtay agabka ciidan iyo baabuurta dagaalka.

Dhanka ciidamada, wuxuu bidhaamiyay in dhaqaale lagu bixiyay kala furfurka ciidamada jiidaha hore ku jira ee cadawga Al Shabaab la dagaallamaya balse ay shaqeyn waysay isku daygaas. Wuxuu intaas raaciyay in dhallinyaradii la soo khalday ay cafis yihiin, laakiin hadda wixii ka dambeeya inaan qofkii falal amni darro ah lagu helo aan loo cafin doonin.

Malaaqyada iyo odayaasha dhaqanka wuxuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan in ay wiilasha la khaldayo ka waaniyaan burburinta amniga Koonfur Galbeed, haddii ay celin waayaana inaan barri Dowladda Koonfur Galbeed loogu imaanin in hab beeleed loogu doodo.

Wuxuu kula dardaarmay shacabka magaalad Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed inaan guri laga kireyn karin qof qaswade ah, ciddii ay ka kireeynayaana ay lasoo socodsiiyaan laamaha amniga Dowladda Koonfur Galbeed.

Wixii intaas kusoo kordha iyo xogta la xiriirta dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka soca Baydhaba iyo Muqdisho halkan kala soco.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More