Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Warfidiyeenku uma baahna in la siiyo warqad ka xoraynaysa inaysan xabis gelin, bedelkeedda waa in loo ogolaado in ay helaan xog badan…..” ~Chris Powell.  

Aniga iyo saaxiibaday toban sano kahor markii aan warbaahinta kusoo biirnay, waxaan carcar iyo niyad-sami u haynay in aan warbaahinta Puntland ku shubno dhiig cusub. Aniga waxaa si gaar ah iigu muuqatay inay tahay xilligii la heli-lahaa warbaahin iyo wariye masuul ah oo xukuumadaha ku daba-gali kara bixinta adeegyadda dadweynaha si loo ogaaddo in muwaadiniintu ay heleen adeegyadii ay xaqa ugu lahaayeen dawladda, iyaguna ay guteen waajibaadka saaran ka muwaadiniin ahaan.

Xilligaas waxaa si gaar ah ugu dhug-lahaa in ay mudantahay in la maqlo codka dadka danyarta ah, qoysaska liita iyo shaqaalaha hoose ee aan helin xaquuqdooda, kuwaa oo u shaqeeya dawladda. Iyo in toosh lagu ifiyo baylahda ka jirta adeegyadda aasaasiga ah sida: caafimaadka, waxbarashada, biyaha, korontada iyo maciishada daruuriga ah oo dadkeenu ay la daalaa-dhacayaan.

Dhawaan, waxaa arkay Madaxweyne Siciid Deni oo Muqdihso ku kulmay Weriyayaal  iyo Xarumo Warbaahineed oo Muqdisho degan, waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni inuu danta dalka kala hadlayo, markaas ayaa waxaa dib iigu soo maaxatay, baahida Madaxweynuhu ka arkay warbaahinta Muqdisho, tii Puntland ma u buuxin wayday? Dabcan, haa! Oonkaa biyo loo cabaa. Kulankana baahi baa keentay. Waa sababta aan qalinka ugu qaatay inaan ku ifiyo cidda baylahda dhigtay xog helis-gudbinta warfiyeedka Puntland.

Sida aan soo sheegay Warbaahinta aniga iyo jiilkaygu waxaan usoo galnay doonis dhab ah oo ku salaysan danta Muwaadinka. haddaba ujeedadaas cad iyo hayaankaas fog waxaa XIRAY helista xogta oo noqotay mid aan ka jirin Puntland. Masuuliinta dawladda iyo madaxda hay’adaha bixiya adeegyada dadweynuhu ma jecla bixinta iyo gudbinta xogta iyo macluumaadka ummadeed ee ay hayaan.

Xaalka Warbaahinta Puntland

Warbaahinta Puntland, waxay ahayd mid kamid ah kuwa ugu hanaqaadsan guud ahaan Soomaaliya. Wxii ka horreeyay sannadkii waxaaba la oran karay waxay ahayd Horyaalka Dalka. Hadase sida xaalku yahay waa barisamaad wanaagsanaayaa. Haddaba halkee sartu ka qurunsan tahay.

Warbaahintu sida aan ognahay waxay ka shaqaysaa xog helis-gudbin, haddii la waayo il sugan, xorriyad u shaqayn iyo kalsooni shaqo, si kasta oo adeeg iyo agab loo qabto, ma jirayso warbaahin hanaqaadda, waa sida hadda Puntland ka jirta.

Madaxweynaha Puntland iyo Dowladiisu, waxay markii hore go’aansadeen inaysan la hadlin warbaahinta gudaha, markii xigayna waxay ka jareen xogtii, waxaa kusii xigay in ciddii xog heshayna ay la dagaallaan, sidaas ayayna u dhimatay warbaahintii Puntland.

Maanta, waxaa Puntland ka shaqeeya lix waraabaahinood oo xarumo shaqeeyo leh, haddii aad Puntland joogto weli maku aragtay Madaxweyne Siciid Deni oo waraysi siinaya.

Keliya, warbaahinta madaxa bannaan ee Puntland ma dumin ee waxaa la dumay tii Dowladda oo ku jirta marxalad xattaa wasiirkeedu uu ka doorbido inuu bog gaar ah kasoo muuqdo.

