Itoobiya ayaa ku eedeysay Ereteriya inay qorsheyneyso dagaal cusub oo ka dhan ah Itoobiya, sidoo kalena ay ku garab is taagayso kooxda TPLF. Eedeyntan ayaa sare u qaaday xiisadda labada dal ee deriska ah, iyadoo muranka ugu weyn uu ka taagan yahay marin-biyoodka badda Cas.
Warqad rasmi ah oo ay Itoobiya u dirtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayay ku sheegtay in xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Ereteriya iyo TPLF uu noqday “mid si cad u muuqda bilihii u dambeeyay.” Dhanka kale, Ereteriya ayaa maanta diiday eedeynta Itoobiya ee ah in ay isu diyaarinayso dagaal, iyadoo ku tilmaantay “hadal dagaal oo kicin ah
Xiriirka labada dal ayaa muddooyinkan sii xumaaday, maadaama Itoobiya ay dooneyso inay dib u hesho marin u sahla in ay ka faa’iideysato badda Cas, taas oo ay Ereteriya gacanta ku haysay tan iyo markii ay ka go’day Itoobiya sanadkii 1993.
Labada dal ayaa hore ugu dagaallamay dagaalkii xadka ee 1998 ilaa 2000, kaas oo sababay dhimasho badan iyo xiisado aan weli si buuxda loo xallin. Hadda, eedeyntan cusub ayaa soo nooleysay cabsi laga qabo in mar kale ay colaado dib uga qarxaan Geeska Afrika.