Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Qadar ayaa maanta oo ah 15ka bisha Sebteembar martigelinaysa shir degdeg ah oo dalalka Carabta iyo Islaamka ah ku yeelanayaan caasimada dalkaas ee Dooxa, kaddib weerarkii Israa’iil ku qaaday isla magalaadaas.

Shirkan oo ah mid degdeg ah o ayaa ka dhashay beegsigii Israa’iil ee hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugnaa Dooxa.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galaya Madaxda dalalka Islaamka iyo Ururka Jaamacadda Carabta. Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kamid ah Madaxda shirka qaybta ka ah oo axadii safar ku tagay Dooxa, iyadoo la xasuusto in madaxda Somalia horey u cambaareysay weerarka lala beegsadey Doxa.

Lama hubo in go’aan wax ku ool ah uu shirkan ka soo bixi doono, maadaama falanqeeyayaashu sheegeen in wax tallaabo ciidan ah aanay suuragal ahayn.

HADABA MAXAA LOOGA HADLAYAA SHIRKA ?

Waxaa xusid mudan in shirkan ay ka qaybgalayaan madaxda dalalka islaamka ah, iyo midawga ururka jaamacada carabta, iyadoo la filayo inaan wax jawaab ah oo Israa’iil ka nixiya kasoo bixi doonin, isla markaasna wax walba ku ekaan doonaan dhaleecaynta falkii ay hore u gaysatay Israa’iil, sida ay qabaan falanqeeyayaasha arrimaha gobolka la socda. Waxayba xilli hore sheegeen inaan la filan karin in hoos u dhac ku yimaado xidhiidhka dubloomasiyadeed ee Telaviv iyo wadamada Islaamka ah.

Si kastaba shirkan ayaa looga arinsan doonaa qodobo dhawr ah oo ay ugu door roonyihiin:

1. Sidii loo sameyn lahaa ciidan wadajir ah
2. ⁠sidii weerarkaas jawaab isku mid ah looga bixin lahaa
3. ⁠Qadiyada Falastiin iyo
4. ⁠in laga arinsado haddii uu yimaad weerar kale oo dhul Islaam lagu ekeeyo iyo falcelinta ay tahay in si wada jir ah loo sameeyo.

Ra’iisul Wasaaraha Qadar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim al-Thani, ayaa hore ugu baaqay beesha caalamka inay joojiso isticmaalka erayada naxariista leh oo ay Isra’1l ugu yeereyso, oo ay si adag ugu canbaareeyaan falkiu argagaixiso oo ay geysteen.

MARAYKANKA OO ISRAA’IIL DHABARKA KU SIDA

Axadii, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in “Qadar ay ahayd xulufo weyn oo Mareykanka ah. Israa’iil iyo cid walba, waa inaan taxadar muujinaa. Marka aan weerarayno, waa inaan si feejigan u weerarnaa.” Ayuu sii raaciyay warkiisa.

Sabtidii oo uu u safrayay Israa’iill, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay “in Madaxweyne Trump uusan jeclaysan sida weerarkii Qadar uu u dhacay”.

Rubio inta uu booqashadiisa ku guda jiro wuxuu la kulmi doonaa hoggaamiyeyaasha Israa’iil, si ay uga wada hadlaan dagaalka ka socda Marinka Qaza iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah Bariga Dhexe.

Duqeyntii Israa’iil ku qaaday caasimadda Qadar, ayaa todobaadkii hore cambaareyn xoogan kala kulantay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Israa’iil ayaa difaacday weerarka, iyadoo Madaxweynohooda Isaac Herzog uu sheegay in tallaabadaasi ahayd “mid lagama maarmaan ah si meesha looga saaro qaar ka mid ah dadka haddii aysan diyaar u ahayn inay heshiis galaan si loo soo afjaro dagaalka.”

Qadar ayaa door muhiim ah ka ciyaartay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, iyadoo u adeegaysay habka dhexdhexaadiye wada xaajoodyo dadban, oo u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.

Sidoo kale, Qadar waxay martigelisay xafiiska siyaasadda ee Xamaas tan iyo 2012, iyadoo isla markaasna xulafo dhow la ah Mareykanka, maadaama uu ku leeyahay saldhig ciidan oo weyn oo ku yaalla saxaraha ku dhow magaalada Dooxa.

Si kastaba ha ahaatee, lama-filaanka laga fili karo shirka Dooxa ayaa ah inay soo saaraan wax dhaafsiisan, Canbaarayn, xalka labada Dowladood, gumaadka hala joojiyo, shirka haloo ballamo iyo in QM baaq loo diro. Waa ereyo madal kasta loogu jeediyo Israa’iil tan iyo maalinkii ay qabsatay dhulka Falasdiin 77 gu’ horteed.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More