Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa meel fagaare ah dhammaadkii bishii Abriil kaga dhawaaqay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay xilka hoggaaminta Koonfur Galbeed u garatay, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Ka hor iyo kaddibba maalintaas cid kasta waa ogayd in Aadan noqonaya hoggaamiyaha Koonfur Galbeed. Iyada oo sidaas tahay Dowladda ayaa iclaamisay in haddana la tartamayo oo doorasho loo gelayo xilka! Ma rumaystay?
Marka laga hadlayo doorasho; waa erey bixin loola jeedo tartan furan oo la yaqaan cidda ka qaybgalaysa, xilalka lagu tartamayo, meesha tartanku dhacayo, waqtiga uu dhacayo iyo shuruudaha lagu tartamayo. Waxaa ay doorashadu leedahay xeerar iyo shuruuc la raaco ka hor iyo kaddib doorashadaba.
Haddaba waxa ka dhacay Koonfur Galbeed, marka laga tago magaca “doorasho” ma jirto wax kale oo loo qaadan karo nuxur doorasho. Sababaha aan ku saleeyay dooddayda waa natiijada ka soo baxday wixii aan aragnay, maqalnay ama ogaannay. Si kooban maqaalkayga waxaa ku eegayaa maxaa ka khaldamay doorashada la magac dhabay.
1- Doorashada ka hor
Doorasha kasta oo qabsoomaysa waxaa muhiim ah ka hor inta aan codka la dhiiban in la isku raaco ururada/xisbiyada tartamaya, liiska murashaxiinta, olalaha iyo tirade dadka codaynaysa oo la ogyahay.Hase ahaatee, Koonfur Galbeed waxaa la galay doorasho aan si dhab ah loo aqoon musharaxiintii xisbiyada matalayay. Lama arkin musharax si furan u ololeynaya oo leh: “Waxaan u sharaxanahay xisbiga hebel,” kana hor hadlayay shacabka ama dadkii codka siin lahaa. Sidoo kale, ma jirin kala caddeyn ku saabsan goobta uu musharaxu ka sharaxan yahay iyo xisbiga rasmi ahaan looga codeynayo. Arrintaas waxay abuureysaa jahwareer siyaasadeed iyo kalsooni darro ku saabsan hannaanka doorashada iyo nidaamka xisbiyada badan ee Soomaaliya.
2- Doorashada kaddib
Si kastaba wax ha u dhaceen, kaddib markii loo dadka loo dareeriyay doorashadii dhacday 10-kii Maajo, waxaa soo baxay wixii la filayay ee hore loo sii qorsheeyay ee ahaa in magaca doorashada la isticmaalo.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wayn ugu faantay inay doorasho ay dadweynuhu ka qayb qaateen lagu qabtay Koonfur Galbeed Soomaaliya. Haddaba, doorashadaas ma gaarsiisnayd heer lagu tilmaami karo doorasho dadweyne? Ma buuxisay shuruudaha doorashooyinka loo dejiyay?
Jawaabtii kasoo baxay dadkii la yiri waa tartanteen, xisbiyadii la sheegay inay ka qaybqaateen iyo korjoogtadii la geeyay oo ay ku jiraan wariyayaal madaxbanaan ayaa iftiimiyay heerka hoose ee la gaarsiiyay nidaamka dimuqraadiyada dalka.Intii la sugayay natiijo lagu dhawaaqo, Madaxtooyada Soomaaliya waxay Xildhibaanno ergo ka ah u dirtay mid kamid ah Murashaxiinta la sheegay in codka looga adkaaday, waxaa dowladdu ay u ballan qaaday taageero maaliyadeed iyo heshiis siyaasadeed. Maxay dowladu uga baahnayd in doorasho cod dadwayne lagu galay ay laalush u isticmaasho. Xalaal iftiin baa la cunaa.