Warbaahintu Puntland, waxay u baahan tahay inay noolaato oo xog hesho, sababta uu Madaxweyne Siciid Deni kulanka ula qaatay Warbaahinta Muqdisho waa samaynta taas oo ka timid in Dowladda iyo siyaasiyiinta Muqdisho ay xogta siiyaan.

Xaqa helista xogtu waa xuquuq uu qof kasta oo muwaadin ah uu leeyahay. Ayna tahay in uu helo macluumaadka ay hayaan hay’addaha dawladda ama kuwa gaarka ah, iyadoo la raacayo shuruucda iyo nidaamka u degsan dalka. Xaqa helista xogtu, waxa uu aasaas u yahay daahfurnaanta iyo islaxisaabtanka, gaar ahaan marka ay timaado hawlaha dawladda iyo adeegyada dadweynaha loo hayo.

Maxay tahay muhiimadda ay leedahay xaqa helista xogta?

In dadku helaan xogta iyo macluumaadka guud ee dalkooda, waxay muwaadiniinta fursad u siinaysaa inay go’aamiyaan hab-nololeedkooda mustaqbalka, inay unkaan waxyaabaha mudnaanta u leh, inay qiimeeyaan tabarta iyo adeegyada ay dawladdoodu bixin karto iyo inay la xisaabtamaan” xigasho.

Ku-talagalka masuuliinta dawladda iyo dadka kale ee maamula xafiisyada bixiya adeegyada dadweyne ee ah inaysan bixin macluumaadka, waxay ibo-furtay in dadka iyo dawladda uu derbi wayn oo la dumin waayay uu u dhaxeeyo. Waxay horseedday in masuulkasta uu qaado talaabo kasta oo uu kaga baxsan karo bixinta macluumaadka guud ee dalka iyo fursahadahawarbaahintu heli-karto, si looga warsado waxa dalka ka socda. Halka inta ogolna ay sameeyaan marin-habaabin bulsho mararka qaarkood.

Xog helis la’aantu waxay keentay in siyaasiyiintu ay abuureen kooxo baraha bulshada ku jira kuwaas oo xogaha guud ee dadka ka dhaxeeyay iyaga si gaar ah loo marsiiyo; ka dibna siday jecelyihiin ay u dhigaan, u falanqeeyaan, bulshadana u go’aamiyaan in cidda ay ku xiran yihiin ay saxantahay, taas oo jahwareerin iyo dhibaatayn ku ah shacabka.

Kooxahaasi waxay noqdaan bar-kulano lagala socdo aragtidda dadka bulshadda hoggaaminaya. Boqolaal dhegaystayaal ahna ay ku xirmaan, iyadoo la wiiqaymacnihii weriyaha iyo warbaahintii shaqadaa lahayd, Sidoo kalena siyaasiyiintu ay ka danaystaan masuuliyadii loo dhiibey, si fududna ay xantoobsadeen xoolihii dadweynaha iyaggoo hal qof iska laaluushay.

In madaxda hoggaamisa hay’adaha dawladdu ay oggoladaan in la waraysto, sidoo kalena macluumaadka iyo xogaha lala wadaago muwaadiniinta muhiimada ay leedahay waxaa ka mid ah:

1. Daahfurnaanta Dawladaha: Qof kasta oo muwaadin ah xaq ayuu u leeyahay in uu helo macluumaadka ay hayaan hay’adaha dawladeed, sida warbixinnada la xiriira go’aannada la gaaray/la gaarayo, miisaaniyadda dalku waxay ku baxdo, habka loo maareeyo hawlaha guud ee dalka ka socda.

2. Xuquuqda Dadweynaha: Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu ogaado xogaha iyo faylasha la xiriira go’aannada iyo hawlaha hay’adaha iyo shirkadaha, si loo hubiyo in fulintooda la waafajiyey shuruucda dalka.

3. Xuquuqda Madaniga ah iyo Bulshadda: Xaqa helista xogtu waa awood lagu xoojinayo xuquuqda bulshada iyo in dadku ay awoodaan inay ka qayb-qaataan go’aannada saamaynaya noloshooda. Tani waxay caawisaa in laga hortago musuqmaasuqa iyo ku-tagrifalka awoodda.

