Qorshaha Trump ee 20-qodob ah ee Joojinta Dagaalka Isreal ee Gaza
1. Qaza waxay noqon doontaa deegaan ka caagan xagjirnimada iyo argagixisada oo aan khatar ku noqon deriskeeda.
2. Qaza dib ayaa loo horumarin doonaa si ay u bixiso adeegyo ku haboon dadkeeda oo dhib badan soo maray.
3. Haddii labada dhinac (Isra’iil iyo Xamaas) ay oggolaadaan soo jeedintan, dagaalku waxa uu joogsan doonaa isla markaasba. Ciidanka Isra’iil waxay dib ugu guranayaan khad lagu heshiiyo si loogu diyaar garoobo sii deynta maxaabiista. Muddadaas waxaa la hakinayaa, dhammaan howlgalada milatari oo ay ku jiraan duqeymaha cirka iyo madaafiicdu ilaa la xaqiijiyo shuruudaha bixitaanka ee marxaladaha xiga.
4. 72 saacadood gudahood laga bilaabo marka Isra’iil si rasmi ah u aqbasho heshiiska, dhammaan maxaabiista – kuwa nool iyo kuwa dhintayba – waa in la soo celiyaa.
5. Marka la soo daayo dhammaan maxaabiista ay Xamaas haysato, Isra’iil dhankeeda waxay sii deyn doontaa 250 maxbuus oo xukun xabsi daa’in ku jiray, iyo 1,700 oo reer Qaza ah oo la xidhay wixii ka danbeeyey 7dii Oktoobar 2023, oo ay ku jiraan dhammaan haweenka iyo carruurta la xidhay. Sidoo kale, mayd kasta oo maxbuus Israa’iili ah oo la soo celiyo, Isra’iil waxay ku beddeli doontaa maydadka 15 reer Qaza ah.
6. Marka dhammaan maxaabiista la soo celiyo, xubnaha Xamaas ee ballanqaada wada noolaansho nabadeed isla markaana aqbala inay hubkooda dhigaan, waxaa loo oggolaan doonaa cafis guud (amnesty). Xubnaha Xamaas ee doonaya inay ka baxaan Qaza, waxaa loo samayn doonaa marin nabdoon oo dalalka qaabilaaya lagu gaadhsiiyo.
7. Isla marka heshiiska la aqbalo, gargaar buuxa ayaa si degdeg ah loo soo gelin doonaa Qaza. Gargaarkaasi ugu yaraan wuxuu la jaanqaadi doonaa laguna saleynayaa qaddarka heshiiskii 19kii Janaayo 2025 uu dhigayey, oo ay ku jiraan: dib u dhiska kaabayaasha sida biyaha, korontada, bulaacaddaha, cusbitaalada iyo moofooyinka rootiga, iyo qalabka lagama maarmaanka ah ee lagu nadiifiyo qashinka laguna furayo waddooyinka.
8. Qaybinta gargaarka Qaza, waxaa loo fulin doonaa si aan faragelin uga imanin labada dhinac, iyadoo loo marayo Qaramada Midoobay, Ururka Bisha Cas iyo hay’ado kale oo caalami ah oo aan dhinacna ku xidhnayn. Furitaanka xadka Rafax (Rafah crossing) ee labada dhinac wuxuu raaci doonaa habkii hore ee lagu dejiyey heshiiskii 19kii Janaayo 2025.
9. Qaza waxaa xukumi doona maamul ku-meelgaadh ah – guddiyo farsamo oo Falastiiniyiin ah oo aan siyaasad shuqul ku lahayn (technocratic committee), kuwaas oo ka masuul noqon doona adeegyadii maalinlaha iyo adeegyada bulshada. Guddigan waxaa la socon doona kormeer caalami ah oo cusub oo la yidhaahdo “Golaha Nabadda” (Board of Peace), oo uu hoggaamin doono Madaxweyne Donald J. Trump, iyadoo xubno kale oo dalal kale ka madax ahna lagu soo dari doono, oo uu ku jirto Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK, Tony Blair. Guddigan ayaa sameyn doona qaabka dib u dejinta Qaza iyo maalgelinta ilaa Maamulka Falastiini (PA) uu awood buuxda u yeesho inuu si ammaan ah ula wareego maamulka Qaza.
