Safarka Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshaysnaa Jimcaha, wafdiga hordhaca ah iyo ilaaladiisa ayayna ahayd inay maanta tagaan Kismaayo, hase ahate weli ma aysan safrin.
Ilo xogeed aad ugu dhaw safarka Madaxweynaha ayaa inoo sheegay inay caqabadda haysta socdaalka wafdiga Madaxweynaha ay tahay iyada oo aan la qaadin tallaabooyin hordhac u ahaa safarka Madaxweynaha.
Sida qorshaha uu ahaa Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga sugayay inay soo saarto waraaq ay ku caddaynayso mowqifkeeda ku aaddan muddo xileedka Axmed Madoobe.
Jubaland ayaa doonaysa in wadahadalka Kismaayo uu ka madaxbanaanaado wax ku saabsan doorashadii uu kusoo baxay iyo sharciyaddeeda.
Qodobkan ayaa la aaminsan yahay in gadaal lagaga soo daray wadahadalka, kaddib kulamadii dhexmaray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe sida aan ku baahinnay warbixinnadii hore ee Somali Stream.
Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegaysa in safarka Madaxweyne Xasan dib u dhacay, waxaana dhanka Axmed Madoobe ka jira cagajiid wayn oo ku aaddan tegistiisa Kismaayo.
Saaxiibo ku dhow ayaa inoo sheegay in laga yaabo in hoggaamiyaha Jubaland uu Kismaayo tegi karo keddib maalinta Isniinta, taas oo kadhigan haddii ay dhacdo in qorshihii hore ee safarka uu meesha ka baxay.