4. Dawladda iyo shacabka oo wada-shaqeeya: Marka muwaadiniintu ay ogyihiin tabarta dhaqaale ee dawladdooda, markay si daahfuran u arkaan qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, fursadaha shaqo, u sinnaanta qandaraasyadda iyo qaybinta gargaarka in si cadaalad ah oo daahfuran loo maamulayo, waxaa meesha ka baxaysa tuhunka ay dadku ka qabaan hoggaankooda, waxaana xoogeysanaya wada-shaqaynta iyo wadar u-wada-shaqaynta. Nin hullaaban inuu wax qarsanayo iyo in ay basarxumo ka tahay cidna ma cadayn karto.

Maxay tahay dhibaatada ay helis la’aanta xogtu ku hayso weriyaha masuulka ah ee xirfadda leh?

“Dimuqraadiyaddu si macno leh uma shaqayn karto, haddii aanan la helin dad xog ogaal ah, dad xog ogaal ahna ma suurtageli karaan iyadoo aanan si ballaaran dadweynuhu u helin xogta ku saabsan hababka shaqo ee dawladda. ~ Ryan Shapiro.

Agoosto 2024, wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa Gaalkacayo ka furtay tallaalka caruurta da’adoodu ka yartahay 5-sano. La-shaqayntayda Radio Ergo, aniga iyo tafatirahaygu waxaan fursad u aragnay in masuuliinta tallaalka hoggaaminaysa aan waraysi ka qaadno, si dadka Puntland ee tobankii qofba uu mid dhegaysto (1/10) idaacaddaan aan ugu wargelino tallaalkaan, una barno waxa uu yahay.

Annagu waxaan diiradda saaraynay in dadka muwaadiniinta ah ay ogaadaan muhiimadda tallaalkaan la furay uu leeyahay, cudurrada uu ka hortagayo, tallaal la’aanta ilmaha ah dhibaatooyinka caafimaad ee halista ah ee uu wajahayo mustaqbalka, mudada uu soconayo, sida dadka reer guuraaga ah ay ku heli-karaan. Dhammaan masuuliintii waaxda tallaalka ee wasaaraddu waa ay diideen inay waraysi bixiyaan sabab la’aan. Si kasta oo aan ku qancin karno waan samaynay. Waana ku guuldarreysanay.

Waa tusaalaha ugu fudud ee ah derbiga u dhaxeeya dawlad iyo bulshadda ay u adeegayso. Waa luminta fursadaha lagu gaari karo muwaadin ka faa’idaysan lahaa adeeg caafimaad oo dawladda Puntland loogu deeqay iyadoo laga baxsanayo bixinta xogta iyo macluumaadka ummadeed ee masuul uu hayo. Waanadafirid lagu samaynayo xaqa uu leeyahay weriyaha Puntland sida uu qabo xeerka warbaahinta Puntlandqodobkiisa 3aad faqradiisa 7aad.

Saamaynta ka dhalanaysa xog helis la’aanta warfidiyeenka:

1. Haddii weriyuhu uusan heli karin xogta saxda ah, wuxuu ku qasban yahay inuu ku tiirsanaado ilo aan la hubin ama xog aan dhammeys ahayn. Tani waxay keeni kartaa in bulshada la gaarsiiyo warar aan sax ahayn ama marin-habaabin ah. Waxaana meesha ka baxaya helidda xog sugan oo udub-dhexaad u ah anshaxa iyo astaanta lagu garto weriyaha suuban ee masuulka ah.

2. Marka warfidiyeenka laga ilaaliyo xogta saxda ah waxaa fursad helaya kooxo gaar ah oo dawladda ku jira ama si kale ugu daaban, kuwaas oo sameeya musuqmaasuq, ku tagrifal awooodeed iyo in xad-gudubyo dhacaan.

3. Marka warfidiyeenka laga ilaaliyo xogta iyo macluumaadka, arrintaasi waxay kor u qaadaysaa xisaabtan la’aanta keenta in madaxda dawladda iyo hay‘adaha kale ee wada-shaqaynta la leh, ay si xorriyad leh oo madaxbannaan u dhaqmaan iyaga oo aan ka cabsi qabin isla-xisaabtan iyo cid kor-joogteysa.