Markale waxaa dhacday doorashada kaddib, in dowladdu ay toddobo kamid ah ururadii ka qaybgalay la sheegay inay isbahaysi dhisteen oo ku midoobeen Aadan. Muhiimaddu ma ahayn inay tartamaan, oo markii hore Aadan waa loo gartay xilkee, waxay ahayd in jilis la sameeyo. Hase ahaate waqtiga jilistu, midowga iyo isbahaysigu waa sanduuqa ka hor. Farsamo xumo aan fasiraad loo hayn.Haddaba, Doorasho lagu galo iyadoo aan la aqoon musharaxiinta, aan la arkin olole siyaasadeed oo cad, isla markaana aan la kala garanayn xisbiga iyo goobta laga sharaxan yahay, waxaa badanaa lagu tilmaamaa;
• Doorasho aan hufneyn
• Doorasho magac u yaal ah
• Doorasho nidaamkeedu mugdi ku jiro
• Ama doorasho aan buuxin shuruudihii
dimuqraadiyadda iyo xisbiyada badan.
3- Maxaa ka dhasha doorasho noocaas ah?
Filan waa ma noqonayso natiijada ka dhalanaysa, Soomaaliduna hore ayay usoo martay khibradaas. Xaa u dhahdeen, doorto nin dooran. Laakiin wixii Koonfur Galbeed ka dhacay, waxay dhalaysaa in Soomaalidu ka maagto inay sanduuq aaddo. Kalsooni darada dhacday awgeed. Inkasta oo dadka Soomaaliyeed uu codka dadweynuhu himilo umadeed u yahay, haddana xasuusta Koonfur Galbeed ayaa sii durkinaysa gaarista yoolkaas.
Waxaa ugu dhow ee ka soo baxaya doorashada Koonfur Galbeed waa saddax qodob oo aan waqti horeba aragno, kuwaas oo kale ah.
1. Jahwareer sharci iyo nidaam.
Marka aan la kala caddeyn goobta laga sharaxan yahay iyo halka codka laga bixinayo, sida ka dhacday Koonfur Galbeed, waxay abuureysaa khaladaad sharci iyo muran siyaasadeed. Waana midda hadda taagan maadaama ay banaanka ilaa saddax urur iyo Murashaxiintoodii ay banaanka u taagan yihiin. Taas waxaa weheliya isku tuurtuurka natiijada ee ka dhexsocota Maxkamada Sare iyo Guddida Doorashada. Hal booli ah, nirig xalaal ah ma dhasho.
2. Shacab aan doorasho dhab ah helin
Dadku ma qaadan karaan go’aan haddii aan loo soo bandhigin doorashooyin cad iyo musharaxiin la yaqaan. Sagaaro qoorqabad biyo kuma cabto
3. Kalsooni darro
Doorasho sidaan u dhacda waxay keentaa in shacabka iyo daneeyayaasha siyaasadeed ay lumiyaan kalsoonida nidaamka doorashada. Waxa xalane ka socda, waa natiijadii ka dhalatay Koonfur Galbeed.
Iyada oo arrimahaas oo dhan jiraan, haddana doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed 10-kii May waxaa hareeyay mugdi iyo jahwareer siyaasadeed. Guddigii Doorashada oo muddo aamusnaa natiijadii doorashada iyo magacyadii ku soo baxay, ayaa maanta ku dooday in aysan natiijada soo gudbin karin ilaa ay fasax ka helaan Maxkamadda.
Waxaa taas ka sii yaab badan in Maxkamaddu ay sheegtay inaan wax dacwad ama arrin la xiriirta doorashada loo soo gudbin. Arrintaasi waxay sii xoojineysaa shakiga iyo kalsooni darrada laga qabo hannaanka doorashada iyo madax-bannaanida hay’adihii loo igmaday maamulka doorashada.
Haddaba, doorasho aan lahayn hufnaan, isla xisaabtan iyo nidaam cad ma abuuri karto kalsooni siyaasadeed iyo mid shacab, balse waxay horseedi kartaa muran iyo xasillooni darro.
Khibaradaydu waxay isiinaysaa in Dowladda Federaalka ah ay adduunku kusoo kordhisay nooc cusub oo xilka lagu tago oo la dhaho garasho, malahayga haddii DFS ay iibgayso oo ay dowladaha caalamka u bandhigto, waxayba noqon kartaa ikhtiraacii ugu waynaa ee Soomaali adduunka kusoo kordhisay. Waaba mudanahay abaalmarin. Madaxweyne Xasanna halkaas ayay uga dhawdahay billadda noobeelka ee uu dhawr mar in magaciisa dadka la sharaxo lagu soo daro lacag ugaga baxday. Talo isuma kaa sheegto.
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yareey) waa Guddoomiyihii hore ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

