Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warbaahinta u sheegay in aanu oggolaan doonin dhul-ballaadhinta Israa’iil ee Daanta Galbeed (West Bank); qorshe ay ku hawlan yihiin xukuumadda Benjamin Netanyahu iyo xulafadiisa midigta fog. “Ma ogolaan doono in Israel fidsato dhulka daanta galbeed, wax dhacayana ma aha” ayuu ku yidhi Trump, isaga oo muujiyay mowqif lama filaan ah oo ka hor imanaya aragtida siyaasiyiinta xulufada midigta fog ee doonaya inay meesha ka saaraan rajo kasta oo ku saabsan dhismaha dawlad Falastiini ah.

Hadalkan ayaa laga yaabaa in uu abuuro khilaaf diblomaasiyadeed oo hor leh, maadaama Israa’iil si weyn ugu tiirsan tahay taageerada dhaqaale, ciidan iyo sirdoon ee Maraykanka. Khubarada siyaasadda arimaha Bariga Dhexe ayaa tilmaamaya in haddii Maraykanku dhab ahaantii diido qorshahan Israel ku balaadhineyso dhulka ay haysato ee daanta Galbeed, uu ku dhalin karo cadaadis hor leh siyaasad gudaha Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ma caddeynin tallaabooyin dhab ah oo uu qaadi doono si uu uga hortago qorshaha Israa’iil haddii uu ku adkaysto go’aankiisa.

Trump ayaa sidoo kale si kooban u xusay xaaladda Gaza, isaga oo ku tilmaamay “mid aad u xun oo aad u liidata.” Hadalkaas oo muujinayaa in Washington laga yaabo inay dib u eegto kaalinteeda khilaafka Israa’iil iyo Falastiin, taas oo noqon karta isbeddel weyn oo ku yimaadda siyaasadda Maraykanka ee gobolka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More