Amir Amiry, oo ah muwaadin Maraykan ah oo sagaal bilood ku xidhnaa Afghanistan, ayaa la sii daayay kadib wadaxaajood u dhaxeeyey Taliban iyo Mareykanka oo ay dhex-dhexaadisey Qatar. Waxa uuna noqday muwaadinkii shanaad ee Maraykan ah ee sanadkan ay Taliban ku sii deyso gorgortan. Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka, Marco Rubio, ayaa u ga mahadceliyay Qatar dadaalka diblomaasiyadeed iyo kaalinta dhexdhexaadnimo ee ay ka qaadatey muwaadiniinta Mareykanka ah oo uu sheegey in si cadaalad darro ah u haysato Taliban; inkasta oo aan la cadeyn sababta rasmiga ah ee loo xidhay Amiry.
Qatar ayaa bilowday wadaxaajoodka Amiry bishii Maarso, waxayna ku guuleysteen heshiiska usbuucan. Sii deyntan ayaa ka dambaysay tallaabooyin hore oo is dhaafsi maxaabiis ah iyo sii deyn muwaadiniin kale oo Maraykan iyo British ah, dhammaantoodna Qatar ayaa kaalinta dhexdhexaadinta qaadatay. Maraykanku wuxuu sheegay in weli ay jiraan muwaadiniin kale oo si ugu xidhan Afghanistan.