Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hortagay Baarlamaanka Soomaaliya si u furo kalfadhiga 7aad ee Labada Aqal. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kuleh furitaanka Baarlamaanka khudbad dastuuri ah ayaa sameeyay hadal jeedin la sugayay.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka, kala aragti duwaanaanta mucaaridka iyo madaxtooyada, burburka Golihii Wadatashiga Qaran, xiriir la’aanta Puntland iyo Jubaland, dagaalka aragagixisada iyo xiisadaha gobolka ee caalamka ayaa si wayn looga sugayay khudbadda Madaxweynaha inay ka hadasho iyo xalka uu hayo Madaxweyne Xasan.

Inkasta oo Madaxweynuhu uu meelaha qaar taataabtay, haddan hadalkiisa ayaa u badnaa sarbeeb, isagoo si wayn isaga ilaaliyay inuu daboolka ka wada qaado.

Warbixintan waxaan miisaan ku saaraynaa saddax qodob oo Madaxweynuhu ka hadlay waxqabadka xukuumadiisa, wadahadalka dadka ka aragtida duwan iyo waxa uu ka tagay.

1- Libinta uu sheegtay Madaxweynuhu?

Amniga Muqisho

Daqiiqadaha ugu badan Madaxweyne Xasan ayaa ka hadlay sida maamulkiisa uu wax uga qabatay amniga guud ee dalka, hase ahaate marka kafad la saaro waxqabadka muuqdo ee amni, waxaa soo baxaysa in Dowladdu ku amaanantahay xasillinta Muqdisho. Si guud amniga dalka wax badan oo horumar ah lagama samayn marka la qaato celcelis ahaan.

Dhanka kale majirto adeeg bulsho oo dowladdu bixiso ama soo kordhisay oo Madaxweynuhu xusay, lagama hadal musuqmaasuq oo khudbadihii hore ee Madaxweyne aad ugu badnaa inuu wax ka qabanayo. Malaha waxaa Madaxweynuhu ogsoonaa in dhulkii danta guud gacantiisa ku maqan yahay.

Labada qodob ee waxqabad sheegasho ee ku cusbaa khudbada Madaxweynaha ayaa ahaa qodista shidaal iyo inuu samada u dirayo dayax gacmeed. Waa labo qorshe oo ku xiran ammaan iyo heshiis siyaasadeed, balse masheegin sida ay u hirgalayaan.

2. Qodobka uu ka xeeladeystay?

Siyaasadda loo dhan yahay

Soomaalida inta badan ayaa isku raacsan in ay dadka soomaaliyeed ku kala tageen siyaasadda oo lagu heshiin waayay taas oo horseed qaran jab dhalay is-aaminaad la’aan. Xilligan Soomaaliya ayaa taala isgoys halis ah oo u baahan maarayn qaran iyo wadarjir bulsho. Madaxweyne Xasan Khudbadiisa waxay ahayd inuu ku sheego qorshaha dowladiisa ee ugu degsan tiirka siyaasadda loo dhan yahay. Waxay ahayd inuu caddeeyo kaalinta xukuumadda, doorka mucaaridkiisa, iyo booska bulshada rayidka.

Qodobkan waxaa hoos yaal doorashooyinka guud ee dalka iyo kuwaa Dowlad Goboleedyada oo Madaxweynuhu ku gudban yahay. Madaxweyne Xasan masoo hadal qaadin doorashada Dowlad Goboleedyada qodob si wayn looga dhawrayay, maadaama aysan jirin jid doorasho oo heshiis lagu yahay.

Dhanka kale, ka sakow Madaxweynaha inuu sheegay in doorasho qof iyo cod ah la aaday, haddana majirto heshiis doorasho oo la isla qaatay. Waa sheegasho gaar ah oo dhaawacan, maadaama uusan haysan aqbalaad siyaasadeed iyo ogolaansho bulsho.

3- Fasiraadda Wadahadalka uu sheegay

Sidii aan baahinay waxaa socda heshiisiin shisheeye garwadeen ka yahay oo loogu kala dabqaadayo madaxda Maamulada Puntland iyo Jubaland iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Hadalkiisa maanta waxaa uu ku sheegay in waxkasta ay heshiis ku xallinayaan oo aysan xoog aadayn. Masheegin Madaxweyne Xasan heerka wadahadalku marayo. Mid ay dad badan isdiidsanayaan ayaa ah in hal abuurka wadahadalka ay leedahay Madaxtooyada, iyado oo rabto inay ku iibgayso qorsheehada doorasho ee halka dhinac ah.

Madaxtooyada waxay waqti gelinaysaa heshiis gaar ah oo ay la gasho Jubaland maadaama ay labada dhinacba samaynayaan tanaasul. Villa Somaliya waxay ka tagaysa waxkasta oo lid ku ah Kismaayo, halka Jubaland laga rabo inay laqdo kiniinka doorasho ee Madaxweynaha. Waana taas sababta uu Madaxweynuhu uusan si dhab ah ugu sheegin cidda lala hadlayo ama xooggii xeelad loogu baddalay.,

Dhanka Puntland iyo heshiis lala galo, Madaxweyne Xasan ayaa u arko inay tahay dheeraad, hase ahaate aysan waqtigan muhiim ahayn, maadaama ay Puntland nidaamkeedii doorasho gaar u yahay.

Madaxweyne Xasan waxaa uu si wayn u difaacday Waqooyi Bari iyo dhismaha maamulkaas, keliya uma sheegan libta maamul dhiska inay u noqoto waxqabad xukuumaddeed ee waxaa ku hoos jiray inay u tahay gaashaan siyaasadeed oo ugu duur xulayo Puntland. Culays kasta oo la saaro waxaa uu diyaar u yahay inuu dusha saarto.

Marka la eego qaab wadahadalka Madaxweyne Xasan Sheekh u wajahayo Puntland iyo Jubaland waxaa muuqata inay tahay macaamil isku mid ah iyo natiijo kala duwan. Madaxweynaha ayaa doonayo inuu miiska wadahadalka la fadhiisto labada dhanba, hase ahaate heerka tanaasulka iyo wax isdhaafsiga ayaa kala duwan sida ay s ida ay dhinacyo aad ugu dhow Madaxweynaha ay inoo xaqiijiyeen.

Si kastaba hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta jeediyay waxa uu ahaa mid aan gaarsiisnayn filashadii laga qabay, marka la eego ajandayaasha qaran ee horyaalla, hase ahaate waxaa la diidi karin in Madaxweyne Xasan jeediyay khudbad ka kooban kuwiisii hore si aan hore loo aragna hadal hayn dhalisay.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More