4. Marka warfidiyeenka laga ilaaliyo xogta waxaa saamayn taban ay ku timaaddaa bulshadda, waxaana luma awooddii ay ku qaadan lahaayeen go’aamo sax ah oo ku saabsan noloshoodda, siyaasadda, iyo arrimaha bulshadaba. Tani waxay keentaa in ay ku wareeraan ciddii ay u codeyn lahaayeen ama taageeri lahaayeen xilliyadda doorashooyinka dalku socdaan.

5. Marka warfidiyeenka laga ilaaliyo xogta, waxay u nuglaadaan oo wajahaan cadaadis iyo cabsi-gelin kaga timaadda dhinacyo kala duwan, taas oo horseedda in in-badani shaqada warfidiyeenka ka tagaan, dalka inay ka qaxaan ama ka cabsadaan inay si dhab ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.

6. Marka warfidiyeenka laga ilaaliyo xogta waxay la macno tahay in quful lagu dhuftay dimoqraadiyadda, daahfurnaanta, iyo isla-xisaabtanka bulshadda. Haddii aysan heli karin xogtaas, warbaahintu waxay lumineysaa awooddeeda saameynta leh ee bulshada ay ugu adeegto.

Maxay yihiin duruufaha xaddidi kara in weriyaha aanan xog la siin?

Dalal badan baa leh sharciyo gaar ah oo ilaaliya xaqa helista xogta, kuwaas oo qeexaya xaaladaha iyo hababka lagu heli karo xogta dadweynaha iyo dawladda. Duuruufaha xaddidaya xaqa helista xogta waxaa ka mid noqon kara:

1: Amniga Qaranka: Qaar kamid ah xogtu waxay noqon kartaa mid xadidan haddii ay la xiriirto amniga qaranka.

2: Xogta Gaarka ah: Xogta shaqsiga ah iyo macluumaadka gaarka ah ee qofka looma sheegi karo cid aan la oggoleyn.

3: Siraha Ganacsiga: Shirkaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ilaaliyaan xogta ganacsigooda ee muhiimka ah, sida qorshayaasha ganacsi ama hababka waxsoosaarka.

Dhamaan qodobadaas mararka qaar shuruucda way u bananaysaa warfidiyeenka baarista {Investigative Journalist} sameeya in wixii lagu qarinayo oo dan shacab{ Public interest}  ku jirto ay soo bandhigaan, iyagoo aan ka tegayn fursad-siinta dawladda.

Xeerka xaqa helista xogta Puntland ma yahay midkii warfidiyeenka Puntland sugayay?

Xirfadlayaal badan oo suxufiyiin ah oo Puntland ka shaqeeya mudo dheer waxay u qareemayaan in la hello xeer u ogolaanaya inay xaq u leeyihiin inay xog helaan, iyadoo ay hormuudka u tahay ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP, balse dedaalkaas waxaa ku yimi niyad-jab marka la arkay xeerka ay dawladu soo bandhigtay, kaas oo sinaba aan uga turjumayn xaquuqda saxafiyiinta Puntland, waxaana u aragnay inuu yahay qawda maqashii waxna haw qaban, oo ah xeer waa jiraa, laakiin sidii hore waxba iskama bedelin.

Qodobada  xeerkaan oo ka kooban 14 qodob, aan sinaba ugu cuntamin suxufiiyiinta madaxa-banaan ee Puntland, waxay gaarayaan ilaa shan kuwaas oo ahaa nuxurkii iyo fursadii ay xaqa galaangalka iyo xoriyada ku heli lahaayeen ee mudada dheer ay sugayeen, waxaana ku duraynaa.

1: Qodobka 4aad: wuxuu sharaxayaa ujeedooyinka xeerkaan, faqradiisa 1aad waxay sheegaysaa in la dhaqan-geliyo, ilaa hadda lama dhaqan-gelin, waxaana kasoo wareegtay 10 bilood. Faqradda 5aad waxay sheegaysaa in dadweynaha la rabo xaqa galaangalka xogga, lama barin.

