Warbixin sir ah oo ay baahiyeen mareegaha Defence Blog, Defence Mirror iyo Global Defence ayaa isku raacay inay Itoobiya noqotay dalkii saddaxaad ee si rasmi ah u helaya diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad ee Ruushka ee lagu magacaabo Sukhoi (SU) oo ah kuwa ugu casrisan ee dalkaasi farsameeyo.
Sida xogta la helay sheegayso Itoobiya ayaa loo ogolaaday in loo raro diyaaradahan iyo agabkooda, kaddib heshiis dhexmaray labada dal ee Ruushka iyo Itoobiya, sida lagu arkay waraaqo sir ah oo ka baxay shirkadda Rostec.
Itoobiya ayaa gudbisay dalabka 6 diyaaradood oo kamid ah SU-35, waxayna helaysaa muddo ku siman 16 ilaa 48 bilood oo ka bilaabanaya marka ay bixiso lacagta ugu horreeysa ee iibka.
Aljeeriya ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee hela iibka diyaaradahan, waxaana la sheegay in qaybtood oo ah nooca SU-34 ay xilli horeba gaareen dalkaas. Nooca casriga ah SU-57 ayaa sidoo kale loo rarayaa dalkaas ka hor 2026.
Iran oo ah dal iskaashi difaac kala dhaxeeyo Ruushka ayaa dhankeeda helaysa tiro badan oo kamid ah diyaaradahan ilaa 48 xabo oo SU-35 ayaa u dalban sida la baahiyay.
Dhammaan heshiisyada ayaa la sheegay in Ruushku la galay dalalkan waqti isku dhaw oo ah bilowgii dagaalka Yukrayn. Iibsiga Itoobiya ee diyaaradahan ayaa loo arkaa inuu wax wayn ka baddalayo saamaynteeda ciidan ee gobolka, waxayna Addis Ababa noqonaysaa awood gobol oo rasmi ah oo hawlgalo la fulin karta masaafo aad uga fog dhulkeeda haddii ay hesho diyaaradahan Ruushka ee aadka loo qiimeeyo.
Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ee Sukhoi (Su-35 iyo Su-57) ayaa loo arkaa kuwo aad ugu xoog badan dagaalka hawada dhow, iyagoo leh xawaare sare iyo leex-leexad heer sare ah. Hase yeeshee, diyaaradahooda ayaa laga sheegaa inay ku hooseeyaan dhanka tiknoolajiyada casriga ah marka loo barbardhigo kuwa Mareykanka sida F-22 iyo F-35, kuwaas oo ku fiican sirta dhuumashada (stealth) iyo weerarada fog-fog.
In Ethiopia ay hesho diyaaradaha Sukhoi waa fariin ay u dirayso dalalka gobolka oo ay Soomaaliya ku jirto.