Elon Musk, oo ah maalqabeenka dunida, aasaasaha shirkadaha Tesla iyo SpaceX, ayaa si cad uga digay horumarka xad-dhaafka ah ee macmalka ah (AI). Wuxuu yiri: “AI waa khatar aad uga weyn hubka nukliyeerka. Waa inaan si dhab ah uga feejignaanaa.” Wuxuu aaminsan yahay in haddii AI aan si sharciyeysan loo xakameyn, ay halis gelin karto aayaha bini’aadamka.
Stephen Hawking, oo ahaa saynisyahan caan ah oo reer Britain, kuna takhasusay physics-ka iyo cilmi-barista cilmiga cirka, ayaa isna yiri “Horumarka AI-ga wuxuu noqon karaa dhacdada ugu weyn ee taariikhda aadanaha… ama tan ugu dambeysa haddii aan si sax ah loo maamulin.” Wuxuu ku adkeeyay in AI ay tahay awood weyn oo beddeli karta nolosha, laakiin haddii aan laga fiirsan, ay horseedi karto dhammaan burbur.
Geoffrey Hinton, oo loo yaqaan “aabbaha AI-da casriga ah” iyo mid ka mid ah maskaxdii ka dambeysay horumarka deep learning, wuxuu isaga tegay shaqadiisii Google isagoo ka digaya khatarta AI. Wuxuu yiri: “Waan ka tagay Google si aan si xor ah uga hadlo halista AI, ma doonayo in aan sii taageero horumarin aan laga fiirsan.” Wuxuu sheegay in AI ay durba dhaaftay heerkii loo baahnaa, ayna u baahan tahay xeerar iyo xakameyn degdeg ah.
Hadalladaasi waa hadalo digniin ah oo ay AI ka dhaheen dad aqoonyahano iyo dad caadia ahba isugu jira ayagoo ka digaya dhibaatada uu aadaanah ukeeni karo garaadka macmalka ah ama AI. Hadaba muxuu yahay Ai?
Waxay ahayd sanadkii 1956-kii markii saynisyahanno Mareykan ah ay markii ugu horreysay soo bandhigeen fikradda ah in kombiyuutarada la bari karo “caqli” u eg bini’aadamka. Tan iyo markaas, horumarka laga gaaray AI wuxuu noqday mid aan horay loo arag. Qof walba wuu maqlaa maanta: ChatGPT, Midjourney, DALL·E, Siri, Google Assistant dhammaantood waa barnaamijyo AI ah oo nolosheena qabsaday.
Laakiin muxuu yahu AI dhab ahaantii?
AI Waa awoodda uu mashiin ama barnaamij leeyahay oo u saamaxaysa inuu “barto”, “fahmo”, “ka falceliyo”, ama “go’aan ka gaaro” xogta loo geliyo iyadoo aan si toos ah bini’aadam faragelin ugu yeelan.
Tusaale ahaan, barnaamij tarjumaad sameeya, cod falanqeeya, dhammaantood waa tusaalayaal AI ah.
Mustaqbalka Horumarka AI laga Filayo in uu gaaro
“AI wuxuu sababay isbeddel ballaaran oo togan: isbitaallo badan ayaa maanta adeegsanaya garaadka macmalka ama AI si ay u ogaadaan cudurrada waaweyn sida kansarka iyo macaanka (sonkorta). Macallimiin iyo arday ayaa adeegsanaya si ay u helaan casharro ay ubaahnaayeen. Shirkado badan ayaa maanta adeegsanaya AI si ay u falanqeeyaan suuqa, ula socdaan baahida macaamiisha, una horumariyaan nidaamyada shaqo ee gudaha shirkadda.
Inkasta oo garaadka macmalka ah (AI) uu durba si weyn uga muuqdo nolosheena maanta, haddana halka aan maanta taaganahay ma ahan meesha ugu dambeysa ee uu gaari karo. Waxaa si isa soo taraysa loo saadaalinayaa in mustaqbalka dhow, AI uu door weyn ka ciyaari doono qaybaha kala duwan ee nolosha aadanaha.
Waxaana laga yaabaa mustaqbalka dhaw in aynu aragno arimahaan:
Gaari iskiis isku wada, adiguna kaliya aad fariisato iyadoo aan loo baahnayn darawal bini’aadam ah. Daaweyn caafimaad oo shakhsiyeed, taasoo la jaanqaadaysa xaaladda caafimaad ee qof walba si gaar ah. Macallin caqli macmal ah (AI Teacher) oo si shaqsiyeed kuu baraya, adigoo gurigaaga jooga, kuna baraya wax kasta adiga oo la jaanqaadaya fahamkaaga. Iyo xitaa in AI uu la tartami kara maskaxda bini’aadamka, si madaxbannaan u fakaro, u falanqeeyo, una gaaro go’aanno waaweyn.
Khatarta Garaadka Macmalka ah
Horumar kasta wuxuu leeyahay halis. Garaadka Macmalka ah-na sidoo kale wuu leeyahay.
Shaqooyin badan ayaa la filayaa in ay lumiyaan dadka, gaar ahaan kuwa xirfadahoodu fudud yihiin. Tusaale ahaan, adeegyo macaamiil, tarjumaad, ama xisaabiye waxaa si buuxda ula wareegaya AI. Dad badan waxay durba dareemayaan in AI shaqadoodii la wareegayo.
Waxaa kale oo jirta cabsi ah in AI lagu adeegsado been abuur, sida muuqaalada la sameeyo si qof kale loogu ekeysiiyo, codad laga been abuuro, ama xog dadweyne oo la xado.
AI iyo Saamaynta uu ku yeelan karo Soomaalida
Inkasta oo AI uu wali yahay aragti cusub oo ku cusub Soomaalida, haddana waa mid si tartiib tartiib ah uga muuqda nolosheena.
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira baraha bulshada sida YouTube, TikTok, iyo Facebook waxay durba ka faa’iidaystaan AI si ay u sameeyaan muuqaalada, tarjumaado, qoraallo, iyo codad.
Waxaa kale oo la dareemayaa in barayaal iyo arday ku jira jaamacadaha ay adeegsadaan ChatGPT si ay u diyaariyaan warbixino, maqaalada cilmiyeed, iyo xitaa qorshayaal ganacsi.
Laakiin dhinaca kale, halista AI waxay sidoo kale gaaraysaa Soomaaliya: Been abuurka wararka, muuqaalada lagu sumcad dilayo dadka, iyo in dhaqanka Soomaaliyeed uu wajahayo weerar “qarsoon” oo kaga imaanaya nuxurka waxyaabaha AI-ga laga sameeyo.