2: Qodobka 6aad: wuxuu sheegayaa in hay’adaha dawlada ay xogta shaaciyaan, iskadaa inay shaaciyaan xataa in la warsado ma oggola.

3: Qodobka 12aad: Midkaan waa kan ugu muhiimsan oo suxufiyiintu ay mudo dawrayaan, waxay wasaaradda warfaafinta Puntland sheegtay in 21ciso weriyaha marka uu codsado in xog la helo, loosoo jawaabi doono taasna sax maaha oo dhacdooyinka qaarkood waxay ku dhacayaan maalmo kooban, hadaan xog le helina sheeko dhimanaysa ayay noqonaysaa.

4: Qodobka 14aad: “ Hadii xogta loo diido, wasaarada warfaafinta ayuu lasoo xariria” ayaa ku taal farqada 1aad, halkaas waxaa ka maqan in hadii loo diido weriya xogtaas oo ah mid danshacab ah sidda xeer cusub oo la meel-mariyay, sharci aan shacabku ogeyn oo la meel-mariyay, ku tagrifal awoodeed ama musuqmaasuq dhacay.

Gabagabo:

 muwaadiniinta ah in badan waxay ku dhaliilaan warfidiyeenka Puntland inay yihiin kuwa ku liita xagga soo-bandhigista waxyaabaha dalka ka socda sida in aysan abuurin jawi isla-xisaabtan, sheekooyinka dabagalka iyo baarista oo yar, curin la’aanta barnaamijyo lagu dabagalayo ku-dhaqanka miisaaniyadda dalka. Kharashaadka dawladdu sida uu ku baxo oo aan warfidiyeenku ka sheekayn, masuqmaasuqa ka dhex-jira xafiisyada dawladda oo aan xog laga hayn, ku tagrifalka awoodaha, u sinnaan-la’aanta fursadaha iyo wixii la mid ah.

Qodobbadaas iyo kuwa kale ayaa si joogta ah loogu dhaliilaa. Ma dafirayo in dhaliishaas ay jirto. Hadana waxaa hubanti ah in uusan jirin wariye xirfadle ah oo dhammaan shaqooyinkaas aan kor kusoo xusnay iyo kuwa kale oo xaaladda degaanka ah ka warrami kara ilaa uu helo xog ku filan, run ah oo ummaddu ku go’aan qaadan karto.

Helis la’aanta xogta guud ee dalka si dhab ah waxay curyaamisay shaqadii warbaahinta iyo warfidiyeenka, waxay ka dhigtay saddex kooxood oo kala ah:

A. In aad noqoto warfidiyeen gudbiya xog hal dhinac ah, taasna aad kala mid noqonaysa dadka isticmaalaha baraha bulshadda ee kooxuhu samaysteen si ay aragtidooda bushadda ugu shubaan.

B.  In aad noqoto weriye ku tiirsan ilo aan la hubin ama gudbiya xog aan dhammeys ahayn, taas oo mararka qaar been noqon karta. Qofka warfidiyeenka ahna uu ku mutaysan karo xarig, jirdil, ganaax maxkamadeed ama in la dilo.

C. In aad ka aamusto wixii aadan xog sax ah ka hayn intii aad lumin lahayd aaminadaadda.

Ilaa la helo sharci si cad u qeexaya xaqa helista xogtaoo ka guda-balaaran midkaan lasoo bandhigey bishii 7aad ee sanadkii hore 2024, oggolaanshaha ku-dhaqanka xeerka warbaahinta Puntland qodobkiisa 3aad faqradiisa 7aad oo aan tebayno inaan si sax ah loo dabaqin. Inta masuul kasta oo adeege bulsho ah uu oggolaanayo bixinta macluumaadka guud ee uu hayo, marka laga reebo wixii amniga wax u dhimaya, shacab u diyaar ah inay la xisaabtamaan dadka ay doorteen, sidoo kale dhiirrigeliya warfidiyeenka u bareera shaqadaas adag, GUULI WAA WELI.

Mohamoud Nadiif Shire waa Wariye ka shaqeeeya Radio Ergo, ka tirsan ururka da‘ayarta warfidiyeenka adduunka (IFJ-YMW), xubin ka ah Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP iyo Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More