10. Waxaa la sameyn doonaa Qorshaha Trump ee horumarinta dhaqaalaha Qaza, iyadoo khubaro horay uga shaqeeyay dhisidda magaalooyinka casriga ah ee Bariga Dhexe la iskugu keeno. Qorshahan ayaa soo jiidan doona maalgashi caalami ah si loo abuuro shaqooyin, fursado iyo rajada mustaqbalka Qaza.
11. Waxaa la dhisi doonaa aag dhaqaale oo gaar ah (special economic zone), oo leh cashuuro iyo qaabab ganacsi oo fudud iyadoo la la heshiinayo dalalka qaybta ka noqonaya.
12. Qofna khasab lagama saari doono Qaza. Qofka doonaya inuu ka baxo waa u xor xiliga uu doonana wuu ku soo noqon doonaa. Waxaa la dhiirrigelin doonaa dadka inay joogaan oo ay qayb ka noqdaan dib u dhiska mustaqbalka Qaza.
13. Xamaas iyo kooxaha kale looma oggolaan doono inay door ku yeeshaan maamulka Qaza, si toos ah ama dadban. Dhamaan kaabayaasha ciidan, iyo kuwa weerar oo ay ku jiraan godad iyo warshadaha hubka waa in la burburiyaa dibna looma dhisi karo. Waxaa hub ka dhigis lagu sameynayaa dhammaan shacabka reer Gaza iyada oo kormeerayaal caalami ah ay sugaan. Waxa kale oo la sameynayaa barnaamij caalami ah oo dib loo ga iibsanayo hubka isla markaasna la gu abuurayo is dhexgal bulsho iyo jewi nabdoon.
14. Dalalka deriska ayaa bixin doona dammaanad qaad si loo hubiyo in Xamaas iyo kooxaha kale ay waajibaadkooda gutaan, isla markaana Qaza-da cusub aanay khatar ku noqon deriskeeda iyo dadkeeda.
15. Mareykanka oo kaashanaya dalalka Carabta iyo kuwa kale ee caalamiga ah waxa ay dhisi doonaan Ciidamada Caalamiga ee Xasilinta Ku Meel-Gaadhka ah oo si degdeg ah loogu soo raro doono Qaza. Ciidankaas oo tababari doonaa boolis Falastiin ah oo la hubiyey, isaga oo ay kala shaqeyn doonaan Masar iyo Urdun. Ciidankan wuxuu sidoo kale la shaqeyn doonaa Isra’iil iyo Masar si loo sugo xuduudaha, looga hortago hubka iyo qaraxyada soo gala, loona fududeeyo qulqulka badeecadaha iyo dib-u-dhiska Qaza.
16. Isra’iil ma qabsan doonto mana ku dari doonto Gaza dhulalka ay haysato. Ciidanka Isra’iil waxay si tartiib tartiib ah u bixi doonaan Gaza iyadoo la raacayo jadwal lagu heshiiyey oo ku xidhan hub-ka-dhigista Xamaas. Isra’iil waxay aagga ay ku sugan tahay ugu wareejin doontaa Ciidamada caalamiga ah, ilaa gebi ahaanba ay uga baxdo Qaza, marka laga reebo goob amni oo yar oo ay sii joogto inta amniga Qaza si buuxda loo xaqiijinayo.
17. Haddii Xamaas dib u dhigto ama diido soo jeedintan, qodobada kor ku xusan, oo ay ku jirto hawlgelinta gargaarka, waa la sii wadi doonaa aagagga Isra’iil ku wareejiso ciidamada caalamiga.
18. Waxaa la abuuri doonaa geedi socod wadahadal diimeed oo isdhexgal ah (interfaith dialogue) oo ku salaysan dulqaad iyo wada-noolaansho, si loo beddelo maskaxda iyo sheekooyinka Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta ee colaada ku saleysan, iyadoo la muujinayo faa’iidooyinka nabadda.
19. Inta dib-u-dhiska Qaza socdo oo barnaamijka dib-u-habeynta Maamulka Falastiini si daacad ah loo fuliyo, waxaa suuragal noqon kara in la helo dariiq dhab ah oo lagu gaaro ismaamul iyo dawladnimo Falastiini, taas oo loo arko himilada shacabka Falastiin.
20. Mareykanku wuxuu dejin doonaa wadahadal rasmi ah oo u dhexeeya Isra’iil iyo Falastiin si loo helo aragti siyaasadeed oo cad oo ku saabsan wada-noolaansho nabadeed iyo barwaaqo mustaqbalka.

Subscribe
Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily
Most Viewed
- ENG
- SOM