Madaxweynaha Soomaaliya, Raysal Wasaare Xamse iyo Wafdigii ka soo laabtay maanta Kismaayo iyo qayb kamid ah Golaha Wasiiradda ayaa shir dheer maanta gelinkii danbe ku yeeshay Villa Soomaaliya.
Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in kulanka looga tashanayay sidii go’aan looga qaadan lahaa arrinta Jubaland.
Horumar la’aantii shirkii Kismaayo ku dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo Hoggaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa keentay in maanta iyo caawa ay laba kulani qabsoomaan.
Madaxweyne Xasan ayaa xubnaha ka qaybgalay shirka xog ka siiyay wixii isaga iyo Axmed Madoobe soo dhexmaray, waxaana uu u sheegay in talada Jubaland ay u taal xukuumadda oo isaga hoggaan uun yahay.
Kulanka koowaad oo socday 2-dii duhurnimo ilaa 4-tii galabnimo ayaa la isku raacay in la dhaqan geliyo qorshaha labaad ee Xukuumadda Federaalka ah, waxaana Madaxweyne Xasan uu Raysal Wasaaraha iyo kooxdiisa u sheegay in keenaan farsamdii lagu suuragelin lahaa dhismaha maamul sharciyad dowladeed leh.
Kaddib kulankii maanta, waxaa caawa markale shir kusaabsan arrimaha Jubaland ka socdaa xafiiska Raysal Wasaaraha, waxaana hoggaaminaya Raysal Wasaare Xamse, xubno u badan reer Jubaland ayaa jooga kulanka.
Raysal Wasaare Xamse oo burburkii Wadahadalkii Kismaayo uu siiyay fursad ayaa u muuqdo inuu qaadanayo kaalin siyaasadeed oo ku aaddan Jubaland.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa u muuqata inay hore ka qaadatay go’aan ku saabsan Jubaland, waana dhismaha Jubaland-ta Gedo oo hakad gashay todobaadyadii lasoo dhaafay, kaddib markii ay soo baxeen Wadahadalkii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubaland oo maanta gelinkii hore lagu soo kala tagay.